Xeer Ilaaliyaha Guud Iyo Hanti-dhowrka Dowlada Somaliya Oo Looga Yeedhay Baarlamaanka Soomaaliya

0
Sunday December 14, 2014 - 18:48:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer Ilaaliyaha Guud Iyo Hanti-dhowrka Dowlada Somaliya Oo Looga Yeedhay Baarlamaanka Soomaaliya

    Muqdisho(xogreebnews.com_Waxaa maanta hortagay Baarlamaanka Soomaaliya Xeer ilaaliyaha Guud iyo hanti-dhowrka Qaranka Dowladda halkaas oo su’aalo la weydiinayey Uga Jawaabay Xildhibaanada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_Waxaa maanta hortagay Baarlamaanka Soomaaliya Xeer ilaaliyaha Guud iyo hanti-dhowrka Qaranka Dowladda halkaas oo su’aalo la weydiinayey Uga Jawaabay Xildhibaanada. Muqdisho(xogreebnews.com_Waxaa maanta hortagay Baarlamaanka Soomaaliya Xeer ilaaliyaha Guud iyo hanti-dhowrka Qaranka Dowladda halkaas oo su’aalo la weydiinayey Uga Jawaabay Xildhibaanada.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Axmed Cali Daahir ayaa u sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka iney hayaan cadeymo muujinaya musuqmaasuq ay ku kaceen hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
………””Waxaan idiin sheegayaa in 19-ka wasaaradood iyo saddex hay’ad oo kale oo ah 22-ka hay’adood ee dowladdeenna mid aan musuq-maasuq baahsan oo xadka ka baxsan oo aanan ku helin ma jirto……””ayuu yiri.

Xeer ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha ay ku hayaan Musuqmaasuqa horgeyn doonaan Maxkamada lana dhageysan doono kiiskooda taasoo marka danbe ay maxkamadu cadeyn doonto iney danbiilayaal yihiin iyo in kale.
Wuxuu hadalkiisa ku daray Xeer ilaaliyuhu iney jiraan wasaarado kale oo ay baaritaan ku hayaan dhawaana ay soo bandhigi doono hay’adahaas marka baaritaankooda soo gabagabeeyaan.
Mudane Axmed Cali Daahir ayaa tilmaamay in Xildhibaanada baarlamaanka u sheegi karaan hadey doonaan magacyada hay’adahaas musuqmaasuqa baaxada leh ka dhex jiro ayna diyaar u yihiin taas.Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inuusan raaligelin ka bixin karin waraaq dhawaan Xafiiskiisa iyo kan hanti-dhowrka si wadajir ah usoo wadasaareen taasina ay tahay hawshiisa.……..”” Awoodda uu sharcigu i siiyay oo ah inaan sameeyn karo baaris, ka-hortag, ka daba-tag, dhameystir iyo eedeyn ku kooban inaan xaqiijiyo raalli-gelin kama bixinayo…….””’ayuu yiri Xeer ilaaliyuhu.Dhanka kale Hanti-dhowrka Guud Nuur Jimcaale Faarax ayaa isna sheegay in dadka ay hawshu kala dhaxeyso si daacad ah ugu shaqeynayan dalka Soomaaliya ,isagoona sheegay in dalku meesha ugu hooseysay ka taaganyahay Musuqmaasuqa.……….”” Aniga ka Hanti-dhowr ahaan iyo inta ila shaqeysa waxaa xil naga saaran yahay in marxaladda taagan aan wax ka bedelno, si aan wax uga bedelnana garab ayaan idin kaga baahannahay. Siyaasadaha waddanka wax shaqo ah kuma lihin, inaan meel dhexe taagannahayna waxaa caddeyn u ah miisaaniyadda la idiin soo gudbiyay dhaqaalaha nalooga qoondeeyay inta uu le’eg yahay……….””ayuu yiri.
Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya ayaa shalay u yeeray Xeer ilaaliyaha Guud iyo Hanti-dhowrka Qaranka isla markaana loo weydiiyo hawlaha ay sida gaarga ah u qabtaay Xafiisyadooda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured