R/Wasaaraha Somalia oo shaaciyey nooca Xukumadu soo dhisi doono iyo tirada wasiirada iyo ku xigeenadooda

0
Saturday December 27, 2014 - 16:28:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaaraha Somalia oo shaaciyey nooca Xukumadu soo dhisi doono iyo tirada wasiirada iyo ku xigeenadooda

    Muqdisho-(Xogreebnews)-Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Sharma’arke ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad ka kooban 25 Wasiir iyo Wasiir Kuxigeenadooda, taasoo uu tilmaamay inay awoodeeda isugu geyn doonto sugida amaanka, d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Xogreebnews)-Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Sharma’arke ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad ka kooban 25 Wasiir iyo Wasiir Kuxigeenadooda, taasoo uu tilmaamay inay awoodeeda isugu geyn doonto sugida amaanka, dhismaha ciidamada iyo sidii lagu heli lahaa xasillooni siyaasadeed.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in xubnaha uu u soo xulanayo wasiirrada inay noqon doonaan kuwo awood u leh howlaha laga dhowrayo, wuxuuna intaas ku daray inay howsha u taalla dowladda kusoo gaba-gabeyn doonaa mudada u harsan dowladda hadda jirta.

“Xukuumadda aan soo dhisayo waxay ka koobnaan doontaa 25 wasiir iyo ku-xigeennadooda, cid walba way istaahishaa in wasiir laga dhigo, balse in kooban ayaa wasiirro noqonaysa, waxaana codsanayaa in lala shaqeeyo,”ayuu hadalkiusa ku daray Sharma’arke.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in golihiisa wasiirrada ay noqon doonaan kuwo isku dheelli-tiran, inkastoo uusan sheegin inay isugu jiri doonaan rag iyo dumar iyo in kale.

Mar uu ka hadlay qorshaha horyaalla xukuumaddiisa ayuu sheegay inay ugu horreyn ahmiyadda siinayaan sidii lagu heli lahaa xasillooni siyaasadeed oo lagu shaqeyn karo, sidoo kalena ay amniga sugi doonaan.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay dhismaha ciidamada, isagoo shaaciyay inay ka go’an tahay in marka la gaaro sannadka 2017-ka ay doonayaan in dalku yeesho ciidammo Qaran oo awood leh.

“Ciidamada dhismahooda markaan ka hadlo, waxaan doonaynaa in ciidanka dowladda dhexe ay noqdaan kuwo ka yimaada gobollada dalka oo dhan, si la mid ah sidaasna ay ciidamada maamullada gobollada noqdaan kuwo iyaguna isku dhafan,”ayuu Sharma’arke hadalkiisa ku daray.

Ugu dabmeyn, Cumar C/rashiid ayaa ka gaabsaday inuu sheego xilliga uu ku dhawaaqi doono golihiisa wasiirrada, wuxuuse xusay inuu wada-tashiyo kala duwan kala la yeelanayo dhismaha xukuumaddiisa, madaxweynaha Somalia, xildhibaannada baarlamaanka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Sharma’arke ayaa shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay ra’iisul waasarihii hore ee Somalia C/wei Sh. Axmed oo bishan December 06-deedii ka waayay baarlamaanka Somalia kalsooni uu ku sii shaqeeyo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured