Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay In Ay Ciidan U Dirayaan Magaalada Kismaayo Haddii Midowga Afrika Uu Ka Codsado

0
Tuesday December 23, 2014 - 18:45:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay In Ay Ciidan U Dirayaan Magaalada Kismaayo Haddii Midowga Afrika Uu Ka Codsado

    Hargeysa(xogreebnews.com_Xilli Ciidamada Militariga Sierra Leone lagu wado inay si rasmi ah u baneeyaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay Dowladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Xilli Ciidamada Militariga Sierra Leone lagu wado inay si rasmi ah u baneeyaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay Dowladda
Hargeysa(xogreebnews.com_Xilli Ciidamada Militariga Sierra Leone lagu wado inay si rasmi ah u baneeyaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay Dowladda Itoobiya sheegtay inay diyaar u tahay inay Kismaayo geyso, ciidankii bedeli lahaa.
Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Addis Ababa, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay Itoobiya diyaar u tahay, in ciidan qalabeysan ay u dirto Magaalada Kismaayo.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in ciidan u diirista Kismaayo ay ka xigto oo kaliya, codsi kaga yimaada Ururka Midowga Afrika, si loo dardargeliyo dagaalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.
Ra’iisal Wasaaraha waxa uu walaac ka muujiyay tallaabada Ciidamada Sierra Leone kaga baxayaan Somaliya, inkastoo uu hadana jiro cudurdaar ah in dalka Sierra Leone uu halakeeyay cudurka halista badan ee Ebola.
Hailemariam Desalegn, ayaa soo hadalqaaday in dalalka ciidamada ka jooggaan Somaliya ay u nugul yihiin weeraro kaga yimaada Ururka Al Shababa, walow uu qiray in Itoobiya ay si dhow uga feejigan tahay weeraro kaga yimaada Shabaabka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured