Hay’adda IPRT oo 20 Haween ah u Qabatay Tababar la Xidhiidha Waxbarashadda Madaniga ah.

0
Wednesday December 24, 2014 - 16:56:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay’adda IPRT oo 20 Haween ah u Qabatay Tababar la Xidhiidha Waxbarashadda Madaniga ah.

    Hargeisa (xogreebnews.com_ Hay’adda wadaniga ah ee IPRT iyo jaamacadda Abaarso Tech ayaa aqoon-isweydaarsi lagaga hadlayay waxbarashadda madaniga ah u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa (xogreebnews.com_ Hay’adda wadaniga ah ee IPRT iyo jaamacadda Abaarso Tech ayaa aqoon-isweydaarsi lagaga hadlayay waxbarashadda madaniga ah u
Hargeisa (xogreebnews.com_ Hay’adda wadaniga ah ee IPRT iyo jaamacadda Abaarso Tech
ayaa aqoon-isweydaarsi lagaga hadlayay waxbarashadda madaniga ah uDownload IPRT SOMALILAND 1.jpg (231.7 KB)Download IPRT SOMALILAND 3.jpg (150.8 KB)Download IPRT SOMALILAND 5.jpg (104.1 KB)Download IPRT Somaliland.jpg (183.4 KB)
qabatay 20 haween ah oo wax ka barta dugsiga dhaqaalaha guriga ee
Xaajiya Haweeya, kaas oo maagalisay hay’adda NED.
Aqoons-isweydaarsigan oo lagu qabtay xarunta dugsigaasi, ayaa lagu
baranayay xuquuqda iyo waajibaadka saaran muwaadinka, iyadoo sidoo
kale halkaasi ay khabiir ka shaqeeya ha’ayddaasi uu kaga hadlayay
qaabka iyo shaqadda baarlamaanka.
Mr. Maxamed Cali Kaahin oo ka mid ah madaxda sarsare ee hay’adda IPRT
ayaa ku booriyay ka qaybgalayaasha inay ka faa’idaystaan, gaadhsiyaana
haweenka aan fursadda u helin inay helaan tababarkan oo kale. Mr.
Maxamed wuxuu xusay inuu aqoon-isweydaarsigani uu yahay mid daba-jooga
tababaro taxane ah ah oo hore ay ha’ayaddu u bixisay, kuwaas oo kuwii
kan ka horeeyay tababaro loogu fidiyay ardaydda wax ka barata
dugsiyadda sare, laguna tababarayay shaqadda iyo hawlaha uu shacabku u
hayaan golayaasha barlamaanku. Wuxuuna kula dardaarmay ka
qaybgalayaasha inay ka faa’idaystaan muddada uu socdo
aqoon-isweydaarsigani.
Cabdillaahi Xassan Cabdillaahi oo madaxa mashaariicda IPRT ayaa
sheegay inay aqoon-isweydaarsigani aanu ahayn kii ugu horreeyay ee ay
qabtaan haweenka, balse ay hore u qabteen aqoon-isweydaarsiyo lagu
kordhinayo aqoonta madaniga ah, si ay shacabku u noqdaan muwaadiniin
wacyigashan, isla markaana garanaya waxa ay xaq u leeyihiin, iyo
waajibaadka ka saaran dalkooda.
Mr. Cabdillaahi wuxuu ku dheeraaday faa’idadda balaadhan ee ay
leedahay inuu qofku ogaado qaabka uu u shaqeeyo dalkiisu; xeerarka u
yaala. Wuxuu u sheegay Cabdillaahi inay hay’adda IPRT oo mashaariic ay
wado ay ka mid yihiin qaar tababaro xirfaddaha gacanta ah loogu
sameeyo dhalinyaradda, si ay u noqdaan kuwo shaqaysta, dadkooda iyo
dalkoodana waxtara, kagana badbaadaan afooyinka balwaddaha iyo
tahriibka. Wuxuu intaas ku daray inay muddo dheer la soo shaqaynayeen
Golayaasha Xeer-dejinta. Haatana barnaamujkani uu yahay mid qayb ka ah
siddii bulshadda loogu wacyigalin lahaa hawlaha ay Golayaasha
Guurtidda iyo Wakiiladdu u hayaan shacabkooda.
Nuura Maxamed Ibraahim, oo iyadu ka mid ahayd macalimiinta bixinaysay
tababarkan ayaa haweenka uga sheekaysay qodobadda caalamiga ah ee
xuquuqal-iinsaanka, muwaadnimadda, dastuurka, shaqadda iyo
qaab-dhismeedka baaralamaanka dimuqraadiga ah, iyo siyaabaha ay
shacabku u ilaashan karaan xorriyaadka uu dastuurku u damaanad-qaaday.
Tababarkan ayaa haweenkaasi qodobadda kale ee ay qaateen ay ka mid
ahayd dimuqraadiyadda iyo hannaaka dawladnimo, sida qofka muwaadinka
ahi uu awooda ugu leeyahay inuu soo doorto cidda matalaysa, isla
markaana ula xisaabtami karo masuuliyiinta dawladda, isaga oo maraya
sifo sharci ah.
Ugu danbayntii, Khadija Cabdiraxmaan Muxumad oo ka mid ah ka
qaybgalayaasha, ayaa sheegtay inay aqoon-isweydaarsgani uu ahaa mid ay
si weyn uga faa’idaysteen. Waxaanay mahadnaq u jeedisay hay’adda IPRT
oo fulinaysay barnaamujkan iyo hay’adda NED oo ka maalgalinaysay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured