Xaalad Abuurka Ay Xukuumada Siilaanyo Ka Wado Gobolka Awdal Iyo Ujeedooyinka Ka Dambeeya

0
Monday December 15, 2014 - 08:06:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalad Abuurka Ay Xukuumada Siilaanyo Ka Wado Gobolka Awdal Iyo Ujeedooyinka Ka Dambeeya

    Hargeysa ( xogreebnews.com­— Xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo ayaa la soo baxday tab iyo xeelado cusub kadib markii ay jawaab waafiya ka bixin kari wayday tabashadii ay madaxdhaqameedka Gobolada Galbeedka Somalilan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa ( xogreebnews.com­— Xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo ayaa la soo baxday tab iyo xeelado cusub kadib markii ay jawaab waafiya ka bixin kari wayday tabashadii ay madaxdhaqameedka Gobolada Galbeedka Somaliland u gudbiyeen muddo laga joogo afar bilood iyo saa’id. Salaadiinta dhaqanku ayaa ka qaatay go’aan midaysan Hargeysa ( xogreebnews.com­— Xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo ayaa la soo baxday tab iyo xeelado cusub kadib markii ay jawaab waafiya ka bixin kari wayday tabashadii ay madaxdhaqameedka Gobolada Galbeedka Somaliland u gudbiyeen muddo laga joogo afar bilood iyo saa’id.
Salaadiinta dhaqanku ayaa ka qaatay go’aan midaysan waxaanay iclaamiyeen shirweyne lagaga tashanayo aayaha iyo mustaqbalka shacabka ay metalaan ee labada gobol awdal iyo salal.


Muddo hada laga joogo toban maalmood ayaa waxaa dhawaaqay Suldaan Wabar oo kamida salaadiinta dhaqanka ee gobolada galbeedka wuxuuna ku sheegay muuqaal Video ah oo uu iska soo duubay inuu ka goostay Somaliland kadib markii ay xukuumada Siilaanyo tixgalin siin weyday Salaadiintii dhaqanka ee tabashada gudbisay.
Xukuumada ayaa arrintaas sas ka qaaday waxaanay durbadiiba loo soo diray gobolka awdal gaar ahaan dagaankii uu markaas ku sugnaa suldaan wabar ciidan tiro badan si ay usoo qabtaan, arrintaas oo dhalisay xasaasiyad iyo cadho badan maadaama aanay meeshaba oolin in ciidan loo adeegsado shakhsi aan hub iyo ciidan toona wadan oo dhawaaqay kaliya.
Dhinaca kale, waxaa xalay xabsiga loo taxaabay dhalinyaro yar yar oo lagu eedeeyay inay ka qayb ahaayeen mudaharaad shalay ka dhacay boorama, sidoo kale waxaa iyaguna xalay saqdii dhexe ciidamana RRU-du kala bexeen guryahooda laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Boorama taasoo waliba inta la katiinadeeyay loo dhaadhiciyay magaalada Hargeysa.

Waxaa gobolada Somaliland markasta ka dhaca banaanbaxyo kuwaas oo leh ujeedooyin kala duwan, kuwan boorama ka dhacay ee lagu xidhxidhay caruurtuna kama duwanayn kuwaas, waxaana wararka ay helayso shabakada Cadceednews sheegayaan in xitaa dhalinyarada la xidh xidhay oo tiradooda lanoogu sheegay dhowr iyo labaatan ay xitaa ku jireen wiilal yar yar oo waallidkoodu suuqa uga soo dirteen inay uga soo adeegan.
Xukuumada ayaa ku dhici kari weyday inay xalinta arrimahaas kala xaajooto ama wax ka weydiiso Madaxdhaqameeyada ay talada gobolada galbeedku ka go’do, wuxuuna madaxweyne siilaanyo ka baqay in ay salaadiintu ku qarxaan illeyn weji hore uuma dhigane.
taas bedelkeedii waxay Xukuumada Siilaanyo arrintaas u maamushay si khaldan oo aan ku haboonayn dhaqanka dawladnimo iyo damiirka xalaasha ah, kaba sii darane waxay xukuumadu gobolka usoo dirtay niman wasiiro ah oo aan ku haboonayn xaalada gobolka ka jirta waxaana nimankaas kamida wasiirka duulista maxamuud xaashi oo ah nin aan gobolka ku lahayn sumcad iyo karaamo waxaana boorama looga yaqaanaa inuu yahay nin qabiilayste ah oo xanuusanaya wuxuuna hadda ka hor si badheedh ah u sheegay in garoomada diyaaradaha ee gobolada Somaliland laga dhisi doono oo keliya Berbera, Hargeysa iyo Burco isaga oo markaas muujiyay kaliya danaha cida uu kasoo jeedo keliiya.
isku soo duuduuboo, in badan oo kamida waxgaradka gobolada galbeedka ayaa aaminsan in waxan oo dam dam ah ay xukuumada Siilaanyo uga dan leedahay inay burburiso shirka beelaha Gadabuursi oo lagu wado inuu qabsoomo dabayaaqada bishan December ee ayu ku jirno, shirkaas oo la fili karo inay kasoo baxaan go’aamo aan marnaba raali gelin xukuumada Siilaanyo, waxaa iyadana aan meesha ka maqnayn in la iska horkeeno Beelaha Gobolada Galbeedka si ay meesha uga baxdo midnimada hana qaaday, daaqadana looga tuuro qalinka iyo buuga xukuumada lala daba socdo si meesha looga saaro xisaabtanka xukuumada lagu wado ee la xidhiidha sixida saami qaybsiga Somaliland oo 24 jirsatay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured