Madaxwaynaha Somaliland Oo Hay'ado Dhaqankeena Ka Tarjumaya Ku Sagootiyey Safiir Ku Xigeenka Ingiriiska Ee Addis-ababa & Doorkii Uu Ku Lahaa Qadiyadda Oo Lagu Amaanay

0
Friday December 12, 2014 - 18:18:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somaliland Oo Hay'ado Dhaqankeena Ka Tarjumaya Ku Sagootiyey Safiir Ku Xigeenka Ingiriiska Ee Addis-ababa & Doorkii Uu Ku Lahaa Qadiyadda Oo Lagu Amaanay

    Hargeisa(xogreebnews.com_Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xafiiskiisa ku qaabiley safiir ku xigeenkii hore ee dalka Britain u fadhiyi jiray Itoobiya oo shaqaddii laga beddelay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xafiiskiisa ku qaabiley safiir ku xigeenkii hore ee dalka Britain u fadhiyi jiray Itoobiya oo shaqaddii laga beddelay.
Siilaanyo ayaa hadiyado iyo astaamaha dhaqanka Soomaalida guddoonsiiyey, isla markaana uga mahad naqay sidii wanaagsanayd ee ay u wada shaqeeyeen mudaddii uu Addis u qaabilsana dalkiisa.
Kulan saacaddo qaatay ka dib waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo safiirkaasi hore Mr Chris Allan.
"Chris Allan waa saaxiib weyn oo Somaliland leedahay., afar sano muddo ku dhow ayuu Somaliland la shaqeynayey, maanta (Shalay) ayaa ugu dambaysa shaqadii uu ka qabanayey Somaliland oo waalla beddelay, halkanna aad baa loogu soo dhaweeyay, aadna waa loogaga Mahadnaqay waxtarkii badnaa ee uu Somaliland la qabtay, waayo Chris Allan waxa uu ahaa nin reer Somaliland ah, aadna wuu noola shaqeeyay, hadday noqoto xagga horumarka, hadday noqoto xagga nabadgalyada” ayuu yidhi, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, oo intaasi ku daray "Aad baanu uga xunnahay inuu naga tagayo oo la beddelay, laakiin waxaanu ku faraxsannahay inuu dallacay, waanuna u ducaynaynaa inuu ILAAHAY meel wanaagsan geeyo, waayo si weyn ayuu dadka reer Somaliland ugu hiiliyey meel kasta oo uu joogo, abaal-kiisana ma ogi karno, inkasta oo xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriisku yahay mid qadiim ah, waynu u dagaalanay Ingiriiska oo nafteena ayaynu u hurnay, adiguna aad baad noola shaqeysay (Chris Allan) oo aad baad qadiyaddayada u iibisay”
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo soo tabinaya hadalladii uu Madaxwaynuhu ku yidhi safiir ku xigeenka Ingiriiska ee la beddelay ayaa sheegay "Chris Allan waxaanu ku nidhi waxaanu doonaynaa inaad Somaliland u noqoto safiir meel kasta oo aad tagto oo aad qadiyadda dadka reer Somaliland ka iibiya caalamka” ayuu yidhi.
Safiir ku xigeenka Ingiriiska, Mr. Chris Allan oo isaguna halkaasi ka jeediyay hadal kooban ayaa yidhi "Waan ka xumahay inay maanta tahay maalintii ugu dambaysay ee Somaliland u imaado shaqada laga beddelay, laakiin waxaan rejaynaynaa in aanu noqonin booqashadeydii u dambeysay ee aan Somaliland ku imaaddo. Waayo Somaliland waxaan ku leeyahay saaxiibbo badan oo aan ka faa’iidey khibrad la xidhiidha noloshayda, sidaa daraadeed waan sii ahaan doonaa saaxiibka Somaliland”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured