“In Garoomada Somaliland oo dhami wada shaqeeyaan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo aniguna aan Wasiirka ka ahay cid walba waanu ka jecel nahay.”

0
Sunday December 14, 2014 - 18:41:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “In Garoomada Somaliland oo dhami wada shaqeeyaan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo aniguna aan Wasiirka ka ahay cid walba waanu ka jecel nahay.”

    Boorama (xogreebnews.com_Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sharaxaad ka bixiyey Qorshaha Wasaaradiisa ee dib u dhis lagu sameeyo Madaarka diyaaradaha Boorama.Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama (xogreebnews.com_Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sharaxaad ka bixiyey Qorshaha Wasaaradiisa ee dib u dhis lagu sameeyo Madaarka diyaaradaha Boorama.Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa waxa Boorama (xogreebnews.com_Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sharaxaad ka bixiyey Qorshaha Wasaaradiisa ee dib u dhis lagu sameeyo Madaarka diyaaradaha Boorama.Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu arrimahi ku faahfaahiyey mar uu saxaafadda la hadlay, ka dib kormer uu maalintii shalay isaga iyo Xubno Golaha wasiiradda ka tirsan ay ku soo indho indheeyeen Madaarka Boorama oo in mudo ah xidhnaa.
Wasiirka Duulista Somaliland ayaa waxa hadaladiisi ka mid ahaa “ Madaarkani waa madaar soo jireen ah, taariikhi ah, aan ahayn mid aynu maanta yagleelayno, waa Garoon soo jiray, xad sugana lahaa, wakhtiyada qaarna shaqayn jiray gaar ahaan xiliyadii ay Somaliland ka shaqayn jireen diyaaradaha yar yare e Fokorta ah, Garoonkan ka Ceerigaabo, ka Laascaanood iyo ka Burco afartaasiba wakhtiyada qaarkood way shaqayn jireen, maanta Garoonada Somaliland ee aan wasiirka u ahay oo Todbada ka kooban waxa shaqeeya laba oo kaliya sababta ugu waynina runtii waxay salka ku haysaa, waa laba Garoon ee dhabadoodu ay sibidhka ahayd, shantii ciida ahaydna ma shaqeeeyaan, waxana weeyaan diyaaradihii yaryaraa ee ka dagi karayey ayaa xajmigooda ayaa sayladii iyo suuqii ka baxay, taasi waa xaqiiq. Garoomadeenu waxay u baahan yihiin in sibidh laga dhigo, si ay u wada shaqeeyaan, Garoonkanina waa mid muhiim ah, Wasaaraduna waxay leedahay qorshe iyo ku talagal oo ka turjumaya waaqaca, tamarteena dhaqaale iyo Muhiimada, mudnaanta iyo kala horumarinta, waxa laga yaabaa in dad badan markay erayadaas maqlaan inay dad war xumo tashiil ah ama dad meel iska xoqaya ay hadaladaan xumeeyaan.”“ Si saraaxad leh runtii ayaa u cabirayaa waayo waxani waa waxaan masuulka ka ahayn, wuxuu yidhi “ Fule kaa Guul jecel,” in Garoomada Somaliland oo dhami wada shaqeeyaan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo aniguna aan Wasiirka ka ahay cid walba way ka jeceshay, Somaliland libteeda iyo sharafteedaba waanu jecel nahay, madaarkan sidaas oo kale, bulshada gobolkana inuu dan iyo maslaxad ayaa ugu jirta, taagteena dhaqaale way kooban tahay, dal curdin ah oo yagleel ah baynu nahay, dal aan aqoon si haysan oo aan dayn qaadan Karin ayeynu nahay, waxaynu helnaa waa wax kooban markaas waxeenaa kooban inaynu u samaysano qorshe waa lagama maarmaan.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena in taasi ku daray “ Qorshaha Wasaaradu waxa weeyey, labadii Garoon ee sibidhka ahaa, oo wax Caalami ah aynu lahayn Madaarka Berbera ee ay dhiseen Maraykanka iyo Ruushku, oo ahaa garoon adag, dib u habayn ayaanu ku samaynay, waxana aanu u isticimaalaynay inay diyaaradaha dunida ka imanayaa inooga soo dagaan,Garoonkii labaad oo ka Hargeysa ah oo isna uu Ingiriisku sameeyey 1958-kiina waxaanu adkaynay maadaama, wakhtigaas hore diyaarada yaryar loogu tallo galay, Runwaygiisana inaanu dheerayno ayaanu doonaynaa, waxaanu muhiimad u arakaynay Garoonkii caasimada iyo kii asalka ahaa ee aynu lahayn inayn u labdaas dhisno, ma ahayn macnaheedu markaas, Laascaanood ayaan la danayneyn, Ceerigaabo ayaan la daneyn Boorama ayaan muhiimad xanbaarsanayn, Burco ayaa muhiin ahayn, Xaasha Lilaah, ma ahayn sidaas, ninkuna markuu Ubadkiisa wax u qaybinayo siduu u kala horaynayo ee uu wax u kala siinayo, waxay xanbaarsan tahay xikmad Cadaaladdna waa inay salka ku haysaa.”“ waxaanu samaynay waa labadii Garoon ee hore, waxan aanu wax ku darnayna waa Garoonka Burco, oo sidan kan aynu maanta joogno iiga muuqata ka fuul xamaa, oo la qaybsaday guryo laga dhigtay lana dagay, kaas cagaf ayaanu marinay dhulkiina waanu soo celinay.
Markaan u imaado maanta Garoonka Boorama, Wasaaradan waxa u qorshaynsayn Bulshada reer boorama waxaanaan hayn been uga sheegno mayno, waxaanu hayno oo aanu qaban karana ka hagran mayno, Garoonkani wuxuu u baahan yahay in la sugo xadkiisa, in la baneeyo dhulkiisa la boobay, mana socon karto in dhulkiisana la baloodhaysto Reer Booramana ay Garoon ku taamaan, Masuuliyada anaga na saran, ee Golaha deegaanka ee Duqu uu madaxda ka yahayna saaran ee bulshada saran waa inay dhulkiisa ilaalino, Garoomada qorshe dheer oo ilaa 50 sano ah ayaa loo sameeyaa, waxaynu u baahan nahay inay qorshahaas dajino.”Mudane Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay qorsha Wasiiradiisa ee wax ka qabashada Madaarka Boorama waxaanu yidhi “ Ugu horayn waxaanu Garoonka ku samayn doonaa, xadayn waxa ii muuqata in Garoonka lagu soo durkay, hada Khariiradii lay tusayey sida ka muuqata, 85 Mitir ayaa xaga dambe Runwayga laga soo galay, xaga horena 165 midna ma soconayso, ugu yaraan waa in 300 Mitir Runwayga loo jiraa dhiancyada, labada meelood ee laga soo dago lagana kaco waa inaan masaafo wax laga dhisin. Waxaan balan qaadaya inaan soo diro Khuburo ka socda Wasaaradda Duulista iyo Haya’ada ICAO, wakhti dhaw, waxaanu kaashan doonaan Golaha deegaanka iyo Wasaaradda hawlaha Guud, waxana aynu samayn doonaan xad sugan oo garoonkani uu leeyahay, oo caalami ah oo la yaqaan, waa la calaamadin doonaan, ka dibana Map ayaa la samaynaynayaa markaas ayaa lagu lifaaqayaa Wareegto, Maayarka, Badhsaabka iyo Wasiirka hawlaha Guud ayaa saxeeeya, ka diba Madaxweynaha ayaa Digreeto ku soo saaraya, marka taas la sameeyo waxa la samayn doonaa Kaabado adag oo aan la dumin Karin aynu samayno, waa talaabada Labaade.Arrinta sadexaad waxa weeyey in sanadkan 2015-ka aynu Silig adag oo xayndaab ah aynu Garoonka ku wareejino dhamaantiis oo uu noqdo Garoon xafidan, oo ay reer Booramana isku war-galinayaam inaan Baabuur dambe lagu baran doonin, kubadna lagu ciyaari doonin. Waxa intaas wehelinaya inaynu nadiifino iyo Salixid iyo wixii kale ee laga qaban karo aynu ka qabano, wakhtigan dhaqaale uma hayno inay sibidh ka dhigno, Garoomada sibidhka laga dhigo ee la bilaabayo agabkiisna cusub yahay, marka Terminalka laga saaro Runwaygiisa oo kaliya ayaa 10 Milyan oo Dolllar ah, markaas wax sahlan maaha, waxa aanu hubno inaanu idin qaban karnaa waa waxaas aan idiin sheegay, waa wax waanu ku guulaysan karo, waana wax aynu ka wada shaqayn doono, Wasaaradda Duulistuna waa u bud dhig, Garoonka Burco ee aanu Siliga ku samaynay sidaas oo kale ayaanu u samaynay, Bulsho yar ayeynu nahay, waxa mudan in muhiimadeena aynu kolbna meesha u mudan xooga saarno.”Ugu dambayntiina Wasiirka Duulista Somaliland ayaa baaq u diray shacabka ku dhaqanka Gobolka Awdal waxaanu yidhi “ Waxaan leeyahay bulshada reer Boorama, waxa inaan hawshaas nagala shaqyasaan nagu garab gashaan, sidaas ayaan rajaynayaa, balankeenu waa inay danta Guud ka horumarinaa danta gaarka ah, marka dhulka la banaynayo maaha wax sahlan marka dhulka la banaynayo Geesino iyo Naf hurid ayuu u baahan yahay, waxaas aynu maanta ka hadlayno ee aynu leenahay Garoonkii lama dhisan, bari rag badan ayaa kici doona marka marka aynu taabano, Ninkii wuxuu yidhi “ Waa markii Gaashankaygu uu igu soo kogi jiray”, waxa iman doona Culaysyo badan, Waraaqo badan oo la bixiyey ayaa ka kac noqon doona, wixii sharci ah dhul badal ayey xaq u leeyihiin, Laakin dhul ay dawladi lacag ka celinayaa ma jiro Hargeysana kamaanu celin, Burcana kamaanu celin 2 300.000 Mitar ( Laba Milyan iyo Sadex boqol oo Mitir ) ayaanu banay oo maanta marka qiimahiis ala eego u dhigna 50 Milyan oo Dollar, Cabdoo Badhasaab ayuu xiligaas ka ahaa, Hargeysana Afar Milyan oo Mitir isku wer ayaanu banaynay, maaanta dhulkaasi wuxuu u dhigtaa laba boqol oo milyan oo dhulka Masalaha ah, nin dhisme iyod aar leh mooyaane shilin kaamnu celin, halkan waa sidaas oo kale, waa al banyan doonaa kii Seestay iyo kii Ood dhigtayba, danta guud ayaa ka horaysay danta Gaarka ah, dadweynaha iyOS axaafadana waxan leenahay aynu hawshaas ka wada shaqayno.” Ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured