Fuaad Aaden Cadde Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Kuna Taliyay In Nabad Lagu Raadiyo Dadka Wax Tabanaya

0
Sunday December 14, 2014 - 18:45:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fuaad Aaden Cadde Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Kuna Taliyay In Nabad Lagu Raadiyo Dadka Wax Tabanaya

    Hargeysa ( xogreebnews.com— La Taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Barri ee Somaliland Fu’aad Aadan Cadde ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya , waxaanu tilmaamay in mar walba Somaliya ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa ( xogreebnews.com— La Taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Barri ee Somaliland Fu’aad Aadan Cadde ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya , waxaanu tilmaamay in mar walba Somaliya ka Hargeysa ( xogreebnews.com— La Taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Barri ee Somaliland Fu’aad Aadan Cadde ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya , waxaanu tilmaamay in mar walba Somaliya ka warwareegayso in lala hadlo oo qadiyada iyo madax banaanida Somaliland lagala hadalo, waxaanu xusay in haddii si toos ah loola hadlo oo shuruudo lagu xidho in laga gar helayo, waxaanu sheegay in 1960-kii ay midnimadaas Somaliland ku khasaartay, isla markaana xilalkii lagaga batay.Fu’aad Aadan Cadde ayaa sidoo kale ku baaqay in Doorashadu si cadaalad iyo nabadgeliyo ku jirto, u dhacdo, oo xamaasad aan la gelin oo ciddii markaas ku guulaystay Madaxtinimada loo haneeyo, waxaanu sidoo kale ku baaqay in lagu kalsoonada Komishanka Doorashooyinka Qaranka.Fu’aad Aadan Cadde oo Wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrkia ayaa sidoo kale sheegay in Musharixiin badani soo bixi doonto Tartanka Musharaxnimo ee Xisbiga Kulmiye, marka uu Madaxweynuhu Shanta dambe dhammaaysto, oo aanay Musharaxnimadaasi aanay ku koobnaan doonin cid gaar ah, waxaanu ka hadlay xurgufta Siyaasadeed ee ka dhexeeysa Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale, oo uu tilmaamay in marka ay labadooda oo qudhi ay isku soo muruxsadaan, ee ay isku soo hadhaan Musharaxnimada uu ka hadli doono.

Fu’aad Aadan Cadde ayaa sidoo kale ku baaqay in cid walba oo reer Somaliland u dhalatay oo wax tabanaysa in Nabad lagu raadiyo, “Waxaan anigu jecel ahay inaynu la hadalno Somaliya maxa yeelay weynu ka adagnahay, waxa ku filan soo na dooni maysaan anagu idin dooni mayne, haddii aad na doonaysan si is leeg oo konton iyo kontona wax inoogu qeybiya, markaas iyagaaba cararaya , in lala hadlo ayaan qabaa, waxaana aynu ognahay wixii inaga qabsaday 1960-kii, markii aynu is raacnay iyo farihii la inoo sheegtay, waxaas oo dhan ayeynu xasuusana, Tansaaniya oo la kala oo dhan jiray Sinsibaar iyo Tankaniika, wey is raaceen oo is si leeg ayey u wax u qeybsadeen, Jabuuti waa sidaas oo kale, markaas Ninka na doonaya waa in Cadka ugu weyn uu inoo ogol yahay, wax la yeelayo maaha waanu idinka badan ahay iyo Hawadiina ayaanu qabsanaynaa wax ku hagaagaya ma jiraan, wey fiican tahay in markaas Somaliya, lala hadlo, waxaana hubaa in marka lala hadlo oo Shuruudo lagu xidho inay iska tagayaan, waxaana hubaa in laga gar helayo”.
Fu’aad Aadan Cadde oo la suaalay tartanka u dhexeeya mar walba guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Samaale, wuxuu yidhi “Cabdicasiis Samaale waxa uu yidhi Madaxweynuhu marka uu ka dhargo ayaan is sharaxaya, dad badan oo iyana markaas is sharaxaya oo soo baxayaana wey jiraan, waxayna ku fiican tahay in Tartanku uu bato, balse imika Odayga ayaa sharaxan oo Shanta Sanno ee dambe u taagan, laakiin marka ay isku soo muruxsadaan Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale oo labadooda oo qudhi isku soo hadhaan ayaanu talin doona”.Fu’aad Aadan Cadde oo ka hadlaya in beelaha darafyadu madaxweyne ka noqon karaan Somaliland, wuxuu yidhi “Daahir Rayaale Kaahinba Madaweyne ayuu Somaliland ka ahaa, markaas in Nin Dhubahante ahi uu dalka Madax ka noqdo cid u diidaysa ma jirto, Dhulbahante si yar oo fudud ayaa loo dooran lahaa, ee cid u diiday ma jirto, markaas anigu waxa aan qabaa in mid anaga ah oo Lacag badan haysta haddii uu yimaado oo fahansan Somaliland in la dooranayo ”
Fu’aad Aadan Cadde mar uu ka hadlaayey Doorashada iyo Komishanka Doorashooyinka ayaa yidhi “Anagu waxa aan jecel ahay in Doorashadu dhacdo, una dhacdo si Cadaalada iyo Nabadgeliyo ku jirto, oo xamaasada laga daayo, si caadiyana loo tartamo oo qofkii helana loo hibeeyo. Guddida Komishanka Qaranka waa la dhaariyey, oo Kitaab ILLAAHAY ayaa la mariyey, waxa fiican in lagu kalsoonado, waa Rag waaweyn, oo Masuuliyiin ah.”
Fu’aad Aadan Cadde oo ka hadlaya maamulka Puntland iyo daandaansigooda wuxuu yidhi “Danbiga oo dhan waxa iska leh Punland, oo dadkoodii oo dhami waxa uu ku nool yahay Kililnka Shanaad, Gaal-kacayo iyo Kililkuna aad ayuu iskugu dhaw yahay, sababta na daba dhigtay ee ay u leeyiihiin Warsan-gali iyo Dhulbahante isku qolo ayaanu nahay waa baabayaga, dambiga labaad waxa iska leh, Garaadada, Garaadaduna iskuma xidhnaa waa Garaadada dhibka wada, markii dawladdii Somaliya burburtay Siyaasiyiintii, Wasiiradii iyo Madaxdii naguma soo noqon,laakiin dadka kale, Madaxdoodii, Mutacalimiintoodii iyo Masuuliyiintoodii wey u soo noqdeen weyna hageen. Dhinaca kale Qurba joogayagu halka ay wax naga tari lahaayeen, ayaa waxa ay noo soo diraan Lacag, oo waxa ay yidhaahdaan dagaalama oo dhinta,oo dad Islaam ah, ayaa hadh iyo habeen la doonaya in la isku kaaya diro, Nin la yidhaahdo Aadan oo aad u fiican ayaa Deegaanka ka dhistay Hudheel la yidhaahdo Xamdi, markaas waxa aan dambiga saarayaa Ragga Majeertan ee Puntland, oo dhib nagu wada”.Fu’aad Aadan Cadde dadka reer Somaliland ee tabashada wada in si nabad ah loo raadiyo loona hadlo ayaa yidhi “Haddii Qof reer Somaliland ahi inaga cadhoodo sida Cali Khaliif Galaydh iyo Ragga la socda iyo sidoo kale Suldaankan la sheegayo ee Ayda galay, in la baadi doono, oo Nabad lagu baadi doono, oo dalka iyo dadkaba la isku keeno ayaa haboon”.Fu’aad Aadan Cadde wuxuu soo jeediyay inaan la aflagaadayn marwada madaxweyne Siilaanyo “Waxa aad mooda in caado aynaan waligeen yeelan inay dalka ka soo baxday, oo Sodoho maynu caayi jirin, markaas anagu Aamina Waris isku dariiqo ayaanu nahay, Dariiqaduna waa muqadas oo iyada ayaa Madax u ah, oo Aabaheed ayaa Madax u ahaan jiray, waana Culimo meesha iskugu tagtay, Cali Jirde ayaa dhaxlay, haddana iyada ayaa dhaxashay, waa la is dhaleeceeya, laakiin caydu waa mamnuuc, in Sodohaha la caayana waa ceeb, Mucaaradaduna inay wax saxdo weeye ee inay wax caydo maaha.”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured