Ururka Wadaanigga Ah Ee Vosomwo Oo Maanta Si weyn U Xusay Maalinta Xaquuqda Aadamaha,Sheegaynaa Inay Isbedel La Taaban Karo Ay Somaliland Ka Gaadhay Hawlaha Xaquuqal Insaanka.

0
Wednesday December 10, 2014 - 18:22:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Wadaanigga Ah Ee Vosomwo Oo Maanta Si weyn U Xusay Maalinta Xaquuqda Aadamaha,Sheegaynaa Inay Isbedel La Taaban Karo Ay Somaliland Ka Gaadhay Hawlaha Xaquuqal Insaanka.

    Hargeisa(Xogreebnews.com_ maanta oo ay ku began tahay maalinta xaquuqda aadamaha lo qoon-deeyeey,oo ah 10 Decenber, waxaa sannad walba Somaliland laga xusaa munaasibado lagaga warbixiyo wixii sannad kaas dhacaa. Ayaa waxaa maanta maagalada hargeisa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(Xogreebnews.com_ maanta oo ay ku began tahay maalinta xaquuqda aadamaha lo qoon-deeyeey,oo ah 10 Decenber, waxaa sannad walba Somaliland laga xusaa munaasibado lagaga warbixiyo wixii sannad kaas dhacaa. Ayaa waxaa maanta maagalada hargeisa,

Hargeisa(Xogreebnews.com_ maanta oo ay ku began tahay maalinta xaquuqda aadamaha lo qoon-deeyeey,oo ah 10 Decenber, waxaa sannad walba Somaliland laga xusaa munaasibado lagaga warbixiyo wixii sannad kaas dhacaa. Ayaa waxaa maanta maagalada hargeisa, ka dhacay munaasibad ay soo qaban qaabisay hay’ada wadaniga ah ee Vosomwo,kaaso lagau qabtay Huteel Dalxiis ee caasimadda kulankaas oo ay kasoo qayb galleen culimo aw diin,salaadiin,wax-garad qaybaha bulshada oo dhan masuuliyiinta ururka , ugu horreeyn waxaa goobtaas ka hadlay agaasimaha ururka Vosomwo,cabdi samad cumar sheikh cabdi raxmaan. Kaaso si weyn ugu dheeraaday sidii loo dhiri gelin lahaa sinaan-shah ummaadeed iyo is dhex galka bulshadda.

Waxaa kale oo cabdi semad sheegay in illaahay aadamah uu ummay si isku mid ah, leeyihiinna xaquuq siman xagga rabbi.waxaana uu yidhii agaasime cabdi semad,m”aalintani waxaa lo asteeyey 365 maalmood maalin waliibana waxaay aadamaha uu leedahay, sumad gaar ah,qarniyo badan ka hor markii ilaahay uummay abaheen aadam, waxaa uu ka sameeyey dhoobo, waxaana u aduunka korkiisa ku siiyeey xaquuq isku mid ah ilaahay masharka uu uumay, cabdi samad waxaa uu intaas raaciyeey. Somaliland waxaan odhan karnaa waa uu yaraaday tacaadigu waayo sanad walba waa u is dhimmay tacaadiga Somaliland-na kama jirto cid si gaar ah loogu tacaadiyaa”.

Dhamaan dadkii madashaas ka hadlay ayaa sheegay in aanay jirin tacaadi si gaar ah loogu bar-tilmaamsanaayo beelaha laga tiraadda badan yahay ee Somaliland,balse saami la”aanta ay soomaali oo dhan kala simaan yihiin,suldaan naasir oo ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha gabooye ayaa sheegay in aan beesha uu kaaso jeeddo ee gabooye aanay jirin in loo geysto dil iyo wixii la mid ah,tacaadi si gaar ah loogu bar-tilmaameed saddo.

Suldaanka ayaa yidhii”waxaan maanta halkan ka qirayaa in aanay dhicin oo lo gaysan beelaha gabooye,tacaadi si gaar ah loogu bartilmaameed-saddo,balse waxaa jiraa tacaadi xagga maamulka ah oo u badan shaqaalaha Dawladda iyo saami beeleed, taasi waay iska dhamaan kartaa” ayuu yidhii suldaanku, waxaa kale oo u ku dheeraaday in aan ilaahay xaggiisa ka soconeyn qolo isaaggo arrintaas ka hadlaayana waxaa uu intaas raaiyeey oo u yidhii” ilaahay adaamaha umu kala eexan waa isku xaq waayo nabigeenni naxaarisi korkiisa ha ahaatee bilaal waxaa uu ahaa mu’aadim, manu kala jecleyn carab iyo cajab midnaa laakiin dhaqan-kiisa iyo taqwadiisa ayuunbaa cid raacinaysaa, markii nabiga la dheel-miyeey waxaa uu arkay bilaal oo kasii horeeyaa” suldaanka ayaa dar-daraan uu jeedeiyeey beelaha la hayb soco waxaana uu sheegay inay wanaajiyaan dhaqanka dhex-dooda sidaas ayaanay horumarku gaadhi karaan.

Eng xuseen Ibraahin , waxaa uu ka mid yahay masuuliyiinta Gollaha dhexe talaada haye ee Kulmiye,waxaana uu ka dhawaajiyeey salaam usoo diray muuse bixii cabdi oo hawlo u imaan waayeey munaasibadan ay soo qaban qaabisay ururka wadanigga ah ee Vosomwo, waxaa kal eoo uu sheegay inay xukuumadda ka dhalatay Kulmiye ay koru u qaaday ama tayeeysan waxbaraashadoodana bilaash ka dhigtay beelaha laga tiraada badan yahay,Eng xuseen oo arrimahaas ka hadlaya waxaa uu yidhii” marka hore waxaan salaam idiinka sidaa Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye muuse bixii oo jeclaa inuu idiinkala soo qayb gallo munaasibaddan oo u horaaba idiin kala soo qayb gali jiray, waxaan idiinku bushaareynayaa inay xukuumadda kulmiye, wax baraashadi bilaash looga dhigay beelahan gabooye oo madaxweyne siilaanyo ahmiyad gaar ah siiyeey, waxaana markhaat idiinku filan inaanta manta ay aqoonteedi ka maarmi weyday wasaaradda maaliyaddu, waxaan idiin farayaa in aad caruurtiina gur yaha kazoo saartan oo keentaan iskuullada,anaagga ayaa ballaan qaadaynaa,ilaa heer jamacadeed ilaa secontory,

Waxaa kal eoo madashaas duco aad uu badan kaaso jeediyeey sheikh cabdi raxmaan sheikh faarax oo ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda Diinta iyo aw-qaafta Somaliland. Waxaana u Sheikh cabdi raxmaan sheikh Faarax, si weyn uu faah-faahiyeey ahmiyadda ay leedahay qofka bini-aadamka ah ee la dhowro cirdigiisa,maalkiisa,adoonimadiisa.waxaana uu sheekhu waanno usoo jeediyeey cid walba inay maasul ka tahaynaa naftooda kana ilaaliso inuu ku xad Gudbo walaalkiisa muslimka ah.

Xogreebnews.com.office Hargeisa/somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured