Liiska Magacyada Safka Hore Kaga Jira Xulista Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya ( Akhriso )

0
Tuesday December 09, 2014 - 18:52:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liiska Magacyada Safka Hore Kaga Jira Xulista Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya ( Akhriso )

    Muqdisho (xogreebnews.com_Xarunta madaxtooyada Somaliya ee ( Villa Somaliya ) ayaa waxaa si xawli ah uga socda dhaqdhaqaaqyo lagu raadinayo cidii bedeli lahayd raysal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (xogreebnews.com_Xarunta madaxtooyada Somaliya ee ( Villa Somaliya ) ayaa waxaa si xawli ah uga socda dhaqdhaqaaqyo lagu raadinayo cidii bedeli lahayd raysal
Muqdisho (xogreebnews.com_Xarunta madaxtooyada Somaliya ee ( Villa Somaliya ) ayaa waxaa si xawli ah uga socda dhaqdhaqaaqyo lagu raadinayo cidii bedeli lahayd raysal wasaaraha xukuumadii dhacday Cabdiweli sheikh. Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu weli wadaa Latashiyo uu ku baadi goobayo Ra’isulwasaaraha Cusub ee Somalia, waxaana la raadinayaa sidii uu madaxweynuhu u heli lahaa R/wasaare ku sheqeeyay nidaamkiisa si ay meesha uga baxdo isqabqabsi dambe.
La taliyayaasha waaweyn ee Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kamid ah Faarax Sheekh C/qaadir oo kaalinta koowad kaga jiray Mooshinwadayaashii kasoo horjeeday R/wasaarihii kalsoonida waayay.
Shabakada oo dadaal dheeri ah ku bixisay wax ka Ogaanshaha Shaqsiyaadka ugu cadcad qabashada Xilkaasi ayaa waxaa inoo suuragashay helida Liiska soo socdo:-
1- Bashiir Nuur Bidaar Musharax hore
2- Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka KMG wasaarada Maaliyada.
3-Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka.
4- Saciid C/llaahi Den, oo horey Wasiir Qorsheynta uga soo noqday Xukuumadii C/wali Maxa’ed Cali Gaas.
5- Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda.
6- Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya & Iskaashiga Caalamiga
7- Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Xubin firfircoon ka ah Baarlamaanka.
8- Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka.
9- C/laahi Ciilmooge oo Wasiir kasoo noqday Xukuumadii Shirdoon.
Sidoo kale waxaa jira hadal heyn ku aadan Xubno kale oo iyaguna u sharxan Xilka R/wasaarenimo, inkastoo Madaxweyne Xassan uu xooga saarayo sidii uu shaqsiyaadkaani kor ku xusan uga soo dhex saari lahaa R/wasaaraha Cusub.
Ugu dambeyn,xoggaha aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynuhuu uu doonayo si dhaqso ah inuu ku soo magacaabo ra’iisul wasaaraha,maadaama ay waqti badan ku qaadatay soo magacaabistii ra’iisul wasaarihii hore



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured