“Anigu Somaliland Wasiir Umaan Soo Doonan, Ee Madaxweyne Ayaa Soo Doontay, Idinka Oo Og Taasi In Haddana Muuse Biixi I Garab Eridaan Xaq Iguma Lihiidin” Maxamed Biixi Yoonis

0
Wednesday December 10, 2014 - 16:11:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Anigu Somaliland Wasiir Umaan Soo Doonan, Ee Madaxweyne Ayaa Soo Doontay, Idinka Oo Og Taasi In Haddana Muuse Biixi I Garab Eridaan Xaq Iguma Lihiidin” Maxamed Biixi Yoonis

    Hargeysa (xogreebnews.com_Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay kala diray guddidii la siyaasadeeyey ee beesha Sacad Muuse ee loo maleegay inay u shaqeeyaan Muuse Biixi Cabdi si ay ugu Suntaan kalidii in uu b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com_Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay kala diray guddidii la siyaasadeeyey ee beesha Sacad Muuse ee loo maleegay inay u shaqeeyaan Muuse Biixi Cabdi si ay ugu Suntaan kalidii in uu beesha u yahay Musharax Madaxweyne Siilaanyo dabadii.
Hargeysa (xogreebnews.com_Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay kala diray guddidii la siyaasadeeyey ee beesha Sacad Muuse ee loo maleegay inay u shaqeeyaan Muuse Biixi Cabdi si ay ugu Suntaan kalidii in uu beesha u yahay Musharax Madaxweyne Siilaanyo dabadii.
Kulan ay Jilbaha is dhigeen Maxamed Biixi Yoonis iyo Guddida Horumarinta beesha sacad muuse ee la majarahabaabiyey ayaa la sheegay in uu Wasiirku dood adag ku waajahay isla markaana ku canaantay inaanay shaqadooda ahayn dhex galka siyaasiyiinta Beesha ee Xisbiga Kulmiye, isagoo ku cel celiyey in uu yahay Siyaasiga ugu Da’da weyn sadexda Musharax ee Hankooda caddeystay inay Siilaanyo dabadii tartamayaan.
Maxamed Biixi waxa uu Guddida ku canaantay iyagoo Og in uu u yimi Dalka in uu Madaxweyne ka noqdo sababta ay ugu yeedheen Guddoomiye Muuse Biixi iyo Wasiir Samaale oo ka mid ah siyaasiyiinta Beesha ee Damacooda caddeystay, waxaanu u sheegay in aanu wasiirnimo usoo doonan Somaliland ee uu yahay Musharax Madaxweyne sidaas daraadeedna hagrashada ay sameeyeen ay tahay mid Beesha Fad-qalalo lagaga dhex abuurayo.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa guddida u yeedhay shalay kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa Dalka Turkiga, kaasoo dartii uu dib ugu dhacay kulan ay hore ugu balansanaayeen, waxaanu ahaa kulan soo gabagabeeyey mashruucii siyaasadeed ee Guddida la galiyey, kaasoo ay soo qorsheeyeen Ganacsato iyo Dilaaliin ku dhex walfay siyaasadda Somaliland oo u muuqata inaanay kala lahayn Xad iyo xuduud u kala cayiman kuwa Siyaasada ku jira iyo kuwa Suuq joogta ah.
Guddida ayaa gar-waaqsatay Dooda Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, waxaanay wararka ka soo baxay kulankaasi sheegayaan in ay gabi ahaanba ka baxeen hawshii la galiyey ee ahayd inay kalsooni ka helaan sadexda siyaasi ee beesha uga sharaxan Xisbiga kulmiye, kadib markii ay shalay weydiisan waayeen Wasiir Maxamed Kalsoonidii ay ku doonayeen inay ku dhex galaan kala reebistooda oo marka horeba ahayd mid ay soo abaabushay koox taageersan Muuse Biixi.
Kalsooni siin la’aanta Maxamed Biixi Yoonis iyo tii hore ee Wasiir Samale ayaa gayaysiisay Guddidu inay ku fashilanto mashruuca la soo dhex marayey ee ay wateen Ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo Cali Gobanimo, kuwaas oo saaxiibtinimo dhaw iyo dano siyaasadeed ba la leh Muuse Biixi, isla markaana doonayey inay ka samatabixiyaan baqdinta uu Muuse Biixi ka qabo in uu kula tartamo Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ah ka awooda sharciga ah u leh soo saarista Musharaxa hela kalsoonida Xisbiga.
Wasiir Samaale iyo Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa dariiqa u jeexay Is-bahaysi adag oo ay kaga badiyeen Muuse Biixi iyo kooxdiisa kadib markii ay xaflad balaadhan si wadajir ah ay ugu qabteen Beesha Sacad Muuse, kuwaas oo ay hortooda ka sheegeen in aanay jirin Guddi dhex ah oo ay beeshu u dirsatay kala saarista musharaxiinta Beesha, iyagoo isla xafladaas si badheedj ah ugu daadifeeyey guddidan ay u quus gooyeen ee shalay soo gabagabiyeen mashruucoodii beesha khalkhalka galin gaadhay.
Rajo beelka kaga dhacay Kooxda Muuse Biixi qorshahoodii ayaa noqonaya kii sadexaad ee soo waajaha kadib markii laba jeer oo hore uu wasiir samaale kaga awood roonaaday beesha dhexdeeda iyo Golaha Dhexe-ba, waxaanu is-bahaysiga cusub ee Samaale iyo Maxamed Biixi sii galiyey laba Abudh culus oo aanay jirin cid danbe oo ka saari doontaa.
Si kasta ha ahaatee Siyaasiyiinta Beesha Sacad Muuse ee damaca leh waxa u furan in ay ku tartamaan Xisbiga dhexdiisa maadaama ay ku kala bixi waayeen shirkii Agabar oo ahaa kii ugu miisaan cuslaa ee ay beeshu yeelato, kaasoo ay kooxda Muuse Biixi ee imika guddidan soo isticmaashay hore ugu diiday inay kaga hadlaan arrimaha siyaasadda, wakhtigaas oo ay Loolanka ku kali ahaayeen Samaale iyo Muuse Biixi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured