Shirweynihii 7aad Ee Dalada Sonyo Oo Buuq Iyo Qalalaase Darteed U Qabsoomi La Ilaa Hada iyo Maamul Xumo Baahsan Oo Hadhaysay Guud Ahaantiiba

0
Sunday December 28, 2014 - 18:31:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynihii 7aad Ee Dalada Sonyo Oo Buuq Iyo Qalalaase Darteed U Qabsoomi La Ilaa Hada iyo Maamul Xumo Baahsan Oo Hadhaysay Guud Ahaantiiba

    Hargeysa(xogreebnews.com_-Shirweynihii 7aad Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo oo maanta ka furmay Ambasador Hotel Hargeysa ayaa guud ahaanba waxa hadheeyey buuq iyo qas baahsan oo aan la garanayn cida ka danbaysa iyadoo ilaa waqti xaadirkana aa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_-Shirweynihii 7aad Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo oo maanta ka furmay Ambasador Hotel Hargeysa ayaa guud ahaanba waxa hadheeyey buuq iyo qas baahsan oo aan la garanayn cida ka danbaysa iyadoo ilaa waqti xaadirkana aanu qabsoomin shirku

Hargeysa(xogreebnews.com_-Shirweynihii 7aad Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo oo maanta ka furmay Ambasador Hotel Hargeysa ayaa guud ahaanba waxa hadheeyey buuq iyo qas baahsan oo aan la garanayn cida ka danbaysa iyadoo ilaa waqti xaadirkana aanu qabsoomin shirku

Buuqan qalalaasaha wata ayaa waxa sababay maamul xumo iyo musuqmaasuq badheedha oo ay la yimaadeen Gudoomiyaha xilku ka dhamaaday iyo Agaasimaha Dallada Sonyo oo hab qabyaaladeed ugu kala eexanaaya labada Musharax ee Doorashada ku tartamaaya oo ay Musharaxii ay taageersanaayeen laga Olole iyo taageero batay kaasoo ay uga cabsadeen in codka lagaga guulaysto


taasi oo sababtay inay sameeyaan falal ay ku carqaladaynayaan in doorasho ka qabsoonto Hoolkii Shirku ka socday iyagoo isla markaana meeshii ka dhex abuuray kooxo maafiyo ah oo ku dhex dagaalamay goobtii shirku ka socday iyadoo isla markaasina iyadoo aan loo codayn Labadii Musharax la xidhay shirkii isla markaasina laga qufushay Hoolkii Xubnihii Ergada u ahaa ee Gobalada kasoo jarmaaday iyo guud ahaanba kasoo qaybgalayaashii shirka


lama garanaayo halka ay ku danbayn doonto aayaha mustaqbal ee daladan Sonyo oo waayadan ugu danbeysayba isu dhalan rogtay urur ka mida Xukuumada Silaayo iyadoo ay guud ahaanba ka rajo beeleen Bahweynta Dhalinyarada Somaliland iyagoo kaga maagay falalkan aan Maamuladii hore ee Dalada soo maray samayn jirin ee uu Gudoomiye Maanofeesto la yimid taasoo dhalinyarada reer Somaliland ay ky sifeeyeen in In ay Sonyo gacantiisa ku burburtay


Iskusoo wada duuboo ceebta iyo fadeexada arintan ayaa waxa ay dusha ka saarantay laba masuul ee kala ah Gudoomiyaha xilku ka dhamaaday iyo Agaasimaha Sonyo oo xaga Haybatana wadaaga




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured