“WAA WAX AAN CIDNA KA QARSOONAYN BAAHIYAHA AAS-AASIGA AH EE KA JIRA XAAFADANI (DAAMI), WAXAANAN AAMINSANAHAY INAYDAAN MUDNAYN IN LA IDIN DHAYAL-SADO” JAMAAL CALI XUSEEN

0
Monday December 22, 2014 - 19:43:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “WAA WAX AAN CIDNA KA QARSOONAYN BAAHIYAHA AAS-AASIGA AH EE KA JIRA XAAFADANI (DAAMI), WAXAANAN AAMINSANAHAY INAYDAAN MUDNAYN IN LA IDIN DHAYAL-SADO” JAMAAL CALI XUSEEN

    Hargeysa (xogreebnews.com_— Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inaanay cidna ka qarsoonayn baahiyaha ka jira Xaafada DAAMI ee Caasimada Hargeysa,oo uu ku dooday inaanay mudnayn in la dhayalsado. Murrashaxa Jam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com_— Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inaanay cidna ka qarsoonayn baahiyaha ka jira Xaafada DAAMI ee Caasimada Hargeysa,oo uu ku dooday inaanay mudnayn in la dhayalsado. Murrashaxa Jamaal Cali Xuseen waxa uu si

Hargeysa (xogreebnews.com_— Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inaanay cidna ka qarsoonayn baahiyaha ka jira Xaafada DAAMI ee Caasimada Hargeysa,oo uu ku dooday inaanay mudnayn in la dhayalsado.

Murrashaxa Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta ka hadlayay Munaasibad loo sameeyey sanad-guuradii 7aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Kooxda Kubadda Cagta Golden Boys oo ka mida kooxaha Heerka 2aad ee k a jirta Xaafadda Daami ee Caasimada Hargeysa, waxaana wehelinayay murrashax kuxigeenka Madaxweynaha Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan

Munaasibadda lagu soo casuumay madaxda sare ee xisbiga UCID oo ku qabsoontay xarunta guud ee xaafadda Daami ay ku leeyahay dhalinyarada Xaafadaasi, waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Xaafadda Daami Maxamed Aadan Wayrax, kaas oo Musharaxa madaxwaynaha xisbiga UCID iyo ku xigeenkiisa uga mahadnaqay ka soo qaybgalka xafladaasi lagu casuumay, waxaanu masuulkaasi halkaasi ka cadeeyey in dhalinyarada iyo haweenka iyo guud ahaan waxgaradka xaafadaasi inay taageersan yihiin xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay mid ku kali ah saaxadda mucaaridnimo ee dalka.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay, Musharaxa madaxwayne ku xigeenka UCID C/rashiid Xasan Mataan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan halkan uga mahad celinaynaa dhalinyarada, haweenka iyo waxgaradka xaafaddan oo ka mid ah xaafadaha ugu taariikhda dheer magaaladda Hargeysa isla markaana iyadoo ay xaafaddani ka mid tahay xaafadaha magaaladda ee ka araddan adeegii bulshadda ee ay dawladdu wax ka qaban wayday, run ahaantiina waanu aragnaa baahiyaha xaafadda ka jira waxaananu balan-qaadaynaa Insha Allaah haddii uu Ilaahay nagu guuleeyo inaanu wax ka qabano dhamaan, waxaanu jeclahay inaanu kulankani noqonin kulankeenii u danbeeyey ee uu aynu marar danbe oo badan waynu kulmi Insha Allaah”.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Run ahaantii aad baan ugu farxay markii lay sheegay balantan, sababta oo ah halkani waxay ka mid tahay meelaha noo qorshaysan inaanu nimaadno oo waxaad xaga hore kaga jirtaan dadka aanu danaynayno inaanu waraysano oo aanu xaal ogaano si aanu wax ula qabano Insha Allaah hadii aanu talada dalka ku guulaysano.waxaanan si fiican u ogahay inaad tihiin bulshadii codka badan siisay Maxamed Aadan Wayrax. Mida kale xaqiiqatan waa wax aan cidna ka qarsoonayn baahiyaha aas-aasiga ah ee ka jira xaafadani, waxaanan aaminsanahay inaydaan mudnayn in la idin dhayal-sado”.

Gabo-gabadii waxa halkaas hadalo kooban oo mahadnaq iyo soo dhawayn u badan halkaasi ka jeediyey Guddoomiye ku xigeenka garabka dhalinyaradda ee degmadda Gacan-Libaax Ibraahim Jaamac iyo Marwo Aamina Ayaan Maxamed oo ka mid ah madaxda garabka dumarka ee xaafadaasi, waxaanay madashaasi ka balanqaadeen inay taageero baaxadleh la barbar istaagayaan xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan

DAAMI222

xogreebnews.com_office Hargeisa/somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured