Hargeisa ( Xogreeebnews)inta badan muuqaalka waxa lagu sheegaa dalad kulmisa dhalinta somaliland balse macnaheeda iyo muuqaadu kaas wuu ka duwan yahay waxaanay tahay kuna suntan tahay ama ku sifoowday xarun laga faafiyo fikirka
Hargeisa ( Xogreeebnews)inta badan
muuqaalka waxa lagu sheegaa dalad kulmisa dhalinta somaliland balse macnaheeda
iyo muuqaadu kaas wuu ka duwan yahay waxaanay tahay kuna suntan tahay ama ku
sifoowday xarun laga faafiyo fikirka qabyaalada iyo kala qoqobka dhalinyarada
waxaana caaddo u ah inay hawlaheeda iyo inta ku dhex jirtaaba noqdeen meel lagu
kala ololaysto hab qabiil iyo hab eex iyo nin jeclaysi waxaan marka ay
doorashada dhexdeexa ee labadii sanaba mar laqabto si cad u soo shaac baxa cudurkii qaybaalada ee la
soo beerayay mudooyinkaas dheer ay jirtayba.
sida intiina badani aad ka war qabtaan waxa imika
taagan doorashadii gudoomiyaha labada sano majaraha u tqaban lahaa, waxase
labadii cisho ee loogu talo galay in lagu doorto gudoomiyaha iyo xubnaha kalaba
uu ku soo dhamaaday is mari waa iyo kala ololaysi qabyaaladeed iyo kala qoqob,
waxaana la gaadhay in aqlabiyadii meesha loo joojn waayo oo la isu dalbado “RRU " sida ay ilo xogogaali ii
sheegan waxa baayaca iyo sixirka qiimaha dadka codaynaya ay gaadheen xilal
dawladeed, dhul iyo lacag la isla dhex wareegayay oo taagnayd jeegan imisaan
kuugu qoraa, waxa intaas wehelinaysay masuuliyiinta xilalka haya oo la sheegay
inay kooxo kooxo ula shiraysay.
hadaba marka dhalintii lagu tuhmayay aqoonta,
dhalintii lahayd mustaqbalka wadankan ee imika iyo ka berrito, dhalintii la
doonayay inay jid toosan u jeexan
ubadkooga berri dhalintii la tuhmayay ay sidaa u dhaqmayaan siduu noqon doona
jiilka dambe ee iyaga higsanaya,,,,,,,,,
isku soo wada duuboo waxa haboon in laga tashado daladaaa u guntatay abuurida
qabyaalada iyo qoqobka waxaana mihiima in laga hor tago si aanay ugu faafin
dhalinta kale ee ka fayow fikirkaa liita. Waxaan la gudboon dhalinta ku jirta
sonyo inay si cad oo hufan u fikiraan oo anaay xambaaran inay jideeyaan sune
xun oo ka soo fullo hadiiba ay isku mari waayeen qaabka doorasho ee iyaga
dhexdooda u yaal waxa haboon inay sameeyaan qaab kale oo la jaan qaadaya isla
makaana hoos u dhigaya qabyaalada iyo qoqobka waxaana daruuri ah ama oo lagama
maarmaan ah inay labadii sanaba mar u
suntaan inay hogaanka qabtaan gobalada iyadoo la samaynayo hab qori tuur ah
isla markaana gobolkii qori tuurka ku soo baxaa uu isagu keeno laba musharax oo
guud ahaan dalada ka dhex tartama oo ay ergooyinku doortyaan iyagoo ku kala
dooranaya waxay soo bandhigaan iyo kartidooa
Zaki Adem Zuxufi
Xogreebnews Hargeisa
Aqoonyahan Liibaan Ismacil Oo Iftimiyay Fadeexad Dul Hoganaysa (SONYO)
Hargeisa ( Xogreeebnews)inta badan muuqaalka waxa lagu sheegaa dalad kulmisa dhalinta somaliland balse macnaheeda iyo muuqaadu kaas wuu ka duwan yahay waxaanay tahay kuna suntan tahay ama ku sifoowday xarun laga faafiyo fikirka