Golaha amaanka iyo Midowga Yurub oo ka hadlay weerarkii Xarunta Amison-muqdisho

0
Saturday December 27, 2014 - 16:12:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha amaanka iyo Midowga Yurub oo ka hadlay weerarkii Xarunta Amison-muqdisho

    Golaha amaanka iyo Midowga Yurub oo ka hadlay weerarkii Xarunta Amison-muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha amaanka iyo Midowga Yurub oo ka hadlay weerarkii Xarunta Amison-muqdisho

Muqdisho-(Xogreebnews)-War-saxaafadeed uu soo saaray golaha amaanka ee QM ayaa lagu cambaareeyay weerarkii Khamiistii Al-shabaab ku qaadeen xarunta taliska dhexe ee ciidamada AMISOM oo ku taala Xalane.

Golaha amaanka ayaa sheegay in falkaasi uu ahaa mid argagaxiso ayna cambaareynayaan, waxayna qoraalka ku sheegeen in weerarkaasi uu ahaa mid fulaynimo ah.

“Golaha amaanka waxaa uu sii wadayaa taageerada uu siinayo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM si looga guuleysto dadka nabada ka soo horjeeda iyo argagixisada” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Midowga Yurub ayaa dhankiisa soo saaray qoraal ay iyana ku cambaareynayaan weerarkan Al-shabaab ay ku qaaday Xalane.

”Ma joojinayo weerarkan taageeradii aan siin jirtan dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waana sii wadi doonaa illaa Soomaaliya ay noqoto dowladawood leh” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday Xalane ay kaga geeriyoodeen saddex askari iyo shaqaale rayid ah, inkastoo Al-shabaab ay sheegtay in ku dhowaad 20 qof ay ku dishay.

Weerarkan oo qaabka uu dhacay su’aalo badan la iska weydiinayo ayaa waxaa uu fadeexad iyo ceeb weyn u soo jiiday ciidamada AMISOM, maadaama xaruntooda ugu weyn oo si xoogan loo ilaaliyo ay maalin cad weerareen gudahana u galeen dhowr dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured