Suldaan Wabar Oo Cajalada Hanjabaad Ah Soo Diray “Waxaan Haystaa Cudud Ka Awood Badan Somaliland,…..Halaga Soo Saaro Ciidanka Qaranka Sool Iyo Sanaag”.“waxaan la yaabahanay halkii ay naga dul qaadi lahaayeen Ciidanka ayaa waxa la soo dhoobay ciidan kale oo aad u tiro badan…… lafihiina haku waayina dagaal aad kaga dhimanaysaan waalidiintii idin dhashay iyo carruurihiina”.

0
Saturday December 13, 2014 - 18:38:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Wabar Oo Cajalada Hanjabaad Ah Soo Diray “Waxaan Haystaa Cudud Ka Awood Badan Somaliland,…..Halaga Soo Saaro Ciidanka Qaranka Sool Iyo Sanaag”.“waxaan la yaabahanay halkii ay naga dul qaadi lahaayeen Ciidanka ayaa waxa la soo dhoobay ciidan kale oo aad u tiro badan…… lafihiina haku waayina dagaal aad kaga dhimanaysaan waalidiintii idin dhashay iyo carruurihiina”.

    Borama(xogreebnews.com— Suldaankii Reer Awdal ee Duurka Ciidan beeleedka la galay Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar ayaa shalay canjalad muuqaal ah oo laga soo duubay uu dawlada iyo Shacabka reer Somaliland ugu hanjabay in hadii ciidanka laga qaadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Borama(xogreebnews.com— Suldaankii Reer Awdal ee Duurka Ciidan beeleedka la galay Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar ayaa shalay canjalad muuqaal ah oo laga soo duubay uu dawlada iyo Shacabka reer Somaliland ugu hanjabay in hadii ciidanka laga qaadi waayo ay ka dul barooran
Borama(xogreebnews.com— Suldaankii Reer Awdal ee Duurka Ciidan beeleedka la galay Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar ayaa shalay canjalad muuqaal ah oo laga soo duubay uu dawlada iyo Shacabka reer Somaliland ugu hanjabay in hadii ciidanka laga qaadi waayo ay ka dul barooran doonaan Maydadka ubadkooda,waxa uu Xukuumada Somaliland ugu hanjabay inuu haysto cid aanu magac dhabin oo ka cudud roon Somaliland,waxa uu sidoo kale ugu baaqay Dhalinyarta Reer Awdal inay halganka uu buuraha u galay ku soo biiraan,isagoo sheegay in ciidankii Qaranka ee Somaliland dhinac walba ka xigaan halka uu joogay,waxa uu ku cel ciliyay inaan dib loo soo celin waxa uu ugu yeedhay colaadii dawladii Siyaad Bare dhex martay Samaroon iyo Isaaq isagoo Sool iyo Sanaagna Xukuumada ugu baaqay inay ciidamada kala soo baxdo.
Dagaal ooge Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar ayaa ugu horayn waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Mudo hada todobaad iyo badh laga joogo waxan ka hadlay in lanaga qaado Ciidanka Dawlada Kulmiye,waxaana la yaabahanay halkii ay naga qaadi lahaayeen ee codsigaa wanaagsan ee aanu nabada ku codsanay in lanaga qaado ay naga qaadi lahaayeen ayaa waxa la soo dhoobay ciidan aad u tiro badan oo aan loo baahnayn in la soo dhoobo oo dhalinyarada walaalaha ah la isku dilo,Caqli lama keenin Ergana lanooma soo dirin,habayaraatee wax ergo ah oo sharaf lihi ma jirin,halkii ergo laga soo diri lahaa waxa la soo diray ciidamo xoogan oo cago juglayn iyo Hanjabaad dadkana ku leh suldaanka maqan iyo wax garadkaba waanu soo qabanaynaa ama soo qabta leh ayaa la soo diray,magaalo walbana la soo dhoobay”.
Isagoo lahadlaya ciidanka ku xeeran islamarkaana codsaday in laga kor qaado ayaa waxa uu yidhi “Waxaan horta runtii idiin sheegayaa horta nama qab qaban kartiin,imana soo qaban kartiin,laba qolo oo waxaynu nahay isgarab taala,qolo wayna waan haystaa waxay doonto iga celin karta,waxaan mar labaad hadaba dib u codsanayaa,codsi aan baryo ahayn laakiin edaab leh in dhamaan ciidamadaa cusub ee dhulka la keenay iyo kuwii horeba lanooga qaado dhulka beeshayadu ay ku soo dhaqnayd kuna dhaqan tahay kuna dhaqnaan doonto,fool xumo iyo ceeb dhiig ku daatana la inaga ilaaliyo dad walaalo ah oo isgarab deganaan doona oon baynu nahay beelaheena woqooyigu oo Soomaaliyeed ayaynu nahay ceebihii hore ee ina soo maray iyo dhiigagii ina soo dhex maray inaanay dib inoogu soo noqon “.
Suldaan Wabar ayaa waxa uu ugu baaqay Xukuumada Somaliland inay Awdal iyo Gobolada Bariba ka soo saarto ciidanka jooga waxan uu yidhi “dhamaan dhalinyarada ciidamada ku jira si gaar ah ayaan ula hadlayaa,mushahar nafleh ma qaadatiin,lafihiina haku waayina dagaal aad kaga dhimanaysaan waalidiintii idin dhashay iyo carruurihiina oo keliya ayaan askartaa qolo walba ha ahaatee u sheegayaa,dhulka Awdal ee aanu degan nahay nooga baxa ayaanu idin leenahay dadka kale ee Soomaaliyeed ee degan Sool iyo sanaag Bari iyagana dhulkooda ciidamada tuba nee dhiiga badan ku daadiyay ka soo saara ayaan leeyahay,reer wal iyo ciidan waliba uu ku sugnaado degaankiisa uu ku dhashay, la iskana daayo damaca xun ee beeliba beesha kale ay ku doonayso inay ku muquuniso oo ay dhulka ka qaado”.
Waxa uu ugu baaqay shacabka reer Awdal gaar ahaan dhalinyarta inay ka qayb qaataa waxa uu ugu yeedhay halkanka uu buuraha la dul koray waxana uu yidhi “dhamaan shacab Gadabuursi meel walba ha deganaadee gaar ahaan dhalinyarada oo ah aqlabiyada Umada ee hadda inay ka qayb qaataan halganka aynu doonayno inaan ku hagaajisano danaheena iyo horumarkeena ,anigoo ah suldaankiinii fariinta aan idiin sheegayaa waxa weeyaan ma ogoli mana jecli waana ta aan ka halgamayo inan kale oo Soomaaliyeed ama inan kale oo Soomaaliyeed ay idinka sareeyaan oo aad nolosha udaba fadhiisataan,taasi ma dhacayso haday hore u dhacday laga bilaabo hadda,cid inaad si madawnimo ah u dulmidaan oo aad uga saraysaana ma doonayno,hadaba si aad u gaadhaan midhaha halgankiina ugana bislaysataan uguna tashataan dalkiina oo Hodan ah, oo taladiinu gacmihiina ku soo noqoto Halgan wada jir ah oo qurux badan inaad dhamaan kawada qayb qaadataan idinka oo midaysan ayaan idinka doonayaa oo aan idinka codsanayaa”.
Waxa uu sheegay inay jiraan wax garad badan oo ka fikir duwan isaga,kuwaasi isaga oo la hadlaya ayaa waxa uu yidhi “wax garad badan oo waxa jira ka tirsan beelaha Gadabuursi kuwaasi oo shaki badan ku jiro oo aaminay in loo taliyo ayaa jira waxaan leeyahay wax garadkaasi fikirka badela,umada xoole leh ayaa tihiin umad dhul leh ayaad tihiin,baryahan dambe aduunyadu waxay ku talinaysay inay qole waliba ismaamusho,oo ay iska dhawraan uun oo keliya budhcad badeed,argagaxiso iyo Qoxooti yaanu ka soo bixin oo ay dusha uun kawada ilaashadaan Soomaalinimadooda uun ayay aduunyadii ka gayn wayday,wax garadka reer Boorama ee Shakisan waxaan leeyahay cid kuma duulayno waan tashanaynaa,imika waxa la ina gaadhsiiyay heer aynaan wada hadalka miiska ee Soomaalida ee aduunyada dhacaya aydaan ka qayb qaadan Karin,inaad fikir Gadabuursi lagu kala qaybinayo la timaadaan idiin shaqayn mayso”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured