Ballan-qaad afka ah...Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye) Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale.. Qormada: 8aad
Hargeysa(Xogreebnews)-Wadaamaha la dawdabay,
Dan-yartay ka maqan tahay,
Raacdadu ma daallana,
Dorraad iyo shalay-jire,
Doorka maanta noo jire,
Dib-u-jire hadhow-jire,
Ninba weel u daray baa,
Deyn loogu leeyahay,
Diiwaanka qarankiyo,
Taariikhdu dug ma leh,”
Hargeysa(Xogreebnews)-Wadaamaha la dawdabay, Dan-yartay ka maqan tahay, Raacdadu ma daallana, Dorraad iyo shalay-jire, Doorka maanta noo jire, Dib-u-jire hadhow-jire, Ninba weel u daray baa, Deyn loogu leeyahay, Diiwaanka qarankiyo, Taariikhdu dug ma leh,” Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax
ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa, Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale,cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com Qormada: 8aad 27/12/2014ka Hargeysa, Intaa hore waxba maba ay ahayn. Ta ay keenaanba tii hore ka
daran Bal hadda Qodobkan labaad aynu isagana eegno. Waxay Kulmiye inoogu
ballan-qaadeen: “In si degdeg ah xayiraadda aan Dastuuriga ahayn looga
qaado furashada Idaacado gaar loo leeyahay, iyo noocyada kale ee warbaahinta ee
waafaqsan dhaqanka iyo diinta,” Qodobkan ma ka dheregteen? Aan idiin ku celiyo: “In si degdeg ah xayiraadda aan Dastuuriga ahayn looga
qaado furashada Idaacado gaar loo leeyahay, iyo noocyada kale ee warbaahinta ee
waafaqsan dhaqanka iyo diinta,” Waxay inaga dhaadhicinayaan oo ay inaga iibiyeen, codadkeennii
qaaliga ahaana inaga siisteen: ““In si degdeg ah xayiraadda aan Dastuuriga
ahayn looga qaado furashada Idaacado gaar loo leeyahay,”Waxba ku
dheeraan maayo, waqtina iskaga lumin maayo e’, bal idinkuba inoo sheega haddii
aad aragteen ama maqasheenba Idaacad la furay. Annagaa yaab aragnay. Iyada oo
ay taasi inoo horreysay oo ay wax aan jirin inaga iibiyeen oo codadkeennii
qaaliga ahaa inaga siisteen, ayay haddana maalin walba la soo taagan yihiin:
barnaamajkii ballan-qaadka ahaa 100% ayaanu fulinnay. Miyaanay taasi
af-lagaaddo ku ahayn garashadeenna, indhaheenna aynu waxa jira ku aragno iyo
dhegeheenna aynu waxa jira ku maqallo. Sow ma ay ahayn in ay inaga xishoodaan,
haddii ay doonayaan in aynu ka xishoonno. Bal ka warrama dul-qaadkeenna. Alla
maxaynu u-dhabar-adaygnay. Intaasi waa Idaacadaha ay inagu yidhaahdeen waanu furaynaa ee
beenoobay. Waxay inoo furan iska daaye, wargeysyadii shaqaynayay ayay
albaabbada u laabeen. Cago-juglayn, xadhig iyo weerar qaawan oo aan geedna
loogu soo gabban ayay ku qaadeen. Intii ay Somaliland jirtay inama soo marin
Xukuumad sidan u nugul oo u cabbani. Xukuumadihii hore oo dhan ayaa ka dulqaad
badnaa oo saxaafadda uga jajabnaa. Waa tii Hargeysa laga furay Idaacad qarsoodi ahayd markii fasaxa
la waayay. Ilaahay uun baa ogaa wixii ay Xukuumaddu tamar iyo taagba ku lumisay
sidii Idaacadda loo soo heli lahaa. Hadda kulmiye markii uu ololaha doorashada
ku jiray Radio Horyaal ayuu adeegsan jiray, maantana Radio ma maqli karaan. Bal
ka warrama marka ay ina leedahay Idaacado ayaanu fasaxaynaa. Wixii ay jeclayd oo
dhan ayay ka xanaaqdaa, waxyaabihii ay nebcayd oo dhanna maanta waa ay
jeceshahay. Waxaasina wax kale ma aha ee waa xanuunnada kursiga iyo sii
jeclaantiisa laga qaado. Subxaan! Tallaabooyinkan dimuqraadiyadda ka arradan ee saxaafadda
madaxa-bannaan lagula kacayaa ma aha wax gudaheenna ku xun oo keliya. Magac-dil
ayay guud ahaan ku tahay shacbiga Somaliland ee geesinnimada la og yahay
muujiyay si dalka looga hirgeliyo Saxaafadda albaabbada loo laabay.
Weriyayaasha la xidhxidhay intii ay xukuumaddani talinaysay, inta la dhaawacay,
inta qalab laga jejebiyay, inta af wax cunay xishoo laga dhigay ee aan maanta
soo rogan karin kana baaqaya in tuubbooyinka afka loo geliyay laga jaro. Weli
faro-gelin intaas le’egi inama soo marin taariikhdeenna. Bal hadda fiiro iyo
dhugmo gaar ahba u yeesha dhibaatooyinka aan laga geyoonayn ee haysta Ururkii
Suxufiyiinta ee SOLJA oo beryahanba qabsan kari la’ Shirweynahoodii iyaga oo ka
eed sheeganaya faro-gelin joogto ah oo ay Xukuumaddu ku hayso. Dibandaabyada u
haleel badanaa oo danaha ummadda u haleel daranaa. Belo ku degtay ma maqli
jirteen. Maxamed Mooge ayaa halhays u lahaan jiray. Saxaafaddu, waa ay iiga dhowdahay mowduucyada kale oo dhan,
sidaas darteed, ayaan ugu talax-tegay ee raalli ha la iga ahaado. Waxaynu ka
wada dhur-sugi doonnaa go’aammada ka soo baxa Shirweynahan laga
dardaar-werinayo ee SOLJA wuxu ku dambeeyo iyo saamaynta taban ee uu ku yeelan
doono guud ahaanba saxaafadda Somaliland iyo dhowritaanka xorriyatal-qawlka. In
aan anigu oddoros iyo saadaal idiin ku sameeyo, waxa igala fiican oo igala
habboon inta ay sida tooska u taabanayso ee noocyada kala duwan ee saxaafadda
ku hawlani in ay doocooda iyo dareenkooda ka dhiibtaan. Faro-gelintan
Xukuumadda ee laga qayliyay, bal hadda aan eegno sida ay u saamayn doonto
habsami-u-socodka saxaafadda xorta ah. Waxaynu weli dhex-qaadaynaa Barnaamajkii Ballan-qaadka ahaa ee
Xisbiga Kulmiye codadkeennii inaga siistay, bal se aan waxba laga qaban,
haddana hadh iyo habeen la ina leeyahay 100% waa la fuliyay oo Xukuumaddan ammaan-jecel
ayaa fulisay dhammaantii. Hadal yar oo is-tus iyo is-faanin ahi waxba tari
maayo, bal ha yimaaddaan fagaarayaasha lagu doodayo oo burhaantooda ha soo
bandhigeen. Waa Bogga 16aad ee Barnaamajkaa Ballan-qaadka ahaa. Waa mowduuc
sharfan oo ku suntan:DHIRRI-GELINTA BULSHADA RAYIDKA AH.Subxaan!
Dhiirrigelintuna waa tee. Horto yaanan ka hor-degin ee aan idiin soo gudbiyo
waxay mowduucan sharfan ka qoreen. Waxay yidhaahdeen: “Kulmiye wuxu aamminsan yahay in bulsho rayid ah oo
firfircooni ay kaalin mug leh ka qaadan karto horumarka dimuqraadiyadda, sidaas
daraaddeed, Xukuumadda Kulmiye waxay diyaarinaysaa jawigii ay ururrada bulshada
rayidka ahi ku magooli lahaayeen, waxaanay u dejinaysaa shuruucdii kala hagi
lahaa ee wax-qabadkooda midho-dhal ka dhigi lahaa. Kulmiye, wuxu dhiirri-gelin
doonaa: In ay samaysmaan ururro xirfadeed/aqooneed oo u taagan isku-xidhka
aqoonyahanka, ilaalinta iyo horumarinta aqoonta.” Faallayn kooban: Xisbiga kulmiye inta aanu raadin bulsho rayid ah oo fir-fircoon,
malaha waxa ka roon in uu isagu marka hore noqdo Xisbi jira oo fir-fircoon.
Marka uu Xisbi ahaan qabsan kari waayo shirarkii Dastuuriga ahaa ee farraa,
muxu cid ka tari karaaba. Xukuumaddu ma ay diyaarin jawigii ay ururrada
bulshadu ku magooli lahaayeen. Taasi wax la rumaysan karo ma aha. Bal, waxaynu
odhan karnaa Xukuumaddeenna abaal-daran waxay diyaarisay jawigii ay ku hagaasi
lahaayeen ururrada bulshada iyo kuwa xirfadeedba. 25/12/2014ka maxaa ka
dhacay Hudheel Ambasador? Maxaa ku dhacay ururkii Suxufiyiinta ee SOLJA? Waxba
yaan anigu afka idiin gelin e’, bal raadiya dhagartii halkaa ka dhacday. Aynu ku noqonno Barnaamajkii. Waa isla Boggii 16aad. Markanna
Xisbigeennii hagaasay ee kulmiye wuxu ka hadlayaa:LA-DAGAALLANKA
MUSUQ-MAASUQA. Miyaad yaabteen? Oo maxaad ka yaabteen? Mid meel dhexe taagnaa
ayaa cod dheer ku yidhi: “Musuq-maasuqa xaggee lagula dagaallamay? Yaa se la
dagaallamay?” Anigii baa shakiyay. Barnaamajkii Kulmiye ayaan dib u eegay.
Barnaamajku isaga oo ka hadlaya Musuq-maasuqa wuxu qoray: (La soco berri haddii Eebbe idmo) Leave a comment |
|
Ballan-qaad afka ah...Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye) Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale.. Qormada: 8aad
Hargeysa(Xogreebnews)-Wadaamaha la dawdabay, Dan-yartay ka maqan tahay, Raacdadu ma daallana, Dorraad iyo shalay-jire, Doorka maanta noo jire, Dib-u-jire hadhow-jire, Ninba weel u daray baa, Deyn loogu leeyahay, Diiwaanka qara