DAAWO xogreeb Tv ”cabdi raxmaan ciro iyo ku xigeenkiisa oo dalka dib ugu soo laabtay safar ay kaga qayb galleen maalinta shucuubta Ethiopia

0
Friday December 12, 2014 - 18:35:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO xogreeb Tv ”cabdi raxmaan ciro iyo ku xigeenkiisa oo dalka dib ugu soo laabtay safar ay kaga qayb galleen maalinta shucuubta Ethiopia

    Hargeysa(xogreebnews.com_Kadib safar maalmo qaatay oo ay ugu maqnaayeen Dalkka Ethiopia, ayey maanta dalka dib ugu soo laabteen Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Say.com)-omaliland iyo Kuxigeenkiisu, waxana safarkoodu la xidhiidhay ka Qaybgalka Xuska Qoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Kadib safar maalmo qaatay oo ay ugu maqnaayeen Dalkka Ethiopia, ayey maanta dalka dib ugu soo laabteen Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Say.com)-omaliland iyo Kuxigeenkiisu, waxana safarkoodu la xidhiidhay ka Qaybgalka Xuska Qoomiyadaha Ethiopia.
Hargeysa(xogreebnews.com_Kadib safar maalmo qaatay oo ay ugu maqnaayeen Dalkka Ethiopia, ayey maanta dalka dib ugu soo laabteen Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Say.com)-omaliland iyo Kuxigeenkiisu, waxana safarkoodu la xidhiidhay ka Qaybgalka Xuska Qoomiyadaha Ethiopia.
Xuska Qoomiyadaha Ethiopia, ayaa sanadkan lagu qabtay Gobolka Qoomiyadda Benishangul-Gumuz, xaruntiisa magaalada Assosa oo ku yaala Xudduudka Ethiopia iyo Suudaan, waxana si gaar ah loogu casuumay Labada xubnood ee ugu sarraysa Shirguddoonka Golaha Wakiillada somaliland, iyagoo Kulamo gaar gaar ah Halkaas kula soo qaatay saraakiil sare oo Dalka Ethiopia ka tirsan.
Gudoomiye Cirro Oo Madaarka Hargeysa kula hadlay Warbaahinta ayaa ka war bixiyay Socdaalkooda ayaa sheegay in Munaasibadan oo ah mid la wayneeyo sanad walbana la qabto ay ka qayb galeen Dhamaan Madaxda Ethiopia, Killalada iyo Madaxda wadamada Jaarka ah.
“Waxaanu ka qayb galay Xafladdii weynayd oo Ra’isal wasaaruhuna joogay, Ra’isal wasaarahana Salaan sharaf uun baanu ku salaanay iyo masuuliyiintii kale ee goobta joogay, waxa kale oo jiray Masuuliyiin aanu kulamo gooni-gooni ah la qaadanay intii Xafladdaasi socotay iyo intii aanu Ethiopia joognayba, amma Diblamaasiyiin ha ahaadaan ama masuuliyiin wadamada kale ah ha noqdaane. Waxaa naloo soo dhaweeyay si heer sare ah oo heer dawladdeed ah, taasina waxay muujinaysaa sida Xidhiidhka labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Ethiopia u sii kordhayo” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.Gudoomiye xigeenka Baashe Maxamed Faarax ayaa isna ka dareen celiyay Socdaalkooda “Sida Gudoomiyuhu sheegay waxaanu ka qayb galay shirkaas, waxaanuna u mahadcelinaynaa Dawladda Ethiopia si fiican noo soo dhawaysay siiba Baarlamaanka oo nagu sharfay inaanu ka qayb galo Shirkaas, anagoo sanad walbana ka qayb gala oo tii horena Jig-jiga kaga qayb galay, aad iyo aadna waanu ugu faraxsanahay inaanu dalkayaga ku soo noqono.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured