Kulan Balaadhan oo lagu Taageerayey Go’aankii Gudida HOODAALE ,laguna Taageerayey Murashaxnimada Muuse Biixi ayaa Lagu Qabtayu Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

0
Saturday December 20, 2014 - 15:57:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Balaadhan oo lagu Taageerayey Go’aankii Gudida HOODAALE ,laguna Taageerayey Murashaxnimada Muuse Biixi ayaa Lagu Qabtayu Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

    Hargeysa (Xogreebnews) kulan balaadhan oo maanta lagu qabtay hotel maansoor ee malaagada hargeysa oo lagu taageerayo go’aaniadii ka soo baxay gudidii hoodaale laguna taageerayey murashaxnimada madaxweynaha ee gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Xogreebnews) kulan balaadhan oo maanta lagu qabtay hotel maansoor ee malaagada hargeysa oo lagu taageerayo go’aaniadii ka soo baxay gudidii hoodaale laguna taageerayey murashaxnimada madaxweynaha ee gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (Xogreebnews) kulan balaadhan oo maanta lagu qabtay hotel maansoor ee malaagada hargeysa oo lagu taageerayo go’aaniadii ka soo baxay gudidii hoodaale laguna taageerayey murashaxnimada madaxweynaha ee gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa ka soo qayb galay Salaadiinta,Cuqaasha,aqoon yahano ,madaxdhaqmeed iyo dad kale oo beesha Sacad Muuse ah oo taageero laxaad leh u muujiyey go’aanadii ka soo baxay gudida beesha Sacad Muuse ee HOODAALE ,isla markaana lagu taageeray murasahxnimada Muuse Biixi Cabdi.

Salaadiintii kulankaasi qadada ahaa ka hadlay ayaa waxay sheegeen in maanta kulankan balaadhan loo qabtay sida beesha Sacad Muuse ay uga go’an tahay taageerada murashaxnimada madaxweynenimo ee Mujaahid Muuse Biixi Cabdi,waxayna salaadiintu hoosta ka xariiqeen in aqlabiyadda salaadiinta iyo beeshuba taageersan tahay go’aankii gudida HOODAALE eek u saabsanaa kala reebida murashaxiinta beesha.

Cuqaashii kulankaasi ka hadashay ayaa iyaguna waxay tilmaameen in guud ahaanba looga baahan yahay beesha Sacad Muuse in looga baahan yahay in ay taageeraan isla markaana u hogaansamaan halka ay raacday aqlabiyadda beeshu,taasina waa ta kaliya ee horumarka beesho doonayso inay gaadho ay ku gaadhi karto.

Gabagabadii kulankaasi oo uu soo xidhay Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldan Xasan Suldan C/lahi ayaa waxa uu sheegay in beeshu gaadhay go’aan weyn oo taariikhi ah kaasi oo jidka u jeexaya in dhamaanba loo hogaansamo go’aankaasi la isla qaaday ee lagu kala reebay murashaxiintii beesha ,laguna soo saaray murashaxa kaliya ee beesha uga tartami doona doorashada danbe ee madaxtooyada,waana Muuse Biixi Cabdi,hadalka suldaanka ayaa sacab badani u dhacay loona guuxay hadalkaasi ka soo yeedhay suldaanka guud ee Subeer Awal ,suldaanka oo ka hadlaya dadka diidan go’aankan ayaa sheegay inay doonayaan cid kasta oo tabasho qabta in miiska wada hadalka lagu dhameeno isla markaana loo baahan yahay in la isku tanaasulo oo aysan sheekadu noqon midi midi ku tag.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili ay gudidda beesha Sacad Muuse ee HOODAALE aqlabiyadoodu soo saareen go’aan ay ku kala reebeen sadexdii murashax ee u tartami lahaa doorashada madaxtaxtinimada ee soo socota.

Xafiiska Xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured