Yuusuf Garaad Cumar Iyo Xilka Uu Xukuumadda Ka Hayo Hasan Sheekh Maxamuud

0
Tuesday December 23, 2014 - 19:05:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Garaad Cumar Iyo Xilka Uu Xukuumadda Ka Hayo Hasan Sheekh Maxamuud

    Muqdisho(xogreebnews.com_Yuusuf Garaad Cumar waa nin inta badan Soomaalidu taqaano , laguna bartay dhinaca warbaahinta, Garaad waxa uu aad usoocaanbaxay xilligii uu madaxa Laanta Afsoomaaliga noqday, waxaanu wax ku soo bartay jaamacaddii ummadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_Yuusuf Garaad Cumar waa nin inta badan Soomaalidu taqaano , laguna bartay dhinaca warbaahinta, Garaad waxa uu aad usoocaanbaxay xilligii uu madaxa Laanta Afsoomaaliga noqday, waxaanu wax ku soo bartay jaamacaddii ummadda
Muqdisho(xogreebnews.com_Yuusuf Garaad Cumar waa nin inta badan Soomaalidu taqaano , laguna bartay dhinaca warbaahinta, Garaad waxa uu aad usoocaanbaxay xilligii uu madaxa Laanta Afsoomaaliga noqday, waxaanu wax ku soo bartay jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed isaga oo saxaafadda halkaasi ku bartay isla markaana bartay Luqadaha ay ka midka yihiin Talyaani, Faransiis Iyo Ingiriisi, wuxuuna BBCda uga soo waramijiray ka hort intaanu madax ka noqon Dalka Talyaaniga sanadihii sagaashameeyadii, markii uu ku biiray BBCda Xarunteeda London Dhamaadkii sagaashameeyada waxa uu markiiba noqday Madaxa Laanta Afsoomaaliga ee BBCda iyada oo ay jireen rag uga soo horeeyey oo ruug cadaa ahaa, haddana dad badani waxay aaminsan yihiin in uu aad isaga dhaadhiciyey madaxdii BBCda ee xilligaas iyada oo ay qaybta afrika madax ka ahayd haweenay Ingiriis ahi. Dadka qaarkiina waxay aaminsan yihiin in uu karti iyo aqoon ku gaadhay xilka oo markii codsiyadii la soo qortay uu noqday Yuusuf Garaad qofka kaliya ee afar luqadood ku hadla marka lagu daro afSoomaaliga, maadaama uu ahaa nin dadaalayna uu sidaasi ku helay xilka laanta Afsoomaaliga oo uu hayey muddo gaadhaysa 14 sanno oo sida uu sheegay uu ahaa ninkii ugu xilliga dheeraa.Yuusuf Garaad waxyaalaha lagu eedeeyo waxaa ka mid ah in uu awoodi kariwaayey in uu shaqaalihii Laanta Afsoomaaliga isku hayo isla markaana kuwo badani ka tageen shaqadii, waxa kale oo lagu eedeeyaa in uu BBCda ka soo buuxiyey dad u badan dhinac , iyada oo shaqaalaha intii uu xilka hayey aad looga soo qaadan jiray Muqdisho, isagoo xilligaasi la sheegay in uu doonayo in uu isu dheelitiro shaqaalaha , hasa yeeshee markii danbe ay noqotay xarun ay ku soo bateen dhinacii uu isagu markaasi watay.
Xilligii BBCda uu madaxda ka noqotay waxaa badatay dhaliilihii loosoo jeedinayey Yuusuf Garaad Cumar iyada oo wararkii isku dirka beelaha ee qabyaalada ku salaysnaa ku bateen idaacadda, taasina ay keentay in xaaladdii nabad galyo-xumo ee Soomaaliya sii xoogaysatay , iyada oo xilligaas ay BBCdu maraysay dhagaysiga halkii ugu saraysay, isla markaana aysan warbaahinta Bulshada ee hadda adduunka qabsatay aanay soo bixin, sida Facebook, Twitter iyo Youtube, waxayna ahayd BBCdu isha ugu badan ee wararka laga helo, wuxuuna Yuusuf Garaad Bilaabay in uu idaacaddaha yar yar ee magaalooyinka Soomaaliya ka jira kuwa badan heshiis la galo dhaqaale badana uu halkaasi ka heli jiray, Idaacadahaas oo BBCda laga sii deyn jira una badnaa FM waxaana ugu caansanayd idaacaaddii Horn Afrik ee magaalada Muqdisho, markii danbe uu heshiisyo la galay Maamulka Somaliland.Waxaa batay xilligii Yuusuf Garaad Siminaaro dhaqaale badan lagu lunsado oo inta badan Hargeysa lagu qaban jiray, kuwaas oo ay ku tilmaami jireen siminaaro aqoonta saxaafadda kor loogu qaadayo , hasa yeeshee ay ka soo qayb gali jireen in yar oo markaasi uu doorto Yuusuf Garaad.Yuusuf Garaad wuxuu xilka ka tagay 2012kii xilligaas oo uu u xusula duubtay dhinaca siyaasadda isaga oo isu soo sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana quuddaraynayey in uu ku helo taageero magacii uu sameystay intii uu joogay BBCda Laanta Af-Soomaaligalagu taageero, hasa yeeshee kuma guulaysan in uu taageero ka helo xildhibaannadii iyo bulshadii Soomaaliyeed midna ma taageerin, sababtoo ah waxaa loo arkayey nin Colaadda si ka qaab xun dagaal oogayaasha isagu uga qayb qaatay, isla markaana Idaacadda BBCda si guracan u adeegsaday.Yuusuf Garaad Iyo Xilligan Iyo Xilkuu Hayo.Yuusuf Garaad Cumar ilaa hadda dadka Soomaalidu way ku wareersan yihiin qaabka uu u shaqeeyo iyo xilka uu u hayo xukuumadda xilligan, bilawgii madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu u eekaa nin Dhaaliilo toosin ah wada , isla markaana ay badnaayeen farriimihiisa uu ku soo gudbinayo baraha Internetka sida Facebook—ga iyo twitter-ka, isaga oo markaas aragtidiisa ka dhiibanaya talaabooyinka uu qaadayo Xasan Shiikh Maxamuud, isla markaana farriimaha uu soo gudbinayaa yihiin kuwo xogo badan ku qotoma, maadaama Yuusuf Garaad intii uu joogay BBCda xidhiidho badan ku dhexlahaa bulshada Soomaaliyeed noocaydoonaan ha ahaadeene, wuxuuna u muuqday nin mucaarad ah oo maadaama xilkii madaxweynaha ee uu doonayey waayey, wasiirna laga dhigi waayey uu isu taagay in uu matelo dawrkii mucaaradka maadaama aysan dalka ka jirin xisbiyo , isla markaana dalku wali beelaysan yahay, oo lagu xukum 4.5.Xilligan xaalku sidii waa ka badelmay, wuxuuna shidka ugu jiraa Yuusuf Garaad Gaadhiga uu wado Xasan Shiikh Maxamuud oo aad moodid in uu door biday in uu Yuusuf Garaad Soo xero galiyo , isla markaana uu u noqdo Af-hayeenka aan la magacaabin ee waxkasta oo ku saabsan madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud u soo gudbiya bulshada , Madaxweynuhuna uu aad u xiisaynayo in uu magaca Yuusuf Garaad ee la yaqaano uga faa’iideysto in uu Farriimo sii dhexmariyo.Yuusuf Garaad Safar kasta oo uu xilligan madaxweyne Xasan Shiikh ku baxo waa la socdaa, isla markaana wasaaradda warfaafinta ama afhayeenka madaxweyna oo aan hadlin , ayuu warbixino Soo gudbiyaa Yuusuf Garaad isaga oo sawiro iyo qoraalo rasmiya oo uu si fudud ku helo ama uu isagu diyaariyeyba soo gudbiya. Yuusuf Garaad wuxuu soo gudbiyey oo ugu danbaysay warbixintii heshiiskii madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka la magac baxay Somaliland, isaga oo Yuusuf Garaad adeegsaday weedha ah, ,,Heshiiskii Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya iyo madaxweynaha Dawladda Somaliland‘‘, laga yaabee in uu qorayba Yuusuf Garaad heshiiska labada dhinaca wada gaadheen oo hoosta ay kaga qornayd madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland, lagana yaabee in ay tahay digniin uu Yuusuf Garaad bulshada usoo gudbinayo oo xog-ogaalnimadiisu ay keenayso in uu bulshada uga sii digo waxa soo socda, inkasta oo uu Yuusuf Garaad in badan sheegay in uu arrinta Soomaaliland isagu si kale u arko isla markaana uu abaal ugu hayo Hargeysa markii Hooyadii u qaxday Hargeysa oo uu in badan xuso, hasa yeeshee wuxuu ilaaway Yuusuf Garaad in bulshada Soomaaliyeed dhamaanteed isu wada qaxdo marka dhibaatadu ka dhacdo goob , oo ay tahay arrimaha wali Soomaalidu xeeriso, tusaale ahaan markii 1993 iyo 1996 dagaalada qabiilku ka qarxeen Hargeysa iyo Burco shacabka deegaankaasi waxay u qaxeen dhamaan deegaanada Soomaalidu degto, gaar ahaan kuwa ugu dhaw sida Laascaanood, Buuhoodle iyo Ceerigaabo.
Si kasta oo ay ahaato waxaan shaki ku jirin in Yuusuf Garaad xilligan saaran yahay tareenka Xasan Shiikh Maxamuud wado, xilligan iyo xukuumadda Cusub ee la dhawrayana in uu xil ka qaban doono kolay ku tahay afhayeenka dawladda ee uu hadda hayo isagoon magacawnayn, ama wasiir oo uu noqon karo wasiirka warfaafinta , waxaase hubaal ah in harraadka uu u qabo Yuusuf Garaad xil iyo naanaysta wasiir ay tahay mid muuqata, ayna ka muuqato dhaqdhaqaaqiisa aan marnaba qarsoonayn, waxayse dadku aad hadda isu waydiinayaan xilka uu Yuusuf Garaad hayo xilligan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured