Temeshlihii Gaafka ee madaxweyne siilaanyo xalay + Booqashadii Guryaha Madow Iyo Bariidadii Kuraasta madhan

0
Monday December 08, 2014 - 19:01:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Temeshlihii Gaafka ee madaxweyne siilaanyo xalay + Booqashadii Guryaha Madow Iyo Bariidadii Kuraasta madhan

    Hargeysa(xogreebnews.com_Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horeysay kormeer guddoodi ah Xalay Mirtii dhexe ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horeysay kormeer guddoodi ah Xalay Mirtii dhexe ku
Hargeysa(xogreebnews.com_Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horeysay kormeer guddoodi ah Xalay Mirtii dhexe ku tegay dhismaha xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Magaalada Hargeysa. Ma jiro waxa war ah oo Madaxtooyadu ka soo saartay guure-galka Madaxweynuhu kaga baxay Aqalka Madaxtooyada, balse sida lagu sheegay Cajilad Vedio-muuqaal ah, oo xalay Niskii dambe xilli dadka badankiisu seexday ama loo diyaar garoobayay Hurdada laga baahiyey Telefiishanada Maxaliga ah, madaxweynaha, ayaa indho-indheeyay sida la qiyaasayo Dhisme cusub oo Wasaaradaas lagu Kordhiyay iyo xafiisyadii hore.
Cajilada Vedio-ga oo muuqaalka lagu soo duubay uu dhammaa 56-ilbidhiqsi, sidoo kalena aanu ku duubnayn wax cod ah oo Madaxweynaha iyo xubnaha la socdey toona laga soo gudbiyay,hase-ahaatee, codka keliya ee laga baahiyey uu ahaa kan Weriyaha warka sheegayay uu tabinayay, ayaa lagu sheegay in safarkan Caweysnimo Madaxweynaha ay ku weheliyeen Madaxweyne-ku-xigeenka, xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Marwadiisu., waxaase sidoo kale muuqaalka laga arkayay saraakiil xilal hoose ka haya xafiisyada dawladda oo iyaguna la socday Kooxda Madaxweynaha.Geesta kale, Madaxweyne Siilaanyo oo sida Cajilada ka muuqatey ku lebisanaa Macawis iyo Go’-shaal ah, waxa Weriyuhu sheegay Madaxweynuhu in intii uu halkaa ku sugnaa uu war-bixin ka dheggeystay Wasiiradda Waxbarashada Marwo, Samsam Cabdi Aadan, oo iyadu sharaxaad ka siisay qaybaha xaruntu ka kooban tahay, sida Xafiiskeeda iyo qolaalka kalee masuuliyiinta Wasaaradu ku shqeeyaan. Ma jirin faahfaahin intaa dheer oo laga bixiyey booqashada ama kormeerka Habeenimo ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tegay Daarta cad ee loo dhisay Wasaaradda Tacliinta.Si kastaba haku yimaadeene dhacdooyinka guddoodiga Madaxweynaha la xidhiidha , ha noqoto hadal Cajilad lagu soo duubay oo laga soo gudbiyey ama bixis midkay doonto’e, ayaan ahayn kuwo bulshada reer Somaliland ku cusub.Hase-yeeshee kormeerkan la sheegay Madaxweynuhu inuu Xalay Mirtii-dhexe ku tegay mid kamid ah xarumaha Wasaaradaha, Wasiiradiisa, waxa uu noqday mid fajac, amankaag iyo Af-kala qaad ku riday bulshada, gaar ahaan intii nasiibka Xalay u heshay inay daawadaan Shaashadaha.Xiisaha ama dareenka dadku ka qaateen Caweys gudkan xalay ee Madaxweynaha ayaa sababtay inay dadku si kedis ah, isla markaana fajac ka muuqdo isugu sheegayeen dhacdadan.“..Waxaa la leeyahay goor dambe oo Caweyskii ah ayuu booqday Wasaaradda Wax-barashada…dee Mooji wuxuu ka doonaye waxaasaa iminka Telefishanka laga sii daynayaa”. Sidaasi waxa Telefoonka ugu warinayay qof kale oo saaxiibkii ah mid ka mid ah dadkii socdaalka Madaxweynaha Shaashadaha ka daawaday.Waxa ugu badan ee aad laysu waydiinayay ayaa ahayd Waa maxay kormeerka Wasaarada aan ciddi joogin Madaxweynuhu Saacadaa ku tegay.? Iyo sidoo kale, xaggee ayay ka dhacday dunida Madaxweyne, iyadoo bulshadiisii Hurudo Saq-dhexe la yidhi Kormeer-shaqo ayuu meel heblaayo ku tegay.?.
Dadka qaar ayaa u turjuman karayay in Madaxweynuhu xilligan qasriga uga soo baxay xaalad ka miisaan culus indho-indhaynta xafiisyo cidlo ah oo aanay xataa qolaalkoodu iftiin badan lahayn oo wax lagu arko lahayn.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured