Faallada Maanta: Qodob Uu Faysal Fahmay Cirro se Uu Fahmi Waayay!!!

0
Tuesday December 23, 2014 - 19:16:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallada Maanta: Qodob Uu Faysal Fahmay Cirro se Uu Fahmi Waayay!!!

    Hargeisa (Xogreebnews.com_Qodobka Labaad Ee Kamidka Ah Qodobada Ka soo baxay wadahalladii dawladaha Somaliland Iyo Somalia ku dhex maray waddanka jibouti oo sheegaya in arimaha siyaasadda ee masiiriga ah ee labada wadan lagu dhiirado ayuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa (Xogreebnews.com_Qodobka Labaad Ee Kamidka Ah Qodobada Ka soo baxay wadahalladii dawladaha Somaliland Iyo Somalia ku dhex maray waddanka jibouti oo sheegaya in arimaha siyaasadda ee masiiriga ah ee labada wadan lagu dhiirado ayuu
Hargeisa (Xogreebnews.com_Qodobka Labaad Ee Kamidka Ah Qodobada Ka soo baxay wadahalladii dawladaha Somaliland Iyo Somalia ku dhex maray waddanka jibouti oo sheegaya in arimaha siyaasadda ee masiiriga ah ee labada wadan lagu dhiirado ayuu gudoomiyaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee waddani cabdiraxmaan cirro shaki hor leh ka muujiyay.Waxaana xisbiyada mucaaradka ahi ay uga hadleen siyaabo kala gedisan
Gudoomiyaha xisbiga caddaalada iyo daryeelka UCID Engineer Faysal Cali Waraaabe ayaa u mahadnaqay dawlladda jibouti ee maraga ka ahayd wadahadallaas suurona galisay inay wadahadalladu dib u furmaan waxaanu sheegay in ay gebi ahaanba qodobada kazoo baxay shirkaasi ay ahaayeen kuwo wax ku oola iyo tallaabo hore loo qaaday oo la taaban karo.
Balse guddoomiyaha xisbiga waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa fahmi waayay shaki iyo waji gabaxna ka muujiyay qodobkaasi labaad
Gudoomiyuhu wuxuu fahmi waayay oo keliya waa in arimaha masiiriga ah lagu dhiirado Lama garan karo inay fahamka gudoomiyaha oo liiita tahay iyo inay ku xumayn xukuumadda ah ka tahay.Balse akhristow maxaad u malayn qodobka Faysal Fahmay Bulshada Inteeda Badanina Fahamtay ee cirro Oo Ah Masuul Kursiga U Sareeya Rabaa Uu fahmi Waayay.
Wadamada Somaliland Iyo Somalia hore ayay wadahadallo ugu yeesheen ingiriiska iyo turkiga mar walbana waxaa laga maagayay ka hadalka qodobka ah in laga wada hadlo In Somalilnad ay Somalia kasii mid ahaanayso iyo inay Gooni isu taagayso, waxaana kolba lagu war wareegayay arimo farsamo Gogol Xaadh Arimaha Hawada, badda, isu kaashiga argagixisada iyo budhcad badeeda iyo wixii la hal maala.Haddaba qodobkaas oo ku dhiirashadiisa laga war wareegay in badan si aan wadahadalladu u bur burin
Ayaa hadda lasoo jeediyay in lagu dhiirado gudo galkiisa.
Waayo Guddida Wadahadallada Somaliland ka qaybgalaysa waxay ku socotay Goaan shacbi iyo mid dawladeed oo laga midaysanyahay waxaanay taaganyihiin Gooni isutaaga Somaliland Gorgortan ma gali karo.Halka guddida Somalia ay xambaarsantahay Mawqif ah Midnimada Somalia waa muqadas isla markaana ay Somaliland doonayaan inay ku qanciyaan midnimada iyo federal ka.
Taasi waxay keenaysaa muran iyo ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis iyo sidoo kale in lagu kala kaco wadahadallada marka qolaba daraf is taagto.
Sidaa darteed ayaa qodobkan labaad ee in lagu dhiirado arimaha masiiriga ah uu faaido ugu yahay wadahallada dabada furan ee aan waxba dhalayn ee Somalia iyo Somaliland.
W/Q Weriye Mohamed Ibrahim Dhinbiil




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured