Cabdilaahi Cukuse iyo Cabdicasiis Samaale oo ka soo Dhex-mudhay Ururkii Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Xukuumaddu Inqilaabtay

0
Saturday December 27, 2014 - 17:38:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdilaahi Cukuse iyo Cabdicasiis Samaale oo ka soo Dhex-mudhay Ururkii Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Xukuumaddu Inqilaabtay

    London (xogreebnews.com_ Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Xubno cusub oo Labada sanno ee soo socda Hoggaamin doona magacawday Ururkii Suxufiyiinta Somaliland ku midaysnaayeen ee SOLJA oo ay inqilaabtay, isla markaana wax ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (xogreebnews.com_ Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Xubno cusub oo Labada sanno ee soo socda Hoggaamin doona magacawday Ururkii Suxufiyiinta Somaliland ku midaysnaayeen ee SOLJA oo ay inqilaabtay, isla markaana wax ay
London (xogreebnews.com_ Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Xubno cusub oo Labada sanno ee soo socda Hoggaamin doona magacawday Ururkii Suxufiyiinta Somaliland ku midaysnaayeen ee SOLJA oo ay inqilaabtay, isla markaana wax ay Shir ugu yeedheen Xubno abaabulan oo isugu jira Xubno SOLJA ka tirsanaan jiray iyo kuwo Xukuumaddu ku soo darsatay ku qabtay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta.soljaXubnahan cusub ee loo magacaabay Ururkii SOLJA oo maalmahanba si hoose u magacawnaa, isla markaana xubnaha abaabulani sheegeen waxa ay shirka ugu yeedheen inay ku doorteen hoggaankooda cusub, ayaa kala ah Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Weriyaha Horn Cable iyo Jamhuuriya uga soo warrama Burco Keyse Axmed Digaale iyo Guddoomiyaha Wakaaladda Wararka Dawladda ee SOLNA Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi).Waxaa Xubnahan loo kala magacaabay Guddoomiye Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Guddoomiye Ku-xigeen, Kayse Axmed Digaale iyo Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi) oo loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Ururkii Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, sida laga sheegay Waxa shirka loogu yeedhay oo maanta gelinkii dambe lagu soo gebo-gabeeyey Ambassador Huteel ee magaalada Hargeysa.Shir-ku-sheegga maanta lagu doortay Hoggaanka Cusub ee SOLJA waxa shir-goddoominayay Guddoomiyihii hore ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo Xukuumadda Dhabar-taabatay iyo Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab) oo ah Suxufi Ruug-caddaa ah oo wakhtigan ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.Xubnaha Ururkii Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA in badan oo ka tirsan iyo Hoggaankii Ururkaas ee sharciga ahaa Xubno ka tirsan, ayaa shalay iyo xalay qaaddacay Sharcinnimada Shirkaas, markii ay ogaadeen doorta Xukuumaddu ku leedahay, kuwaasoo shaaciyey inay Xukuumaddu burburinayso SOLJA, isla markaana Xubno cusub iyadu u soo magacawday.
Waxay si gaar ah u sheegeen Xubnaha qaaddacay waxa SOLJA laga dhex-waday, in ay dabada ka wadaan waxa shirka loogu yeedhay ee maanta xubnahan cusub ee la magacaabay Kooxda Abaabulan waxa doorashada loogu yeedhay farta ugu taageen Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Maaliyadda Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale.Hoggaan ku-sheegga la sheegay in loo doortay SOLJA, waxa hore u kala qaybsaday Wasiirro Xukuumadda ka tirsan Gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo isagu watay Suxufiga Guddoomiyaha loo doortay Maxamuud Jaamac (Xuuto) oo ah gacan-yarihiisa sida gaar ah ula shaqeeya dhinaca abaabulka saxaafadda.Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa isaguna hoggaan ku-sheegga la doortay ku darsatay Xubinta loo doortay Xoghayaha Guud, Xuseen Kurdi, oo ah Guddoomiyaha Wakaaladda Wararka ee SOLNA oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta. Halka Xubinta Saddexaad oo ah Keyse Axmed Digaale ka yahay Weriye Ruug-caddaa ah oo gobolka Togdheer uga soo warrama Telefishanka HCTV iyo Wargeyska Jamhuuriya oo labadooduba ah laba hay’ad warbaahineed oo dhinaca Xukuumadda lagu tiriyo.Waxa kale oo shir-ku-sheegga maanta lagu doortay Guddi Fulineed oo ka kooban 15 Xubnood oo ay ku jiraan Saddexda loo doortay hoggaanka sare ee SOLJA, kuwaas oo dhammaantood ka kooban Xubno Cusub oo intooda badani ka hawl-galaan warbaahinta Dawladda iyo Saxaafadda garab-saarka la leh xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo marka laga reebo laba xubnood oo hore uga tirsanaan jiray Guddidii fulinta ee hore, kuwaas oo kala ah Guddoomiyaha Hubaal Media Group, Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) iyo Tifaftiraha Shabakadda Berbera News Maxamed Siciid Cabdilaahi (Xarrago) oo labadoodu dib u hantay codka Ergadii ka qayb-gashay shirka ee ka socotay Saxaafadda kale.Lama garan karo halka ay ku dambaynayso Rejada Ururkii Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo labadii sannadood ee u dambeeyey fadhiid ahaa, isla markaana Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Jeebka ugu jiray sannadkii u dambeeyey, immikana ay si buuxda ula wareegtay Xukuumaddu, maaddaama oo Xubnaha lagu soo magacaabay aanay u doodi karin xuquuqda Suxufiga iyo Saxaafadda dalka oo xukuumaddu u samaysatay xeer-ku-sheeg meel-ka-dhac ku ah karaama Xorriyatul-qawlka isla markaasna meesha ka saaraya Xuquuqo badan oo ay leedahay Saxaafadda Madax-bannaan.
Rasmi Media
London, UK



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured