Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xeerka Xabsiyada Oo Laga Saaray Awoodo Wasiirka Caddaaladdu Ku Lahaa Maamulka Xabsiyadda

0
Saturday December 27, 2014 - 16:29:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xeerka Xabsiyada Oo Laga Saaray Awoodo Wasiirka Caddaaladdu Ku Lahaa Maamulka Xabsiyadda

    Hargeysa(Xogreebnews) baarlamaanka Somaliland Wakiilada iyo Guurtida ayaa maanta Ansixiyay Xeerar, iyadoo Golaha guurtidu ansixiyay Xeerka Komishanka Xakamaynta Aids-ka, wakiiladuna ansixiyeen Xeerka Xabsiyada Somaliland oo Guurtida ka soo noqday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) baarlamaanka Somaliland Wakiilada iyo Guurtida ayaa maanta Ansixiyay Xeerar, iyadoo Golaha guurtidu ansixiyay Xeerka Komishanka Xakamaynta Aids-ka, wakiiladuna ansixiyeen Xeerka Xabsiyada Somaliland oo Guurtida ka soo noqday

Hargeysa(Xogreebnews) baarlamaanka Somaliland Wakiilada iyo Guurtida ayaa maanta Ansixiyay Xeerar, iyadoo Golaha guurtidu ansixiyay Xeerka Komishanka Xakamaynta Aids-ka, wakiiladuna ansixiyeen Xeerka Xabsiyada Somaliland oo Guurtida ka soo noqday islamarkaana waxka bedel laxaadleh ay ku samayeen.i

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Ansixiyay Xeerka Xabsiyada Dalka lagu maamulayo oo ka soo noqday Guurtida ka dib markii waxka bedel lagu sameeyay 22 Qodob oo Wakiiladu hore Xeerkan ugu ansixiyeen balse uu haatan sax ku noqday qaaabka Guurtidu u dhigtay.Qodobadu waxay ku saabsanaayeen in Talaabooyinka ay qaadayaan Maamulka Xabsiyada iyo Taliyaha Asluubtu ay kala tashadaan Wasiirka ama ay qaataan Amaro wasiirka ka soo baxay.

Dhamaan qodobada Guurtidu bedeshay ayaa ku saabsanaa Awoodo Wasiirka Caddaaladdu ku lahaa Maamulka Xabsiyada, kuwaasi oo ku aadanaa amaro ama talooyin Taliyeyaasha Xabsiyada iyo Taliyaha Ciidanka Asluubtu siinayaan ama ka qaadanayaan Wasiirka Caddaaladda balse haatan lagu koobay in amarada iyo Talooyinka ay kala qaaataan Taliyeyaasha Xabsiyada, Hogaanka Xabsiyada iyo taliyaha Ciidanka Asluubtu.

Doorka Wasaaradda Caddaaladda ee Xabsiyadda ayaa lagu koobay, dejinta siyaasadda qaran ee Xabsiyada, Kormeerista iyo dabagalka Xaaladda Xabsiyada,u hawlgalida Dhaqaalaha Xabsiyada, tayaynta iyo kor u qaadista aqoonta taliyeyaasha, soo saarista Xeer-nidaamiyeyaasha iyo arrimo kale oo Maamul guud ah, balse waxaa laga saaray awoodaha wasiirka ee hawlaha Maxaabiista iyo Xabsiyada.

Golaha Wakiilada ayaa waxka bedelka Qodobadaasi Guurtidu ku soo samaysay qodob-qodob u ansixiyay, iyagoo xeerkana si guud ugu ansixiyay Cod Aqlabiyad ah.

Golaha Guurtida ayaa iyana Meel Mariyey Xeerka komishanka Xakamaynta Aid-ska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured