Madasha Wada Tashiga Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray Xiisada Cusub Ee Gobolka Awda_War Saxaafadeed:

0
Wednesday December 10, 2014 - 16:07:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madasha Wada Tashiga Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray Xiisada Cusub Ee Gobolka Awda_War Saxaafadeed:

    Hargeisa(xogreebnews.com_Ujeedo: Xiisada Cusub Ka Taagan Awdal Iyo Baaq Ku Wajahan Xaalad Dajin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Ujeedo: Xiisada Cusub Ka Taagan Awdal Iyo Baaq Ku Wajahan Xaalad Dajin
Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka waxay ka xuntahay xiisada cusub ee ka iloosantay Gobalka Awadal waxaanay Madashu ku baaqasaa in xaalada la dajiyo dowlad iyo shicibba.
Xilka weyne se waxa uu saaranyahay Dowladda waayo iyada ayey waajib ku tahay in ay dadka iyo dalkaba isku wado si miyir, caqli iyo miisaanba ku jiro.
Waxa Odayaal ka soo jeedaa Gobalka Awdal Madasha u sheegeen in hadaladii ka soo baxay Suldaan ka tirsan Gobalkaa iyo nin kale oo Maayar ka ahaan jirey Magaalada Boorma ay ahaayeen kuwo ku kooban fikradda labadaa shakhsi oo keliya oo aanay ku matali karin dadweynaha reer Awadal ama Boorama midna.
Fikrad ku kooban nin ama laba ama seddex ama seddex kun, Somaliland waxba ma yeeli karto. Hore ayey u dacday; Somalilandna weli wey jirtaa waanay jiri doontaa Ilaahay Fadligii.
Ayadoo Odayaashu iskood ku tashaday kuna howl jira in ay Suldaankaa usoo caqli celiyaan ayey Xukuumadu ku talaabsatay ficilo qalafsan oo ay ka mid ahaayeen in ay Ciidamo dul toobto deegaamo ka tirasan Gobalka Awadal.
Waxaad moodaa in markasta oo ay dacado xaalad yar oo Xukuumadu aaney jecleysan ku dhaqaaqo talaabooyin dabka sii owga. Sida adeegsiga Ciidamada ama tabooyin siyaasi ah oo arrinka cakira. Hore ayey Xukuumadu taa u sameesay waxna kama faa’idin.
Hadaba, haddii aanu nahay Madasha, waxaanu ku talinaynaa sida hoos ku qoran:
In Dowlad iyo dadweyneba xaaladda la dejiyo.
In ay Dowladdu hormood arrintaas ka ahaato oo Ciidamadana ku soo celiso saldhigyadoodii.
In Odayaash reer Awadal loo daayo xalinta arrintan ka taagan Gobalka.
Waxa aanu ku kalsoonahay in odayaasha reer Awadal guul ka soo hoon doonaan arrinta. Haddii, laa samaxa Laah, taasi dhici weydo, shaqadaa waxa leh Guurtida Qaranka. Waa waxa aynu Guurtidaba u sameesanay.
Wa billaahi tawfiiq.
Xasan Guure Jamac, Axmed Ibraahim Xaaji Xasan
Gudoomiyaha Madasha Xoghayaha Guud ee Madasha



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured