Sirta Dhabta Ah Ee Ka Danbaysa Socdaal Uu Guddoomiye Cirro Maanta Ku Tagay Jibouti (Akhriso)

0
Sunday December 28, 2014 - 18:43:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirta Dhabta Ah Ee Ka Danbaysa Socdaal Uu Guddoomiye Cirro Maanta Ku Tagay Jibouti (Akhriso)

    Jibouti (xogreebnews.com_ Warar Aanu ka helnay ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw xisbiga waddani ayaa tibaaxaya in maanta abaaro 12:00 pm duhurnimo ee taariihda 28-12-2014 uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jibouti (xogreebnews.com_ Warar Aanu ka helnay ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw xisbiga waddani ayaa tibaaxaya in maanta abaaro 12:00 pm duhurnimo ee taariihda 28-12-2014 uu
Jibouti (xogreebnews.com_ Warar Aanu ka helnay ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw xisbiga waddani ayaa tibaaxaya in maanta abaaro 12:00 pm duhurnimo ee taariihda 28-12-2014 uu gudoomiyaha xisbiga waddani Cabdiraxmaan Maxamamed Cabdilaahi (Cirro) uu socdaal kedis ah ku tagay magaalada jibouti ee wadanka jamhuuriyadda jibouti waxaana la sheegay in cabdiraxmaan cirro uu u tagay jibouti si uu ula kulmo madaxda jibouti oo uu kala hadli doono arigtidiisa siyaasadeed ee wadahadalladii somaliland iyo somalia ee dhawaan madaxweyne geelle uu marti galiyay.Gudoomiye Cirro waxa la sheegayaa inuu halkaas la tagayo aragti ah in aanu aaminsanayn in somaliland ay tahay waddan dal ahaan u jira wadahadalladana la joojiyo si looga fikiro masiirka umadda somaliyeed taas oo uu madaxweyne geelle hor dhigayo in aanay dawlada somaliland iyo madaxweyne Siilaanyo aanay keligood xaq u lahayn inay in masiirka umadd dhan ay ku afduubaan dhinaca Gooni isu taagga.
Geesta Kalena Guddoomiye Cirro ayaa la leeyahay waxa uu madaxda dawladda jibouti kala hadli doonaa arrinta Awdal State Iyo Suldaan Wabar.Taas oo uu gudoomiyuhu hore uga soo horjeestay in awood ciidan lagu xalliyo arinta suldaan wabar reer awadal na ugu garaabay Goosashada.Siyaasiyiinta mucaarad ah ee somaliland ayaa inta badan ku fikira mijo xaabinta iyo in istiigad la daba qaato waxyaabaha wanaaga iyo horumarka ah ee ay xukuumadda somaliland ku tallaabsato iyagoo sumcadooda iyo mustaqbalkooda siyaasadeed ka raadiya waxyaabo boqnaha jaraya qaranka somaliland, curyaaminaya wanaaga dawlladu ku kacdo kana hor imanaya had iyo jeer mustaqbal ka qaranka iyo masiirka umadda.waxaad moodaa inaan dadka Reer Somaliland inta badan wali u bislaan qiimaha dawladnimada oo had iyo jeer lagu sheego ama la siiyo dawlad nimada hadba reer iyo cid gaara waxaana madaxda mucaaradku ay ku kacaan gefaf qaranka laga galo oo aan loo meel dayin iyagoo jeediya inta badan haddallo cadawga farxad galinaya muwaadinka lexejecloda wadanka ka qabana niyad jabiya taas oo muujinaysa xilkasnimo la'aan iyo masuuliyad darro.
Dawlladda Jibouti ayaa iyadu taageersan in somalia mid ahaato midnimadii somaliyeedna lasoo celiyo waxaanay jibouti kasoo horjeeddaa in somalia kala Go'do.
Taas oo la leeyahay Gudoomiye Cirro waxa uu hadda uga faaidaysanayaa fikirkiisa siyaasadeed ee ku qotoma aragtida ah in inta Siilaanyo Joogo Aan la Aqoonsan Somaliland si aanu magaca iyo karaamada isagu ugu helin.
Isagoo Cirro Ahaa Masuulkii Keli Ahaa ee ku Ganafka Ku dhuftay walaacana ka muujiyay qodobadii kasoo baxay shirkii la isku hor fadhiisiyay Somaliland Iyo Somalia.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured