Dagaal Sababay Dhimasho oo ka Dhacay Ceerigaabo, Mudahaarad Gil-gilay Boorama Iyo Dad Siyaasad Loogu Xidhay Burco+Doorkii Wasaaradda Daakhiliga ee ilaalinta Nabad-gelyada Iyo dejinta Xaaladaha Maxaliga ah oo Meesha ka Baxay

0
Sunday December 14, 2014 - 18:38:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Sababay Dhimasho oo ka Dhacay Ceerigaabo, Mudahaarad Gil-gilay Boorama Iyo Dad Siyaasad Loogu Xidhay Burco+Doorkii Wasaaradda Daakhiliga ee ilaalinta Nabad-gelyada Iyo dejinta Xaaladaha Maxaliga ah oo Meesha ka Baxay

    Hargeysa(xogreebnews.com_Dhacdooyin ka dhan ah Nabad-gelyada dalka oo qaarkood dhaliyeen Khasaare nafeed, ayaa ka kala dhacay Gobollada Awdal iyo Sanaag saddeed iyo afartankii Saacadood ee laga soo gudbay. Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintay laba kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Dhacdooyin ka dhan ah Nabad-gelyada dalka oo qaarkood dhaliyeen Khasaare nafeed, ayaa ka kala dhacay Gobollada Awdal iyo Sanaag saddeed iyo afartankii Saacadood ee laga soo gudbay. Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena waxa Hargeysa(xogreebnews.com_Dhacdooyin ka dhan ah Nabad-gelyada dalka oo qaarkood dhaliyeen Khasaare nafeed, ayaa ka kala dhacay Gobollada Awdal iyo Sanaag saddeed iyo afartankii Saacadood ee laga soo gudbay. Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo iska hor-imaad laba maleeshiyo beeleed ku dhex maray Deegaan lagu magacaabo Dhabeeda oo hilaadii 30-KM dhinaca Koonfur kaga beegan Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Iska hor-imaadkan ayaa ka dhashay muran dhul-daaqsimeed oo u dhexeeya laba Deegaan oo halkaasi wada dega, kaasoo in muddo ah soo jiitamayay, balse markii ugu horaysay gacan ka hadal ku dhex maray dhinacyada isku haya. “meesha lagu dagaalamay waa meel dhul-daaqsimeed ah oo ka tirsan Dooxada Dhaabeeda, hal qof ayaa ku dhintay, dhaawaca warar kala duwan ayaa soo baxaya laakiinse war sugan lagama hayo, labadii maleeshiyo ee dirirtu dhex martayna waxa kala dhex galay Ciidanka Qaranka oo xalay (Habeen hore), meesha gaadhay”sidaasi waxa khadka Taleefoonka ee Magaalada Ceerigaabo ku soo wariyey Wariye halkaasi ku sugan.Wararkii ugu dambeeyay ee laga halayo goobta labada Maleeshiyo ku dagaalameen ayaa sheegaya inay xaaladu degentahay, inkasta oo ay Ciidamadii labada dhinac is-horfadhiyaan ciidamo ka tirsan Milateriga Somaliland kala dhex fadhiyaan.

Geesta kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada toona oo la xidhiidha dagaalkan khasaaraha sababay ee duleedka Ceerigaabo ka dhacay, hase ahaatee wararka naga soo gaadhay Magaalada Ceerigaabo waxay intaasi ku darayaan in dagaalku uu dhacay xilli uu Badhasaabka gobolku ku soo maqnaa dhanka Hargeysa, isla markaana uu xalay dib ugu laabtay Gobolka si uu xaaladan u waajaho.Mudaharaadka Boorama Geesta kale, Mudaharaad xooggan ayaa shalay arroornimadii gilgilay magaalada Borama ee xarunya Gobolka Awdal, kaasoo ay isugu soo baxeen dad taageero u muujinayay Suldaan ka mid ah Madaxdhaqameedka Gobolkaasoo dhawaan ku dhawaaqay inuu Falaago ka soo horjeeda Somaliland ka aasaasey Deegaamada Galbeedka Gobolka.Boqolaal dhalinyaro u badan oo ku dhawaaqayay Hal-kudhigyo Dawladda ay kaga soo hor-jeedaan ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada, halkaasoo kaga hor-tageen Ciidamo Milateri iyo Boolis isugu jira oo rasaas kala hortagay dibad-baxeyaasha.
Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay Mudaharaadkan oo ilaa Salaadii Duhur ee shalay ka socday gudaha iyo Xaafadaha Magaalada oo ay is-caydhsanayeen Dadka dhigayay iyo Ciidanku, iyadoo inta la ogyahay aanay jirin dad loo xidh-xidhay abaabulkiisa iyo cid ciidanku gacanta ku dhigeen intii uu socday.
Dhanka kale, Dad goob-joogeyaal ahaa markii Mudaharaadku socday ayaa Wargeyska Yool u xaqiijiyey inay Askartu Rasaasta hoos ugu dhigayeen dadka rayidka ah, wallow aanay cid ay ku dhacday jirin.
Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir oo Magaalada Boorama lagu soo dhaweeyay iyadoo ay rasaas iyo dhaguxu isweydaaranayaan, ayaa xaallada ka aloosan guud ahaanba Gobolka walaac ka muujiyay, waxaanu si cad u sheegay inay gef iyo guluf ku tahay Ciidanka la dul-dhigay Shacbiga Gobolka, loona manjaro habaabiyay xalinta xiisada kacsan.
“ waxaan leeyahay xukuumad ahaan umay baahayn arrintu Gobolka ciidankan faraha badan ee la keenay, waxay baahantahay wada hadal, oo waa in wadahadal lagu xaliyaa, marka wadahadalka waxba ka soo bixi waayaan ayaa wixii duruuftu kalifto in looga wareego ay tahay, laakiinse arrintaa ciidamadu sida iiga soo baxaysa dareemada culaysbay shacbiga ku tahay, umaanay baran shacbiga gobolku”ayuu yidhi Cabdoo Axmed Aayir.Waxaanu intaasi ku daray “waxaanan u arkaa in arrinka Gobolku Miisaankii lagaga howl geli lahaa aanu lahayn, howshaana waxa gacanta ku haya wasiirradii xukuumadda iyo deegaankii uu Suldaan Wabar ka soo jeeday”ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye Cabdoo oo shalay markii qalalaasuhu ka aloosnaa Magaalada Boorama isna lagu soo dhaweeyay halkaasi oo safar dibada ah kaga maqnaa.Wakiilka Jiidali ee la xidhay
Docda kale, Ciidanka Booliska ee Magaalada Burco ayaa Shalay Xabsiga u taxxaabay Gudoomiyaha Ururka Jiidali ee Gobolka Togdheer C/samad Axmed Boon , kaasoo abaaro 11 kii barqanimo ee shalay laga qabtay gudaha Magaalada Burco.
lama oga sababta xadhigiisa ka dambeysa, hase ahaatee Gudoomiyaha markii Boolisku raadinayeen saxaafadda qaarkood la soo xidhiidhay ayaa sheegay in amarka xadhigiisa uu soo bixiyay Maayar ku-xigeenka Degmada Burco Muxumad xasan Jaamac (Xoday), waxaanu intaasi raaciyay inaanu wali war u hayn sababta xadhigiisa.
Sarkaalkan Gobolka Togdheer u qaabilsanaa Dallada Jidaali ayaa lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Magaalada Burco, halkaasoo markii ugu war dambeysa la geeyay.
Doorkii Wasaaradda arrimaha gudaha oo meesha ka baxay
Si kastaba ha ahaatee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha madaxdeeda ugu saraysa iyo Hay’addaha kale ee nabad-gelyada qaabilsan oo la xidhiidha banana-baxa ka dhacay Caasimada Gobolka Awdal iyo iska hor-imaadka Bariga sanaag ka dhacay iyo xadhiga Wakiilka Jiidali ee Togdheer, iyadoo aanay xataa dhaqdhaqaaqyada lagula tacaalayo shaqaaqada Gobolka Awdal wax kaalin ah oo muuqata ku lahayn Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo ku-xigeenkiisa Cali Axmed Cali oo aan xataa nuurigoodu meel uu marayo Warbaahinta laga arkin.
Waxaanay taasi daliil cad u tahay habacsanaan maamul oo bariinsatay Shaqadii Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga gudaha qaabilsanayd, oo doorkeedu ahaa inay ugu yaraan hogaamiso dejinta xiisadaha Maxaliga ah ee gobollada dalka qaarkood ka aloosan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured