Muuse Biixi Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Aragtidiisa Kulankii Ay Maxamed Biixi Iyo Samaale Ku Cadeeyeen Hankooda Madaxweyne Silanyo Ka Dib

0
Tuesday December 09, 2014 - 18:55:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Aragtidiisa Kulankii Ay Maxamed Biixi Iyo Samaale Ku Cadeeyeen Hankooda Madaxweyne Silanyo Ka Dib

    Hargeysa (xogreebnews.com_ Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horaysay ka hadlay sida uu u arko kulan qado sharaf ahaa oo ay dhawaan wasiirada arrimaha dibadda iyo maaliyadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com_ Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horaysay ka hadlay sida uu u arko kulan qado sharaf ahaa oo ay dhawaan wasiirada arrimaha dibadda iyo maaliyadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale Hargeysa,

Hargeysa (xogreebnews.com_ Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horaysay ka hadlay sida uu u arko kulan qado sharaf ahaa oo ay dhawaan wasiirada arrimaha dibadda iyo maaliyadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale Hargeysa, ku qabsadeen kaas oo ay ku cadeeyeen inay kalkan taageerayaan Madaxweyne Siilaanyo balse marka uu baneeyo ay yihiin murashixiin ka dhex tartami doona xisbiga KULMIYE.

Muuse Biixi Cabdi, oo dhawaan u waramay weriye Faysal Fadh-fadhle oo ka tirsan telefishanka Universal, ayaa isagoo ka jawaabaya sida uu u arkayay kulankaas wuxuu yidhi .”Qofkasta oo xisbiga ku jira xaq waxaa uu u siinayaa,oo uu u soo galaa in lagu doorto ama aad wax doorato,qofku xaq-buu u leeyahay in uu yidhaahdo waan is sharaxayaa,go’aankana xisbiga ayaa leh,markaa qofka KULMIYE ka mid ah ee xubinimadiisu ay saxan tahay ee golaha dhaxena soo gala,xisbigana u soo dadaalay,Qofku hadduu yidhaadho waan is sharaxayaa oo guddoomiyaha waan kula tartamayaa,xisbiga ayuunba na kala saaraya oo sida lay edbiyey [madaxweynaha looga reebay] ayuunba laysu edbinayaa”Ayuu yidhi Muj:Muuse Biixi Cabdi.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo uu weriyuhu sii su’aalay inuu cadeeyo mawqifkiisa ayaa yidhi :“Horta maxaa loo loolantamayaa, waa murashaxnimada madaxtooyada soo maaha, madaxweynahu murashax ma yahay aniga ma isqabanay oo xisbiguna edebso ma i yidhi oo ana ma qaatay, aniga oo waliba niyadsan oo imikaba la shaqaynaya madaxweynaha oo waliba dhisayna, maxaa lagu loolantamayaa. Ninka imika loolan wadaa waa xagee dee maba jiro ninkaasi, dad ayuunba wax buun buuninaya ee xagee banaan ee loo ordaa. Nimanka odayaasha ahna(Samaale iyo Biixi),waxay yidhaahdeen marka uu Siilaanyo dhamaysto wakhtigiisa, ana markaa wakhtigaygu waa uu dhamaanaya oo shantayda sano waa ay dhamaanaysaa oo kayga ayaaba ka hor dhamaanaya, kuwa Siilaanyo, dee marka Shanta Sano ee danbe la doorto, aniga hortaybuu teeramkayga guddoomiye nim dhamaanaya waa 2020-ka dee barigaa yaa joogaya,waxaanan uun u arkaayey rag odayaala oo fiican oo muxtaramiin ah,aqoona leh,dad wanaagsana oo xisbigayaga ah,oo wasiiradana meelahii ugu sareeyey haya,haddii ay yidhaahdeen madaxweynaha waan ixtiraamaya,guddoomiyahana waanu ixtiraamaynaa oo labadaba teeramkoodu waanu u daynay oo ah 2020-ka dee waa ahlan wasahlan, markaana sharciga ayaa u ogal in ay doodaan”. Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biiixi Cabdi,waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay su’aal laga waydiiyey in dad badan oo taageero u ahayd ka hor intii aanu ka tanaasulin hankiisa musharaxnimo ay ka cadhoodeen,ayaa waxaa u sheegay in waxa kaliya ee uu sameeyey ay ahayd in uu la tartamay madaxweyne Siilaanyo,madaxweynahuna uu markii danbe ka guulaystay, xisbigii KULMIYE-na aanu burburin oo uu wali yahay xisbi xaakimka talada dalka haya,isaga oo farta ku fiiqay in qofka marka hore taagerada u ahaa ee hadana ka xanaaqay aanu marka horeba u ahayn taageero dhaba, balse uu doonayey in xisbiga KULMIYE uu kala tago oo uu burburo. Waxa la su’aalay waxa uu ugu jawaabayo dadka aaminsan inuu ku danaystay shacabkii taageeray murashaxnimadiisa, waxaanu yidhi “Maxaan ku danaystay anigu, dee guddoomiyahii xisbiga ayaan ahaa, Madaxweynaha waxaan idhi waan kula tartamayaa,madaxweynahiina waa uu iga guulaystay, oo waa layga helay. joogbaa lay yidhi.T usaale ayaan ku siinayaa Obama iyo gabadhii Hillary Clinton doorashadii hore yaa ka dagaal badnaa oo ka qaylo badnaa, ma tartameen in ay u soo baxdo miyaanay ahayn murashaxnimada Maraykanka, dhaqaalaha intaas oo malaayiin ma galiyeen, intaas Tv-ga ma doodayeen, ma loo codeeyey oo ma la yidhi Clintoneey hadh, wasiir arrimo dibadeed ma noqotay, dee waa kaa xisbi nimadu, qofka leh banaanbuu nagaga tagay, xisbigiisii-buu ku jiraa, waa KULMIYE, madaxweynahiisa uun ha la doorto, maxaa dhacay ma wax weyn oo dhacay ayaa jira, xisbigu waa uu duuban yahay taladii dalka waa uu hayaa, maxaa la doonayaa, markaas hore qofkaas ayaanay daacad ka ahayn malaha taageeradiisu,muxuu doonayaa in lays khilaafo miyaa,oo aad tidhaahdaan waa idin kii kala yaacay”Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured