Isku-daygii Baajinta Xumadda Madaxtooyada Ee Khamiistii oo Xeebta Batalaale ku Guul-daraystay “..Reer Berberoow Hudheelkii aynu Xafladda ku qabsan lahayn waxa la dhigey Tikniko Iyo Beebeeyo..” Guddoomiye Cirro

0
Friday December 19, 2014 - 08:40:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku-daygii Baajinta Xumadda Madaxtooyada Ee Khamiistii oo Xeebta Batalaale ku Guul-daraystay “..Reer Berberoow Hudheelkii aynu Xafladda ku qabsan lahayn waxa la dhigey Tikniko Iyo Beebeeyo..” Guddoomiye Cirro

    “..Maalin walba Waxa ila soo Xidhiidha kuwa Wasiirrada ah oo leh Arrin ma Hayno..” Muj. Xamarje “…Reer Berberroow Xoolihii, Dekeddii, Kalluunkii, Haamihii, Sibidhkii, Lacagtii iyo Cashuurtiinii waxa Madaxtooyada lagu geeyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“..Maalin walba Waxa ila soo Xidhiidha kuwa Wasiirrada ah oo leh Arrin ma Hayno..” Muj. Xamarje “…Reer Berberroow Xoolihii, Dekeddii, Kalluunkii, Haamihii, Sibidhkii, Lacagtii iyo Cashuurtiinii waxa Madaxtooyada lagu geeyaa Gaadhi Madow..” Faadumo Siciid Berbera(xogreebnews.com_Marka la eego sidii uu Jawiga Magaalada Berbera ahaa dhowrkii usbuuc ee u dambeeyay, waxaan mugdi ku jirin in fooraha Xarakaadka Siyaasadda xeebtu u jan-jeedhsaday dhinaca Xisbiyada Mucaaridka ah, kaddib markii ay is-biir-biirsadeen gujjooyin badan oo ay xukuumaddu ku buha-buhaysay boggaha lama taabtaanka ah ee ay Shacbiga Gobolkani ka damqadaan.

Soo hadal-qaadkii bixinta Shamiitada Berbera , boobka Dhulka Danta guud ah lagu hayo, hibeynta dadku u arkaan qayrul sharciga ee boggcadaha Dhaxal-dawladdeedka ah iyo Tuujinta dareenka dadweynaha Gobolka.


Dadweynaha ku dhaqan Caasimada Gobolka Saaxil, ayaa markii ay arrimaha Xukuumaddu ku kaakicisay, waxaad moodaa inay mar kale dib u istaadheen dareenkoodii mucaaridnimada ku dhisnaa ee kaganaa, kaasoo in muddo ah Guux iyo gaban-gaabsi ku jiray, hase ahaatee labadii bilood ee u dambeeyay si tartiib-tariib ah ay sanqadhiisu u soo baxaysay.

Bilowga geediga Hormooyinkii ugu horeeyay ee Shacbiga reer Berbera ugu digo-rogteen Asxaabta Mucaaridka ah billahan dhamaadka sanadka 2014-ka, ayaa u muuqda saan-saanta cad-ceed-soo bixii isbedelka siyaasiga ah ee rajadiisu ku xidhantahay qabsoomida Doorashada Madaxtooyadda ee u mudaysan badhtamaha sanadka curashadiisa dhowr iyo tobanka maalmood inaga xigaan ee 2015-ka.

Haddaba, iyadoo ay muuqato in taageeradii Xisbul xaakimka ee Gobollada dalka oo dhami soo shiiqayso, Bari iyo Galbeed, ayaa waxa uu Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Khamiistii shalay Magaalada Berbera ku soo dhaweeyay Kumanaan Taageerayaal ah cusub ah oo kaga soo biiray dhanka Xisbiga kulmiye, kuwaasoo xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay goob fagaare ah, kaddib markii ay xukuumaddu is-hortaagtay in xisbigu ku qabsado munaasibaddan Hudheelada Magaalada.

Munaasibadan oo goobta ay ka dhacday ahayd xarunta Xisbigu ku leeyahay Magaaladan, ayaa waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) iyo xubno ka mid ah hogaanka sare iyo Goleyaasha Xisbiga, oo ay hormuud ka yihiin qaar ka mid ah Siyaasiyiintii saddexdii Khamiisood ee ugu dambeeyay ku soo biiray Xisbiga, looguna xafladeeayy Magaalada Hargeysa.

Sida Marwo:Faadumo Siciid, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Md:Maxamed Nuur Caraale (Duur),guddoomiyahii hore ee gobalka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamar-je), kuwaasoo soo dhaweeyay taageerayaal aad u tiro badan oo uu hogaaminayey Siyaasi Cali Axmed Kooshin oo ka soo diga rogtay xisbiga hada sii-liicaya ee KULMIYE.

Xafladdan oo intii ay socotay dhaliilo faro badan looga soo jeediyay Xukuumadda, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Siyaasi Cali Axmed Kooshin,kaasoo mahad-naq kaddib, ka waramay sababta ku keliftay in isaga iyo Taageerayaashiisu ka soo baxaan Xisbiga Kulmiye, una wareegaan WADDANI.

“waxaan idin ka raali galinayaa hudheelkii aynu Kun iyo Labada boqol ee Kursi aynu kiraysanay ee xukuumadu inaga joojisay ee ay saaxiibo badan oo ila socday ay ka cadhoodeen oo ay ku maqan yihiin oo ay ku dagaalameen oo aan diidnay oo aan idhi ma dagaalamayno imika.” Ayuu yidhi Siyaasi Cali isagoo ka dibaaqaya talaabada la iskaga hortaagay Hudheelada Magaalada inay xaflad ku qabsadaan.

Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi“ Aniga maanta waxaa farxad ii ah in aan ragii aanu KULMIYE wada joognay ay maanta igaga sii horeeyeen oo ay joogaan xisbiga WADDANI,markii hore Kulmiye ayaan ahaa oo waxaa naga luntay xisbi nimadii oo mugdi ayey naga gashay, waxaa ayaan darro in KULMIYE markii uu dalka qabsaday uu reerihii la so dhaafay dib noogu celiyey,waxaad ogeydeen shirweynahii xisbiga KULMIYE ee golaha dhaxe waxii ka dhacay waatii qabiilo lagu soo xulay,siciid waa iga markhaatiye anigu waxaan isu sharaxay in aan noqdo guddoomiyaha xisbiga ee guud in aan noqdo oo aan Muuse Biixi aan la tartamo, ragii kalena waa ay u tartamayeen sharcigana waxaa la yidhi siciid gudidii qaban qaabada ayaa uu ka mid ahaa, kuraasidana reero ayaa leh oo ay kooto ugu xidhan yihiin, markaa ma qabyaalada ayeynu dabada ka wadnaa waa maya jawaabtu”ayuu yidhi Cali Axmed Kooshin.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isaguna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa si diiran u soo dhaweeyey Siyaasiga hada ku soo biirey,waxaana uu tibaaxay in guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro uu yahay ninka qudha ee ka nixi kara duruufaha haysta magaalada Barbera.
“horta maanta(Shalay) waxaa lays lahaa taageerayaasha WADDANI bacad ayaa dili doona oo tobanka subaxnimaba waa ay carari doonaan,laakiin waa ay idin ka muuqataa in aad illaa Labada aad haddaad doontaan aad joogi kartaan, aad ayaan ugu mahad naqayaa xisbiga iyo guddoomiyaha gobalka iyo ragii hawshaas ka shaqeeyey.Barberaay dad badan ayaa igu yidhi waxaa la yidhi Cirro waxaa uu yidhi Barberi waa ay xanuun sanaysaa, deedna waxaa uu yidhi siciid ayaan dawadi u soo dhiibay dawada uu ii soo dhiibay ayaan idiin sheegayaa, waxa weeye dalka Barberi waa ay ka duwan tahay sida loo xukumo gobalada kale looma xukumo dawladan iyo dawladii ka horeysayba isku si ayaa ay u xukumayeen cadaadis ayaa lagu hayaa waa la gumeeyey shacbigeena, waxa weeye waxa aanu idiin sheegaynaa WADDANI waa ka idin ka saaraya gunimadaas”Ayuu yidh Siciid Cilmi Rooble.

Guddoomiyahii hore ee Gobalka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje oo isna halkaasi ka hadlay ayaa shegay in ay bilaaban tay wakhtigii isbed doonka,waxaana uu carabka ku dhuftay in xisbiga KULMIYE uu jaha wareeriyey umada.
“Reer Barberoow munaasibadan soo dhaweynta ah ee aynu u wada joognaa waa isbedel soo maaha,isbedelkaas waxa lagu maleegayaa oo dadkii waa ay soo dhaqaaqi laaayeene oo maalinba walba kuwa wasiirada ah ayaa aniga ila soo xidhiidha oo waa ay ku wada qanacsan yihiin in arrin la waayey bulshana haddii arrin la waayo, wuu khal khalaa, oo hada xukuumada arrin la’aan ayaa ku dhacday, waxaa loo baahan yahay in kamankan ay bulshada u garaacaan ee la yidhaahdo muddo kordhin ayaa dhacaysa, waxaan leenahay muddo kordhin ma dhacayso”Ayuu yidhi Xamarje.
Marwo:Faadumo Siciid oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxaa ay tidhi:”reer Barberoow duliga waa aydin ka bixi, biyo la’aan laydin kuma daynaayo, laydh la’aan laydin kuma daynaayo, warshadiina sibidhka la fadhataysan maayo, xamaaliintiina bada laguma daraayo, kaluunkiina idinkaa la soo baxaya oo cid kale la soo bixi mayso. reer Barberoow xaq ayaad leedihiin xaqiiniina wali maydaan helin, xaqiinii wali maydaan arkin,xaqiinii wali maydaan dhadhamin, waad ka qaawan tihiin oo waad ka qatan tihiin, xoolihiinii dekeddiina,kaluunkiinii,haamihiinii, sibidhkiinii,lacagtiinii,caruurtiinii kuli siday u dhan yihiin waa ay wada xawilan yihiin, miyaad garanaysaan meesha ay u xawilan yihiin, waxay u xawilan tahay oo saqbadhka lagu qaada Baabuur madow, oo wadadda Hargeysa loo mariyaa meel madaxtooyada la yidhaahdo”.ayay tidhi Faadumo Siciid.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in uu qalbi furan ku soo dhaweynaayo taageerayaasha ku soo biiray Xisbigiisa.
Guddoomiye Cirro, ayaa sidoo kale aad u dhaleeceeyay, falalka lidiga ku ah dhaqdhaqaaqyada Mucaaridka ee ay xukuuamddu bilowday, sida ka mabnuucida Hudheellada, iyo marista waddooyinka marka madaxdooda soo dhaweynayaan.
“Waxaan u mahad naqayaa dhamaanba taageerayaashii muga lahaa iyo masuuliyiintii u mahad naqaysay ee ku soo biiray xisbiga WADDANI, waxaan leeyahay walaalayaal qalbi furan ku soo dhawaada,” ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

Waxaanu intaasi raaciyay isagoo ka hadlaya arrimaha lidiga ku ah xoriyada xarrakaadka Xisbiyada, siiba weerarkii dhawaan lagu qaaday xaflada uu xisbigiisu ku qabsaday Hudheelka Crown iyo talaabada Hudheellada Berber lagaga hor-istaagay xafladaha. “Waxaa looga baahan yahay xukuumada iyo cid kale oo xil haysaba dulqaad ayaa looga baahan yahay, waxaan isleeyahay dulqaad yaraanta xukuumada iyo xisbigeeduba, waxad ogeydeen in khamiistii sii horeysay oo xisbiga WADDANI uu ku qabsanaayey xaflad, markaa wixii ka dhacday waad ogeydeen, xisbi munaasibad si nabad ah u qabsanaaya ayaa xukuumada iyo xisbigeedu waxaa ay soo abaabuleen dhalinyaro ka badan Lix boqol oo qof oo basas lagu soo gurey loona soo dhiibay dhagxaan, malaha hubna waa ay siteen iyo faashash,way jajabiyeen dhamaanba gawaadhidii hudheel Crown yaalay,hudheelkiina inta ay soo galeen ayey dadkiina dhaawaceen, hudheelka waxaa joogay laba askari oo ciidanka booliska ka tirsan, labadiina markii ay hawshii bilaabmaysay waa ay ka ka xeeyeen, nabad galyada xukuumada ayaa ka masuul ah dee waa ay ladnayd oo dhagxaan ayey u soo dhiibtayba markii hore ‘e Barbera maxaa ka dhacay maanta (Shalay)”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha ayaa isagoo khudbadiisa sii wata daboolka ka qaaday “Waxa maanta (shalay) aynu xaflada ku qabsan lahayn huteelka Maansoor ee Barbera, maanta ciidan lama dhiginee waxaa la dhigey tikniko, beebeeyo ayaa la keenay, wali Kulmiye hore looguma samayn in beebeeyo lagaga horjoogsado munaasibad uu qabsanaayo laakiin KULMIYE ayaa maanta (shalay) sameeyey”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hogaamiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu dhaliilay u isticmaalka shaqaalaha iyo Ciidamada ee Xukuumaddu u adeegsato la dagaalanka xisbiyadda. “Maanta waxaad Telefishanada ka arkaysaa maareeyayaal iyo Shaqaale Xisbiga kulmiye Siyaasadda u isticmaalayo oo xafladaha ka hadlaya, waxaan ugu baaqayaa Ciiddanka iyo shaqaalaha Dawladdu inaanay siyaasadda ku milmin, hadii ay doonayaan inay ka qayb-qaataana shaqada iska soo casilaan” ayuu hadalkiis raaciyay.

Dhinaca kale, amar qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Fahmi Cabdi Bidaar, kaasoo lagu socodsiiyey Mulkileyaasha Hudheellada Magaalada Berbera, ayaa lagu amray inaanay marti-gelin xafladaha asxaabta Mucaaridka, isla markaana aanay u ogolaanin Mulkileyaasha Hudhelladu Hoolalkooda Munaasibadaha Siyaasadda ee Xukuumadda ku lidiga ah.

Warqadda lagu soo saaray Amarkan oo nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Yool, ayaa waxa ku cad in “iyadoo la Tix-gelinayo Heshiiskii Guurtidu ka soo saartay Khilaafkii Wakiillada, inaan dhamaan Hudheelada Magaalada Berbera lagu qaban Karin wax xaflad ah oo Ololeysan”ayaa lagu sheegay qoraalka uu Guddoomiye Fahmi isku hor-taagay Xafladda Waddani.

Hase ahaatee waxa Amarka Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, ku soo beegmayaa iyadoo bishan gudaheeda Xisbiga Kulmiye labada Xafladood oo soo dhaweyn ah Taageerayaal cusub ugu sameeyay Magaalooyinka Berbera iyo Saaxil, taasoo hadii la ixtiraamayo Heshiiskii Guurtidu ku soo afjartay xiisaddii Golaha Wakiillada uu Xisbiga Kulmiye hore ugu tuntay dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyey, isla markaana Olole is-daba joog ah ka sameeyey Gobollada dalka oo dhan, isagoo adeegsanaya xeeladdo kala duwan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured