Xal Laga Gaadhay Dhakhtar Turki Ah Oo Gabadh Ku Dhirbaxay Muqdisho.

0
Saturday December 27, 2014 - 16:18:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xal Laga Gaadhay Dhakhtar Turki Ah Oo Gabadh Ku Dhirbaxay Muqdisho.

    Muqdisho(Xogreebnews)Horaantii isbuucan ayay ahayd markii gabar kalkaaliso ah oo ka howlgasha isbitaalka Turkida ee Deva uu ku dhibaateyay shaqaale Turki ah, taasoo sababtay hakad ku yimad shaqadii isbitaalka kadib markii ay gadood sameeyeen dhamaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(Xogreebnews)Horaantii isbuucan ayay ahayd markii gabar kalkaaliso ah oo ka howlgasha isbitaalka Turkida ee Deva uu ku dhibaateyay shaqaale Turki ah, taasoo sababtay hakad ku yimad shaqadii isbitaalka kadib markii ay gadood sameeyeen dhamaan shaqaalaha ka howlgaleysay isbitaalka

Muqdisho(Xogreebnews) waxana arintaas walaac ka mujiyay qaybaha kala duwan ee bulshada soomaliyeed oo ku tilmaameen arin fool xun aana ku wanaagsaneen dhaqanka soomalida in dhibaato loo geysto gabdhaha somaliyeed, waxana arinta soo fara galiyay Isu Tagga Urur Weynaha Shaqalaha Somaaliyeed (ITUSS) oo u dooda xuquuqda shaqaalaha somaaliyeed iyagoo kaashanaya Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Dowlaada Federaalka soomaaliya iyo Maamulka Degmada Hodan oo isbitaalka ku yaalo.



Waxaana sidoo kale isna qayb ka ahaa Guddiga u qabilsanaha xirirka baarlamaanka soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan Cabdulqadir Maclin Nuur, waxayna Guddi ay iska soo xuleen dhinacyadas kulan la qaateen maamulka isbitaalka iyo Shaqaalaha ku dhex maray xarunta Isbitaalka Deva, waxaana dadaalo badan kadib lagu guuleystay in la xaliyo dhibataadii dhacday is afgaradna laga gaaray.

Ugu horeen kulanka waxaa ka hadlay gudoomiyaha Isu Tagga Urur Weynaha Shaqaalaha Somaaliyeed (ITUSS) Maxamed Cismaan Xaaji oo sheegay in ay arinta wadeen mudo afar cisho ah , waxa uuna intaa raaciyay in ay muhiim tahay ilalinta xuquuqda shaqaalaha soomaliyeed lana dhowro sharciga shaqaalaha ee dalka u yaala baaqna ujeediyay shaqaalaha soomaaliyeed inay iska soo diiwan galiyaan Isu Tagga Urur Waynaha Shaqaalaha Somaaliyeed (ITUSS), si loola socdo dhibaatada shaqalaha soomaaliyeed lo geysto wuxuuna intaas ku daray inay muhiim tahay maalgashiga shisheeye ee dalka isla markaana la ilaaliyo xuquuqda Muwaadinka iyo midka Ajnabiga taasna waxaa sal u ah sharciga waana iney barlamanka soomaliyeed ansixiyaan sharciga shaqalaha somaliyed oo hada horyaala golaha wasiirada.

Ugu danbeyna Gudoomiyaha (ITUSS) wuxuu shaqaalaha somaaliyeed kula dardaarmay iney soo dhaweyan ixtiramaana Ajaanibta ay la shaqeyaan.

Ugu danbeen waxa isna meesha ka hadlay Gudoomiyaha Guddiga Barlamaanka soomaaliya u qaabilsan TurkigaXildhibaan Cabdulqadir Macalin Nuur oo ugu danbentii kulanaka ka hadlay ayaa shaqaalaha Isbitaalka Deva kula dardaarmay in ay shaqadooda sii wadaan isla markaana ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka walaaltinimada ku dhisan ee ka dhexeeya soomaaliya iyo Turkiga Waana kan lifaaqa heshiiskii dhexmaray shaqaalaha Isbitaalka iyo mamulka isbitaalka Deva.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured