Beesha Caalamka,Xisbiyadda Mucaaridku Si Deg Deg ah ha Uga Hawl Galaan Shirqoolka Shirka Barri Xukuumadda Siilaanyo La Maagan Tahay Saxaafadda Madaxa Banaan iyo Sir Fakatay.

0
Wednesday December 24, 2014 - 21:09:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka,Xisbiyadda Mucaaridku Si Deg Deg ah ha Uga Hawl Galaan Shirqoolka Shirka Barri Xukuumadda Siilaanyo La Maagan Tahay Saxaafadda Madaxa Banaan iyo Sir Fakatay.

    Hageisa(xogreebnews.com_Xog rasmi ah oo la helay ayaa sheegaysa in wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan uu Hotel Maansoor ee magaalada hargeysa shalay shir qarsoodi ah kula yeeshay,qaar ka tirsan gudisii la kala diray ee qaban qaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hageisa(xogreebnews.com_Xog rasmi ah oo la helay ayaa sheegaysa in wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan uu Hotel Maansoor ee magaalada hargeysa shalay shir qarsoodi ah kula yeeshay,qaar ka tirsan gudisii la kala diray ee qaban qaabinaysay shirweynaha ururka suxufiyiinta Somaliland

Hageisa(xogreebnews.com_Xog rasmi ah oo la helay ayaa sheegaysa in wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan uu Hotel Maansoor ee magaalada hargeysa shalay shir qarsoodi ah kula yeeshay,qaar ka tirsan gudisii la kala diray ee qaban qaabinaysay shirweynaha ururka suxufiyiinta Somaliland

ee SOLJA, kulankaasi ayaa wasiir Xirsi ku soo bandhigay dhawr ajande oo uu watay,isagoo marka hore suxufiyiintii ku war geliyey in wixii lacag ah ee ku baxaysa shirkaasi uu isagu qabo,waa ta labaad ee wuxuu suxufiyiintii madasha fadhiday ku war geliyey in beeshiisu doonayso inay qabato hogaanka ururka SOLJA,isagoo weliba yidhi waxaan doonayaa madaama oo ururka SOLJA intii uu jiray qof beeshayda ahi uusan xil ka qaban in gudoomiyaha ururka aany yeelano,balse waxa ka biyo diiday qaar ka mid ah raggii uu la kulmay oo sheegay inay hore u soo calaamadiyeen gudoomiyaha ururka oo uusan booskaasi hada banaaneyn,inta kadib wuxuu wasiirku ku yidhi hada waxaad na siisaan booska xoghayaha guud ee ururka SOLJA,dood ka dibna waxa la isku afgartay in wiilka uu adeerka u yahay Wasiir Xirsi ee uu u sameeyey wargeyska Somaliland today,ee lagu magacaabo Muniir Axmed Cigaal hab qaybsi qabiil iyo isticmaalka hantida umadda la iskula gartay in bari laga dhigo xoghayaha Guud ee ururka suxufiyiinta ee SOLJA.

Xogtu waxa kale oo ay sheegtay in ila wakhtigaasi uu wasiir Xirsi soo bandhigay in nin ka soo jeeda beesha SOOL la siiyo gudoomiye ku xigeenka,waxana uu wasiirku qoladii uu la kulmay marsiiyey ninka Gudoomiyaha ka ah Wakaaladda wararka ee wasaaradda warfaafinta Somaliland waa ninka lagu magacaabo Xuseen KURDI.

Hadaba marka la eego dhaqanka cusub ee xukuumadda siilaanyo la soo baxday ,ayaa ah mid caqabad iyo cabudhin hor leh,ku ah madax banaanida saxaafadda xorta ah,waxayna u muuqataa hadii shirkaasi bari loo malamay ee xukuumadu wadato uu sidaasi ku dhaco,in ay saxaafadii xorta ahayd ee Somaliland halis weyn soo foodsaaray,madaama oo hogaankii sare ay xukuumadu la wareegtay.

Hadaba waxa muhiim ah in beesha caalamka iyo xisbiyadda mucaaradka ah ee Somaliland arintaasi si deg deg ah u soo farageliyaan oo ay cadaadis ku saaraan xukuumadda siilaanyo inay faraha kala baxdo saxaafadda xorta ah,madaama oo wasiirkii ugu awoodda badnaa xukuumadda siilaanyo waa wasiir Xirsi e’ uu isticmaalayo hantidii umadda burburinta xoriyadda hadalka,dawladaha maraykanka,ingiriiska,midowga yurub iyo aduun weynaha intiisa kaleba waa inay arintan halista ku ah xoriyatal qolka saxaafadda Somaliland wax ka qabtaan.

Si kastaba ha haatee shaki kuma jiro hadii shirka shirqoolka ah,ee xukuumadu maalinta bari ah ku afganbiyayso saxaafadda madaxa banaan hadii uu sida ay doonayaan u dhaco in cawaaqib xun laga dhaxli doono.

Qalinkii weriye

C/casiis Bashiir Nuur

Tel:4144434

Email:c.casiis98@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured