Dalada Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO Oo Noqotay Mid Lagu Cuno Xoolaha Iyo Mashariicda Loogu Tala Galay Dhalinyarada–

0
Thursday December 11, 2014 - 19:05:11 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalada Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO Oo Noqotay Mid Lagu Cuno Xoolaha Iyo Mashariicda Loogu Tala Galay Dhalinyarada–

    Hargeisa(xogreebnews.com_dalada dhalinyarda Somaliland ee SONYO oo noqotay meel Lagu Kala gooyo dhalinyarada Somaliland taasi oo ay dheertahay in lagu cuno malaayiin dollar oo ay dhalin yara aad u badan oo hada ku naf waayay badaha liibiya iyo jidka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_dalada dhalinyarda Somaliland ee SONYO oo noqotay meel Lagu Kala gooyo dhalinyarada Somaliland taasi oo ay dheertahay in lagu cuno malaayiin dollar oo ay dhalin yara aad u badan oo hada ku naf waayay badaha liibiya iyo jidka u dhaxeeya hargeisa iyo liibiya loogu talo galay.
Hargeisa(xogreebnews.com_dalada dhalinyarda Somaliland ee SONYO oo noqotay meel Lagu Kala gooyo dhalinyarada Somaliland taasi oo ay dheertahay in lagu cuno malaayiin dollar oo ay dhalin yara aad u badan oo hada ku naf waayay badaha liibiya iyo jidka u dhaxeeya hargeisa iyo liibiya loogu talo galay.
Dhalinyaro aad u badan oo aan maanta kula kulmay badhtanka Magaalada hargeisa ayaa ii sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen,Maxamed xuseen axmed waa mid ka mid ah dhalinyarada reer Somaliland gaar ahaan dagan Magaalada hargeisa kaasi oo ii sheegay in uu ka soo hor jeedo dalada dhalin yarada ee SONYO waxaanu ku tilmaamay Dab loo soo diray dhalinyarada oo lagu gubayo dhalinyarada.
Laba maalmood uun kadib waxa soo baxay in SONYO si cad u tageertay ajandaha iyo waliba Wadooyinka Xukuumada taasi oo ahayd mid aan loo diray waxaany ma tashaa Dhalinyaro boqolaal kun kor u dhaafay,madaxweynaha jamuuriyada Somaliland oo laba maal mood ka hor xadhiga ka jaray dhismaha daar aad u qurxoon oo loo dhisay Daldani,hase ahaatee waxa ayaan daro weyn ay bulshadu ku tilmameen in ay noqonayso Daar Lagu Cuno laguna cidhib tiro Wax kasta oo dhalinyarada reer Somaliland ah u dan ahaan lahaa.Magaalada hargeisa waxa maanta lagu soo gabagabeeyey shirweynaha dhalinyarad Somaliland kaasi oo mudo laba maal mood ah ka socday hotel guuleed ee magalada hargeisa balse waxa fajac iyo waliba ama kaag weyn ku noqday Dhamaan bulshadii halkaasi ka soo qayb gashay oo ay la yaabeen,Fanaaniinta xidigaha geeska oo halkaasi ku soo bandhigayey Heeso cusub iyo waliba xukuumada oo si cad u waday Kaambayn ay ku doonaysay in ay dhalinayradu u dhaga nuglaato saaxada siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye balse SONYO oo kala garan weyday ajandaha iyo qorshaha uu daaranaa Shirweynahani loogu talagalay dhalinyarada.Saacado badan oo aan ku sugnaa goobta ay xafladu ka dhacaysya ayaa waxa ii muuqday ciyaal aad u yar yar oo laga soo buux dhaafiyey madhasha iyadoo aanay haba yaratee ka soo qayb galin dhalinyarada gobolada SANAAG,SOOL,BADHAN,DAADMADHEEDH, waxaana lagau soo badalay ciyaal laga soo majaro habaabiyey goobohoodii wax barasho.
Daladani dhalinyarada heer qaran ee SONYO oo ah mid ay bulshada yar iyo weyn ay ka soo horjeedaan ayaa waxa ay ku beegantahay xili ay dhalinyaradii iyo waliba cududii Somaliland ay ka holeeleen guud ahaan dalkoogii hooyo iyagoo ku naf waayey jidadka iyo waliba badaha ay ku gaadhaan wadamada yurub kuwa Ale nabad geeyaana ay gaadhaan iyagoo tacadi badan la kulmay.
Maaha markii ugu horaysay ee warbaahinta kala duwan ee Somaliland ay warbixin noocani ah ka qoraan balse waxa sii weeqaya sumcadii ay ku lahayd Dalada SONYO guud ahaan Dhalinyarada Somaliland.
Cumar C/Risaaq Cali
Hargeisa Desk



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured