Silaanyo,Amina Weris,Suleiman gaal iyo Xirsi dadka wey khiyaamayn karaan laakiin ilaahay ma khiyaamayn karaan.

0
Monday December 08, 2014 - 19:08:24 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Silaanyo,Amina Weris,Suleiman gaal iyo Xirsi dadka wey khiyaamayn karaan laakiin ilaahay ma khiyaamayn karaan.

    Silaanyo,Amina Weris,Suleiman gaal iyo Xirsi dadka wey khiyaamayn karaan laakiin ilaahay ma khiyaamayn karaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Silaanyo,Amina Weris,Suleiman gaal iyo Xirsi dadka wey khiyaamayn karaan laakiin ilaahay ma khiyaamayn karaan. Madaxtooyadu laba dagaal bay ku jirtaa. Mid waa ka shicibka iyo axsaabta mucaaradka ah midna waa dagaal ay ilaahay kula jiraan oo aanay weligood ku guuleysan doonin. Horta madaxtooyada waxa daciifiyey ee baqaha iyo wer-werka ku abuuray waa dhaartii wadanka loo dhaartay oo la bal maaray. Madaxtooyadu ilaahay wey iska ilowday iyo awoodiisa oo hadh iyo habeen khiyaamo iyo xoola xatooyo iyo falal argagixiso ah baa laga soo maleegaa. Shicibku wixii aanay ogeyn ee madaxtooyadu ku kacdo ilaahay baa og oo sir ma qabe ilaahay baa u sahana.Kibir waxay madaxtooyadu ka gaadhay waxay diyaar sadeen in Komishanka ay isku darsadaan gudoomiyaha iyo ku xigeenka iyo afhayeenka. Lama hubo in komishan kuna ilaahay ka maarmi doono oo bacdamaa ay dhaarteen ay madaxtooyada ka amar qaadan doonaan inta ay ilaahay iska ilaabaan. iyagoo garanayaan in ilaahayna iyaga ilaabi doono … Subxaa ….Waqtigii Fircoon waxa jiray nin qaaruun la yidhaa oo taajir ahaa oo kibir badnaa. Aakhirkii cadho alle ayaa ku dhacday oo qaaruun iyo xoolihiisii ba dhulka ayaa liqay. Madaxtooyada iyo inta fusuqa ka wada waxaan uuga baqayaa in dhulku liqo. Madaxtooyada dad jahaala ah baa isugu soo ururay ee waxa hubaal ah in aanay sinaba ilaahay uuga guuleysan doonin oo shicibku indhaha ka qaadi iyagoo ku guul dareystay dagaalka ay ilaahay kula jiraan. Dad imaankii laga rafacay oon lacag ka dhergeyn oon dadka iyo ilaahay toona ka xishoonayn ayaa madaxtooyada jooga. Taariikhda uun ha eegaan noocoogu darxumada uu ku danbeyn jiray.Abdi_Mustafe123@yahoo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured