Minka Guusha Iyo Muuqaalka Xeeladaha Siyaasadeed Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani . Faalo Wariye Abdirahman Aadan .

0
Monday December 08, 2014 - 19:12:10 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Minka Guusha Iyo Muuqaalka Xeeladaha Siyaasadeed Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani . Faalo Wariye Abdirahman Aadan .

    2. Oon Doonayn Inaad Heshana Daa'in AbidkaaIntaa Kumuu Joogine Wuxuu Isku Dayay Gudoomiye Cirro Af-Ganbi Uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Kaga Faro-Maroojinayo Xisbigii Uu Aasaasay Isagoo Ka Faa'idaysanaya DAALKII ,RAFADKII IYO GUULDARADII

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

2. Oon Doonayn Inaad Heshana Daa'in AbidkaaIntaa Kumuu Joogine Wuxuu Isku Dayay Gudoomiye Cirro Af-Ganbi Uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Kaga Faro-Maroojinayo Xisbigii Uu Aasaasay Isagoo Ka Faa'idaysanaya DAALKII ,RAFADKII IYO GUULDARADII Ka Soo Gaadhay Doorashadii Madaxtinimada Ee Sanadii 2010-kii .
Waa Mar Kale Iyo Qormo Loogu Xirsi Xidhay Xarfihii Qoraaga Iyo Xigmadii Hal Abuurka Waa Xulasho Iyo Xog Ururin Daboolka Ka Qaadi Doonta Muuqaalka Xeeladaha Siyaasadeed Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani , Waa Qalin Aan Xakamaha Goosan Oo Aan U Badheedhin Xajiimaynta Iyo Xaqiraada Siyaasiyiinta Hogaamisa Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani , Mar Kale Waa Qalin Aan U Badheedhin In Uu Xarigo Muuqaalka Xeeladaha Siyaasadeed Ee Xisbiga Wandani .
Waa Qalin Bulshada U Iftiimin Doona Dhaliilaha Muga Leh Ee Dul Hoganaya Siyaasiyiinta Hogaamisa Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani , Marka Aynu Si Dhaba U Dul Joogsano Xisbigan Wali Golihiisa Dhexe Si Xeerka Waafaqsan U Shaacin Murashaxa Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenkiisa Uga Qayb Gali Doona Doorashada Madaxtinimada Ee Fooda Inagu Soo Haysa Balse Shaki Kuma Jiro In Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Uu Noqon Doono Musharashaxa Golaha Dhexe Ee Xisbiga Wadani U Soo Xuli Doonaan ,murashaxa mudaxwaynaha Qof Kula Tartami Doonaana Aanu Jiri Doonin .Hadii Ay Saadaasha Maanku Sidaa Tilmaamayso Bal Aynu Dib U Jaleecno Sooyaalka Taarikheed Ee Gudoomiye Ciro , Hadaba Sida Ku Cad Soo-yaalka Siyaasadeed Ee Gudoomiye Ciro Waa Diblomaasi Sare Oo Saafiir Dawladii Somaliya Uga Soo Noqday Dalka Ruushka Oo Waagaa Loo Yaqaanay Midawga Soofiyeeti , Kadib Waxa Uu Qoxootinimo Ugu Noolaa Wadanka Findland , Gudoomiye Cirro Wuxuu Ka Mid Yahay Aqoonyahankii Aan Halgankii Dib U Xoraynta Qaran Ee SNM Hormoodka Ka Ahayd Aan Kaga Qayb Galin DAREEN , DOOD IYO DEEQ Midna .
Mar Kale Gudoomiye Ciro Waxaa Lagu Tilaamaa Siyaasi Ay Hogaamintiisu Ka Madhantahay Wadaniyada Iyadoo Tusaale Loo Soo Qaadan Karo Mudadan ( SAGAALKA SANADOOD IYO LABADA BILOD AH ) Ee Uu Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland Uu Gudoomiyaha Ka Ahaa Aanu Marna Ka Jeedin Qudbad Dareen Wadaniyadeed Xambaarsan Oo Uu Ku Baraarujinayo , Kuna Dardar Galinayo Hawlihii Bulsho Weynta Somaliland U Soo Dooratay Mudanayaasha Golaha Wakiilada .
Mar Kale Gudoomiye Ciro Waxaa Lagu Tilmaamaa Abaal Laawe Aan La Aamini Karin Iyadoo Lagu Sababaynayo Taariikhduna Ka Marag Furayso Taageeradii Baaxada Lahayd Ee Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid ENG FAYSAL CALI WARAABE Uu La Garab Istaagay Wakhtigii Doorashadii Baarlamaanka Ee Dhacday Dabayaaqadii Sanadii 2005 Isagoo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ka Soo Xushay 21-kii Xildhibaan Xisbiga Ucid Ka Helay Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland .Isagoo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Heshiiskii Isbahaysiga Ahaa Ee Uu La Soo Galay Xisbiga Kulmiye Gor-gortan Adag U Galay Sidii Gudoomiye Cirro Uu U Noqon Lahaa Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland Isagoo Gudoomiye Cirro MAGAC Iyo MAAMUUS Distooriya Ku Helay .
Mar Kale Waxaa Marag Ma Doon Ah Hagrashadii , Xagal-Daacintii Uu Gudomiye Cirro Kula Socday Doorashadii Madaxweynaha Ee Dalka Ka Dhacday Sanadkii 2010-kii Oo Faysal Cali Waraabe-na Uu U Tartamayay Kursiga Ugu Sareeya Ee Dalka Aan-se Ku Dhaafo Murti Dhaxal Gal Noqotay .1. Baadida Ragbaa Kula Day-dayi Daalna Kaa Badin
2. Oon Doonayn Inaad Heshana Daa'in AbidkaaIntaa Kumuu Joogine Wuxuu Isku Dayay Gudoomiye Cirro Af-Ganbi Uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Kaga Faro-Maroojinayo Xisbigii Uu Aasaasay Isagoo Ka Faa'idaysanaya DAALKII ,RAFADKII IYO GUULDARADII Ka Soo Gaadhay Doorashadii Madaxtinimada Ee Sanadii 2010-kii .
Isagoo Heshiis Qarsoodiya La Sii Galay Hogaankii Ugu Sareeyay Ee Xisbiga Ucid . Sida :-
1. Gudoomiye Ku-xigeenkii Koowaad Ee Xisbiga Ucid Ee Kolkaa Marxuum Aadan Mire Waqaf .
2. Xog-hayihii Guud Ee Xisbiga Ucid Ee Kolkaa Muuse X.Muxumed Guuleed (Muuse-Inji) .
Sir Ma Qabe Alla U Sahanee .Gudoomiye Faysal Waxa Uu Hiil Ka Helay Sharciga Isagoo Kaga Guulaystay Dacwadii Ay U Gudbiyeen Kooxdii Af-Ganbinaysay Maxkamada Sare Ee Jamhuuriyada Somaliland .Abaal Laawe Gudoomiye Cirro .
Siyaasiyiintii Af Ganbiga Ka Gacan Siisay Ma Ka Dhex Muuqdeen Ururkii Wadani Ee Uu Aasaasay Mise Banaanka Ayuu Kaga Tagay , Taariikhda Waxaa Ku Xusan Oo Marag Ma Doon Ah In Uu Banaanka Kaga Tagay Oo Uu Ku Wacad Furay .Gudoomiye Ciro Ma Mudan Yahay Siyaasi Loo Abaal Galo Oo Laga Filan Karo In Uu Abaalkaa Gudo .
1. Moorada Godkeediyo Giganaha Markaan Dayay
2. Maskaxdaydu Markay Faaqidee Maanku Kala Shiilay
3. Minka Guusha Murtidaan Ku Helay Maqalka Deeqsiiya
4. Mabda Hufan Murti Koobsatiyo Erayo Maamuus Leh
5. Murti Mujaahidkii Halgamay Mahadnaqii Siisa
6. Murti Muwaadinkii DHabihi Maanka Galinaayo
7. Murti Muranka Diidanoo Bulshada Lagu Midaynaayo
8. Murti Danaystaha Maaha Tidhi Masabidkuu Sheego
9. Murti Masraxa Dhawraysoo Murashax Ceebaynin
10. Taariikh Mug Weyn , Murti Daafacdoo Masixin Sooyaalka
11. Toban Meeris Madhaal Loo Xuliyo Mahadhadaydii Dheh
12. Murti Culus Muxubona Ku Ladhan Midho Xasuuseed DHeh
13. Maamulkiyo Sharciga Dawladnimo Ma Kala Maarmaane
14. Haday Murugto Marjaca Loo Noqdona Milicsi Waayeel Dheh
.... La Soco Qormada , Qormadan Xigta Oo Diirada Saari Doonta kaalintii Aqalka Golaha Wakiilada Iyo Mudadan Sagaalka Sanadood Ah Ee Uu Hogaaminayay Gudoomiye Cirro .....Wariye Cabdiraxmaan Aadan Muxumed
Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Fadlan Iigu Soo Hagaaji
Bade400@gmail.com
Tell : +252-63-3559900



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured