Waa noocee Ra’iisal Wasaaraha ay doonayaan Madaxweyne Xasan Maxamuud iyo kooxdiisa Faallada xogreebnews.com-Muqdisho?!!

0
Saturday December 13, 2014 - 17:45:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa noocee Ra’iisal Wasaaraha ay doonayaan Madaxweyne Xasan Maxamuud iyo kooxdiisa Faallada xogreebnews.com-Muqdisho?!!

    Hargeisa(xogreebnews.com_Tan iyo markii uu Baarlamaanka kalsoonida kala noqday xukuumadda Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed, waxaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia ka socda dhaqdhaqaaqyo iyo shirar gaar gaar ah oo dhex maraya Madaxweyne Xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Tan iyo markii uu Baarlamaanka kalsoonida kala noqday xukuumadda Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed, waxaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia ka socda dhaqdhaqaaqyo iyo shirar gaar gaar ah oo dhex maraya Madaxweyne Xasan
Hargeisa(xogreebnews.com_Tan iyo markii uu Baarlamaanka kalsoonida kala noqday xukuumadda Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed, waxaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia ka socda dhaqdhaqaaqyo iyo shirar gaar gaar ah oo dhex maraya Madaxweyne Xasan Sheekh, siyaasiyiin, hoggaamiyeyaal siyaasadeed, Xildhibaano iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Damul-Jadiid ay ku guuleysteen inay kursiga ka tuuraan Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed, isla markaana lacago fara badan uga baxday iibsashada codadka Mudanayaasha Baarlamaanka oo saddex goor ku guul darreystay in codka kalsoonida loo qaado kaddib ay arrintaasi hirgashay.Mudada labada toddobaad ah ee ka soo wareegatay markii uu Baarlamaanka kalsoonida kala noqday Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed wixii ka dambeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa waxay doonayaan inay soo magacaabaan Ra’iisal Wasaare ka soo bixi kara shuruudaha ay wataan.
Haddaba su’aasha dad badani isweydiinayaan ayaa: “Waa noocee Ra’iisal Wasaaraha ay doonayaan Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa?”, hase yeeshee jawaabta su’aashani ayaa noqotay mid aan lagu degdegi karin, bacdamaa ay kala duwan yihiin rabitaanka kooxda Madaxweynaha, tan Baarlamaanka, mida shacabka Soomaaliyeed iyo rabitaanka beesha caalamka.
Marka hore inta aanan u gelin rabitaanka kooxda ka soo jeeda dhinaca Madaxweynaha ee ku saabsan magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub aan tix raac ku sameeyo sababihii keenay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kursiga ka tuuro Labadii Ra’iisal Wasaare ee soo maray Dowladda Federaalka ee uu Madaxweynaha ka yahay.
Ra’iisal Wasaarihii ugu horeeyay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ee uu soo magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh isaga ridistiisa la iskuma daahin, kaddib markii Baarlamaanka uu cod u qaaday lagu riday xukuumadiisa, waxayna kooxda Madaxweynaha oo tallaabadaani u adeegsaday lacago laaluush ah si fudud ugu guuleysteen inay ridaan dowladdii Saacid oo xilkaasi heysay muddo ka yar hal sano.
Kooxda Damul-jadiid ee Madaxweyne Xasan oo uu hormuud u yahay Faarax Sheekh C/qaadir ujeedada ugu weyn ee ay lahaayeen waxay ahayd inay keenaan Ra’iisal Wasaare siyaasadooda wejiyada badan la jaan qaadi kara.Arrintu si kastaba ha ahaatee Markii la riday xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxaa Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa cadaadis xoogan uga yimid Golaha Baarlamaanka oo iska soo jaray in xukuumadda cusub aan lagu soo dari karin Wasiiradii hore, taasi oo 90% hirgashay, kaddib markii liiska Golaha Wasiirada cusub ee xukuumadda hadda la riday laga waayay inta badan magacyada saraakiil kooxdaasi.Khilaafkii ka soo bilowday ridistii xukuumadii Saacid oo taagan ilaa maanta, saameyn xooganna ku yeeshay Ra’iisal Wasaaraha la riday ee C/Weli Sheekh Axmed oo aakhirkii keentay inuu xilkiisa ku waayo ayaa hadana waxaa soo baxaya dhaqdhaqaaqyo kooxda Madaxweynaha ku doonayaan inay markaan uga faa’iideystaan si ay uga dhex muuqdaan Golaha Wasiirada cusub iyo magacaabista Ra’iisal Wasaare u dhego nugul.Haddaba, nooca uu noqonayo Ra’iisal Wasaaraha ay raalli ka yihiin Madaxweynaha iyo kooxdiisa ayaa haddiiba la helo oo la magacaabo aanay fursadu siin doonin inuu howshiisa guto muddo la’eg wax ka badan shan bil kaddib marka la magacaabo, sababo fara badan dartood, waxaana ka mid ah:-Mucaaradad ka dhalata magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub, kaddib markii siyaasiyiin, xildhibaano iyo hoggaamiyeyaal culeys siyaasadeed leh ay durba walaac ka muujiyeen in xulitaanka Ra’iisal Wasaaraha la soo magacaabayo ay wadato kooxda Damul Jadiid oo kaliya ee aanu ahayn mid ku imaanaya la tashi loo dhan yahay.
Si Madaxweyne Xasan codka kalsoonida Baarlamaanka ugu helo Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo wuxuu ku khasbanaanayaa inuu bixiyo lacago laaluush ah oo ka badan midii uu horay ugu bixiyay ridistii Xukuumadii Ra’iisal Wasaare C/Weli.
Durba waxaa muuqaneysa kahor inta aan la soo magacaabin Ra’iisal Wasaare cusub in Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan ay sameysteen isbaheysi looga horjeedo siyaasadda Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa ay ka wadaan Villa Somalia, iyagoona si cad u sheegay inay badbaadinayaan qaranka Soomaaliyeed oo ay sheegeen inay ku fakri falayaan Madaxweynaha iyo kooxdiisa.Si kastaba ha ahaatee xeel dheerayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa ka welwelsan Ra’iisal Wasaaraha cusub inta ay la’eg tahay mudada uu shaqeyn karayo, bacdamaa Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa mar kastaba laga filan karo isbedello siyaasadeed oo ay ka dhex arkayaan danahooda oo kaliya, balse aanay ka arkin danaha guud iyo maslaxadda dadka iyo dalka, taasi oo sababi karta inay galaafato Ra’iisal Wasaaraha aan weli la soo magacaabin.
Ugu dambeyntii Kooxda Damul-jadiid ee isku ballaarineysa talada dalka waxay waayeen kalsoonida beesha caalamka ay ku qabto, bacdamaa warkii ergeyga QM ee Soomaaliya Nicholas Kay uu waran ku noqday Madaxweyne Xasan isla markaana ka soo saaray war uu ka muuqdo xanaaq isagoo xitaa ku eedeeyay danjiraha inuu faragelin ku hayo arrimaha siyaasadda Soomaaliya (Dudun in la dareensado iyo in la dugaashado iskuma laha) ayaa horay loogu mahmaahday, waxaanse ka war dhowreynaa inta Madaxweynaha uu ka magacaabayo Ra’iisal Wasaare cusub.
idil cabdi warsame muqdisho wakiilka xogreebnews.com-



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured