Munaasibad Balaadhan oo Lagu Taageerayey Murashaxnimadda Wasiirka Maaliyadda,Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa Hargeysa Lagu Qabtay.

0
Wednesday December 24, 2014 - 14:51:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasibad Balaadhan oo Lagu Taageerayey Murashaxnimadda Wasiirka Maaliyadda,Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa Hargeysa Lagu Qabtay.

    Hargeysa(Xogreebnews)-kulan balaadhan oo qado ah,ayaa maanta qaar ka tirsan salaadiinta beesha Sacad Muuse ku casuumeen hotel maansoor ee magaalada hargeysa,salaadiin,cuqaal,aqoon yahano iyo dhalinyaro tiro badan,kuwaasi oo dhamaan laga soo casumay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-kulan balaadhan oo qado ah,ayaa maanta qaar ka tirsan salaadiinta beesha Sacad Muuse ku casuumeen hotel maansoor ee magaalada hargeysa,salaadiin,cuqaal,aqoon yahano iyo dhalinyaro tiro badan,kuwaasi oo dhamaan laga soo casumay deegaanadda kala duwan ee ay degto beeshu.

Ugu horeyn waxa kulankaasi ka hadlay Suldaan C/raxmaan Sacad oo sheegay in ujeedada kulankani uu yahay in ay beeshu ku cadayso in sadexda murashax ee ay beeshu leedahay ay u siman yihiin beesha,sidaasi daraadeedna aysan beeshu shaqo ku lahayn in ay iyadu kala reebto balse waxa kala reebi karo oo kaliya ayuu yidhi golaha dhexe ee xisbiga ay ka tartamayaan ee KULMIYE,waxa uu u soo jeediyey salaadiinta kale ee ka soo horjeeda iyaga in ay beesha ka daayan kala qaybinta inta golaha dhexe ee KULMIYE kala saarayo sadexda nin.

Waxa kale oo kulankaasi ka hadlay qaar ka mid ah Jiif-Caaqilladda beesha oo sheegyay inay bogaadinayaan kuwa ay ku sheegeen inay garteen ujeedadda iyo shaqada madax dhaqmeedka ee iska ilaaliyey inay ka qayb qaataan kala qaybinta iyo kala fogeynta beesha ,waayo arimaha loo igmaday madax dhaqmeedka waxa weeyi arimaha dhaqanka iyo xalinta khilaafyadda ,balse maaha inay siayasadda ku dhex milmaan oo ay u kala eexdaan siyaasiyiinta beesha.

Dhamaan wax-garadkii iyo siyaasiyiintii kale ee kulankaasi ka hadlay ayaa dhamaantood isku raaceen in ay waajib tahay in la ilaaliyo midnimadda beesha iyo iskuduubnideeda,waxayna sheegeen in ay iska ilaaliyaan wax kasta oo kala fogeynaya beesha dhexdeeda,waxayna wax laga xumaado ku tilmaameen hadaladii ka soo baxay qaar ka tirsan madaxdhaqmeedka beesha oo kala xigtaystay murashaxiinta reerka ,waxayna sheegeen inay ku habooneyd inay aysan soo kala dhaweysan murashaxiinta reerka,waxa kale oo ay talooyin wax ku ool ah u soo jeediyeen guud ahaanba beesha Sacad Muuse oo ay sheegeen in loo baahan yahay in laga wada sheeqeeyo midnimada iyo wada jirka beesha,oo la iska ilaaliyo wax kasta oo sii kala fogeyn kara midnimadda beesha.

Ugu danbeyn waxay sheegeen in dhaaman musharaxiinta beeshu u siman tahay reerka oo iyagu aysan mid gaar ah taageeri Karin ,ka hor inta aysan kala saarin golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ay ka sharaxanyihiin musharaxiinta beeshu.

Xafiiska Xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured