Warbaahinta Dawladdu Ma Waxay Noqotay Wadhafkii Samaale Iyo Warmo Lagu Turmo Muuse Biixi?

0
Friday December 19, 2014 - 08:37:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 856
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Dawladdu Ma Waxay Noqotay Wadhafkii Samaale Iyo Warmo Lagu Turmo Muuse Biixi?

    Hargeysa(xogreebnews.com_War-baahinta Dawladda oo kolba Xukuumada talada-haysa maamusho adeegsigeeda, sida caadadu tahay-na looga bartay in-nay Wararka iyo macluumaadka inay baahiso, oo buun-buuniso siyaasadaha nidaamka xukunka haya iyo Xisbigiisa da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_War-baahinta Dawladda oo kolba Xukuumada talada-haysa maamusho adeegsigeeda, sida caadadu tahay-na looga bartay in-nay Wararka iyo macluumaadka inay baahiso, oo buun-buuniso siyaasadaha nidaamka xukunka haya iyo Xisbigiisa danuhu ugu jiraan, ayaa Taariikhda Somaliland Hargeysa(xogreebnews.com_War-baahinta Dawladda oo kolba Xukuumada talada-haysa maamusho adeegsigeeda, sida caadadu tahay-na looga bartay in-nay Wararka iyo macluumaadka inay baahiso, oo buun-buuniso siyaasadaha nidaamka xukunka haya iyo Xisbigiisa danuhu ugu jiraan, ayaa Taariikhda Somaliland markii ugu horeysay la arkay intan Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo maamulaysay in-nay si cad ula kala safatay Xisbul-xaakimka talada-haya KULMIYE iyo siyaasadaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo loollanka Musharaxa madaxweynaha ku hirdamaya, kaddib markii sida muuqata Madaxweyne Siilaanyo fasaxay.

Wargeyska dawladda ee Afka Xukuumada ku hadla ee DAWAN, ayaa Cadadkiisa 33240, ee baxay Khamiistii Shalay, waxa uu Boggiisa hore ku daabacay, isagoo Wargeysku Far waa-weyn ku muujinaya Labba War oo dhacdo keliya ka waramaya, isla goob-na ka dhacay, iyo sidoo kale, Hal War oo dhagaxiisu meel kula dhacayo Labada hore. Halka geesta kalena, Wargeysku aanu hal-xaraf ka qorin Warkii sababtiisa hadaladan oo dhami kusoo baxeen ee dhinaca kale.
Labada War oo ahaa kuwo Wargeysku kasoo qaatay Shir-jaraa’id oo ay koox Salaadiin ah, oo soo jeeda Beelaha Sacad-Muuse Arabacadii doraad ku qabteen Magaalada Hargeysa, kaasoo xubnaha Madax-dhaqameedku ku dabo-joogeen go’aan kasoo baxay Guddiga Horuumarinta Beelaha Sacad-Muse, nuxurkiisuna ahaa kala reebista siyaasiyiinta Beesha ee u hanqal taagaya inay ka qayb-galaan tartanka Madaxtinimada dalka, kadib Madaxweyne Siilaanyo marka uu haa-kah yidhaah hoggaaminta talada dalka, halka kan Saddexaad-na uu ahaa Cod diidmo ah oo kasoo yeedhay mid kamid ah siyaasiyiinta Beeshaas ee dammacu ka hayo ka qayb-qaadashada tartanka Madaxtinimada Somaliland ee mustaqbalka, isla markaana uu ku muujinayo in aanu u hoggansaan doonin go’aanka Gudiga Beesha kasoo baxay.
Haddaba, inta aynaan u faah-faahinta ujeedada Wararka Wargeysku faafiyey ama baahiyey, si bulshadu fahanto halka sartu-ka-qudhunta, sidoo kale, Labada garab ee Wargeysku la kala saftay, waxa aynu is dul-taagi doonaa go’aanka qaylada keenay, cida ku najaxday iyo cida ku khasaartay.
Gelinkii dambe ee Arbacadii Toddobaadka dhamaaday, ayaa guddiga horuumarinta Beelaha Sacad-Muuse ee lagu doortay Shirkii Deegaanka Agabar ee (Hoodaale), waxa ay soo saareen natiijadii kasoo baxaday kulan gacan tag ah oo xubnaha guddigu u qabteen inay ku kala saarayeen siyaasiyiinta Beesha, kuwaasoo uu loollan daba-dheerada u dhexeeyey in muddo ah, isla markaana kala ah Guddoomiyaha Xisbiga talada-haya KULMIYE Md. Muj Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, waxaana natiijadii kulanku u dhacday sidan:

Xogo Wargeyska Yool helay,oo saabsan Tirada xubnaha guddiga ee Madasha fadhiyey, ayaa tiradii guddiga ku sheegay Kow iyo Labaatan xubnood (21-xubnood), sidoo kale, waxa iluhu xuseen markii guddigu gudo-galeen Cod-qaadista, in Afar iyo Toban xubnood HAA ku oggolaadeen inuu Musharaxa Beesha noqdo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi, Shan xubnood ay ka baxeen fadhiga, Hal xubina codka HAA ku oggolaatay Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, halkaa ay Labba xubnood-na ka aamuuseen go’aankaas, Guddoomiyuhuna aanu Codeynin.

Waxa aynu ognahay dhacdo kasta oo dunida korkeeda timaadaa inuu Ibnu Aadamku badhna ku farxo, badhna ka murugooda,oo xaajo kasta natiijadeedu ku dhamaayo (Gari laba Nin kama wada qosliso), taasoo ah Sunne Ilaahay Adoomihiisa u jeexay inta uu Ifka joogo, haddaba marka xaqiiqada Warku uu sidaa yahay, Wargeysku muxuu ku doortay baahinta Saddexda War ee isku sidkan, sidoo kalena u qariyey Warkii kale ee go’aanka Guddiga?.
Teeda kale, haddii Wargeysku Wararkan uu ku doorbiday cusaybka, maxaa u diidey Warkii Suldaanka Guud ee Beesha Subeer-Awal Sul, Xasan, Sul Cabdilaahi dhacdadaasi?, isna isla mowduucan ka hadlay.
Dhanka kale haddii aynu ka eego Wararka uu Wargeysku Boggiisa hore ku sharaxay, oo ah kuwo ku saabsan qadiyad ama dhacdo, gaar u ah ama khusaysa danaha Siyaasaddeed ee mid ka kid ah Beelaha ugu tunka waaw-weyn tiro ahaan Beelaha Somaliland wada-dega, waxa isweydiintu tahay, maxay ahayd micnaha iyo nuxurka Wargeysku ku xushay Wararkan?. Iyadoo weliba haddii si loo eego khilaaf, burbur, tafo-raaruq iyo buuq mooye aanu muuqan wax kaloo ku jiraa ama ka soo baxay shirarka dhacay ee uu qaarkood ka waramay, kuwaasoo wax kastoo laga baahiyaa inay sii siyaadiyaan Khilaafka mooyee aanay waxba ka naaqusinaynin?.

Iyadoo, haddaba arimahaasoo dhami jiraan cid wali-ba Indhaheeda ku arkayso sida wax u socdaan, waxa dhacdadani markhaati u tahay inay hoggaanka talada dalka ku loolamayaan koox ka sokeeysa cidii bulshadu u doortay, kuwaasoo aan wadaagin siyaasad iyo afkaar meel qudhaata laga hagayo oo meelna u wada-jeeda. Waxaana taasi markhaati ma-doon u ah oo cid walba ugu filan heerka ay marayso War-baahintii dawladda ee looga bartay xataa in aanay si siman ugu wada adeegin Waaxyaha kale dawladda marka laga reebo Waaxda Fulinta ama Xukuumada oo ay hadba meesha kooxda manjaraha haysaa doonayso ku foogan buun-buuninteeda , iyadoo waxa qudhee haddii lag tegi waayo ku jiray cidda loogu adeego qalabka Warbaahinta Qaranku uu ahaa Xisbiga talada haya oo aad haatan moodo in hogaankiisii Waranka ku liishaamanyahay.
Arrinta kalee iyana meesha ku jirtaa waxay tahay, Kooxda Wargeyska Dawladda iyo qalabka kale ugu adeegsatay xaglintu, waxa jira Wargeysyo kaloo qaarkood Madaxtooyada laga leeyahay oo iyaga laftoodu arrintan dhinac uga xag-liyey.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured