YAXAAS: Habar Dugaag Iyo Hogaamintii GAANNE Qallinkii Muuse Faarax Jaambiir: Duqda Qoyskaa Aw Kale Ku Tidhi, Adba AAYO U Bax, Ninkii Fuuli Ogaa Wuu Maqanyay!

0
Thursday December 11, 2014 - 18:50:06 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    YAXAAS: Habar Dugaag Iyo Hogaamintii GAANNE Qallinkii Muuse Faarax Jaambiir: Duqda Qoyskaa Aw Kale Ku Tidhi, Adba AAYO U Bax, Ninkii Fuuli Ogaa Wuu Maqanyay!

    KABBUUBYO: Tallanka Iyo Haasaawaha Burgal Iyo Saxardiid Had iyo jeer waxaan isku canaantaa beri sidaa ha yeelin, hadana ma daayo oo sidii baan falayaa. Waxaan naftayda kula dardaarmaa mar danbe si khaldan ha u fadhiisan, misana iskama karo oo markaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KABBUUBYO: Tallanka Iyo Haasaawaha Burgal Iyo Saxardiid Had iyo jeer waxaan isku canaantaa beri sidaa ha yeelin, hadana ma daayo oo sidii baan falayaa. Waxaan naftayda kula dardaarmaa mar danbe si khaldan ha u fadhiisan, misana iskama karo oo markaan kicis maago
KABBUUBYO: Tallanka Iyo Haasaawaha Burgal Iyo Saxardiid Had iyo jeer waxaan isku canaantaa beri sidaa ha yeelin, hadana ma daayo oo sidii baan falayaa. Waxaan naftayda kula dardaarmaa mar danbe si khaldan ha u fadhiisan, misana iskama karo oo markaan kicis maago ayaan lugaha mid waayaa, ama labadaba waayaa, cabaar kadibna way ii soo noqdaan oo waxaan awoodaa in aan talaabsado. Bartaasaan hadana, talan iyo tashi aan iskula faqayo ka bilaabaa, oon idhaahdaa maanta kugu dhacdaye, beri ka digtoonow. Balse afeeftaasi halkaa ilama sii dhaafto, adkaysi danbena ma lihi oo markay igu dhacdo waa ii calaacal. Sidaa daraadeed, haatan waxaan u muuqdaa caadayste aan fadhi xumada iska dayn karayn, fool xumona ku darsaday, oo la qabsaday kabuubyadda lugaha.
Laakiin dhibaato taa ka daran ayaa soo korodhay. Tii luguhu waa sahaalo, madax kabuubyooday, Tallo kabuubyootay, kabuubyo hunguri, kabuubyo…kabuubyo….
Haday soo korodhay maxaa adiga kaa galay?, Ma keligaa bay ku haysaa?, waar dadkaaga dhinac ka raac waxay qabaanna la qab. Maya, sidaasi xal maaha, dadkuna wax uma wada jeedo, wax u sheeg buu u baahan yahay, aragtida looma sinna, waajib baa ku saaran….keligii baa isla hadlaya, iswaydiinaya oo isu jawaabaya, garaadkaa xadantoonaya, dareenkaa damqanaya, daymo fog buu wax ku eegayaa. In ula jeedda oo la aragta iyo wadar ka diimoonba dadku waa leeyahay. Qofba meel buu ugu jiraa bulshadiisa, oo Ilaahay u qorsheeyay, Bartuu ugu jiray ayay ka goblantay, taasaa gubaysa.
Isla hadalku waa u dabeecad, maangaabku se nin waalan bay u arkaan. Magaciisu waa Saxardiid, isagoo talankaa ruuxdiisiyo naftu ku dhex loolamayaan ku jira, ayaa Burgal oo ay deris yihiin guriga ku soo garaacay. Kuye. waa Burgal ee adeer iga fur. Saxardiid intuu kacay ayuu ka furay, soo dhaweeyay, fadhiisiyay koob Shaaha oo diirrana ku sooray. Burgal wuxuu xidhnaa macawis iyo shaadh madow, cumaamad wayna degtuu ku sitaa. Waa hogaamiye dhaqan oo isagu is doortay, is caleemo saaray, xaasha, ciddi isuguma iman isaga. Marka cid muraad qaloocan lihi wax u diranayso, calooshaa lagala hadlaa, waa halkaa garaadkiisu. Keli kuma aha ee noociisu waa badan yihiin. Waa qayb ka mid ah doorsoonka ku dhacay umadda.
Saxardiid iyo Burgal waxa dhex martay sheeko xiiso leh, oo tusaale u ah waqtiga iyo garshada. Intii aan haasaawuhu u bilaabmin ayaa Burgal oo waxoogaa caloosha laga hayay ku tiraabay, “Adeer beryahan calool qushqush iyo daacaa qudhun baa nafta ii keenay. Dadkaba ag fadhiisan kari maayo oo waan ka durkayaa”. Intaa markuu yidhi ayaa Saxardiid u jawaabay oo ku yidhi, “Maantoo dhan waxaan ka fekerayay sidii bulshada looga daawayn lahaa fayraska xannuunadaa dhaliya. Waayo, keligaa maaha ee dadka wuu ku badan yahay, waxaanuu yimaadaa marka qofku wax kastaba afka geliyo, ee uu caloosha waxba ka dhawri waayo, xaaraan iyo xallaalna kala garanwaayo”. Halkaasaa sheekaddoodu ka sii tafantay, ka sii socotay, Saxardiid ayaa hadalka sii watay oo waydiiyay Burgal, Adeer halkaynu ku soconaa?.
Burgal: cajab, tollow wiilku ma xanuunsan yahay. Adeer waynu fadhinaa ma inagaa soconaba.
Saxardiid: imaad fahmin, waxaan uga socdaa, taladdeenu jihaday u socotaa?
Burgal: ka dar oo dibi dhal, oo ma tallaynu wadaagnaa.
Saxardiid: ta guudna..
Burgal: dawladdaa garanaysa.
Saxardiid: haddaa maalin dhawayd oo aad TVga ka hadlayseen adiga iyo odayaal kale, sawdinkii lahaa qaranku wuu talaabsaday oo horuu u socdaa.
Burgal: ba,a, dee waa run, horuu u socdaa, haddaa ma dib buu u socdaa?.
Saxardiid: dee markaa hore ha u socdee jihaddee u socdaa?.
Burgal: dhega! dee taa garan maynee waa naloo garanayaa. Anaga intaa dhaha uun baa nala yidhee, jihadda nalooguma darin.
Saxardiid: yaa idiin garanaya?.
Burgal: waa laguu yaqaan.
Saxardiid: yaa kuu yaqaan?.
Burgal: anigaa kuu aqaan.
Saxardiid: mid kale haddaan ku waydiiyo ka waran.
Burgal: soo daa, rag waa kii sheekaystee.
Saxardiid: waxaad u baahantay, ubadkaagu u baahanyay, gurigaagu u baahanyay, deriskaagu u baahanyay, bulshadoo dhami u baahantay ma garanaysaa?.
Burgal: jaw iyo naw! Qoyskaygu wuxuu u baahanyay Bariis, Baasto iyo Sonkor, wixii soo raacana islaantaydaa garanaysa kow dhe. Umadda iyo deriskana aniga maxaa iga galay, dee mooyi waxay u baahanyiin, iyaga waydii.
Saxardiid: intaa calooshaa garanaysa, ee wax kale ma ku daraysaa?
Burgal: haa, biyo, gaadhi,lacag, intaa haddii la helo ma wax baa hadhay. Wixii kalena waa naloo garanayaa.
Saxardiid: yaa idiin garanaya?.
Burgal: waa laguu yaqaan!. La soco cadadka dambe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured