Jawaari oo jagada laga tuuri rabo iyo farax cabdiqadir oo maalmo gudaheed noqonaya Gudomiye kuxigeenka barlamanka Somalia

0
Monday December 08, 2014 - 18:49:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaari oo jagada laga tuuri rabo iyo farax cabdiqadir oo maalmo gudaheed noqonaya Gudomiye kuxigeenka barlamanka Somalia

    Muqdisho(xogreebnews.com_Xogta ay helayso shabakadda warar ee xogreebnews.com_ ayaa sheegaaya in maalmo ka hor gudomiye kuxigeenka barlamanka somalia mudane jaylaani inkar lo balan qaday adun dhan half milyan dollar iyo wasiir kuxigeen Wararka sida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_Xogta ay helayso shabakadda warar ee xogreebnews.com_ ayaa sheegaaya in maalmo ka hor gudomiye kuxigeenka barlamanka somalia mudane jaylaani inkar lo balan qaday adun dhan half milyan dollar iyo wasiir kuxigeen Wararka sida qaaska ah
Muqdisho(xogreebnews.com_Xogta ay helayso shabakadda warar ee xogreebnews.com_ ayaa sheegaaya in maalmo ka hor gudomiye kuxigeenka barlamanka somalia mudane jaylaani inkar lo balan qaday adun dhan half milyan dollar iyo wasiir kuxigeen Wararka sida qaaska ah u soo garaya wakaalada wararka ee kismaayo24 ayaa waxaay tibaxayaan in gudomiyaha barlamanka Somalia mudane jawaari la marsin doono halki u maray RW abdiweli.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in si arinkaasi lo fududeeyo farax cabdiqadir oo ka tirsan team ka madaxweyne xasan sheikh laga dhigayo gudomiye kuxigeenka kowaad ee barlamanka somalia..Gudomiyaha kuxigeenka barlamanka somalia mudane jaylaani ayaa aqbalay balanqaadka lo sameyay waxa una hada diyaar u yahay in u is casilo islamarkana u booskiisa siyo farax cabdiqadir oo ay beesha shanad wax ku wada qataan. Xogtan ayaa waxay tibaxaysa in sababaha farax cabdiqadir loga dhigayo gudomiye kuxigeenka barlamanka in ay tahay beesha calamka oo diiday in farax u ka soo dhex muqdo xukumada cusub ee somalia waxana teamka madaxweyne xasan ay isla garteen in booski farax cabdiqadir lagu badalo fahad yasiin oo ah shaqsi dhowran sumcadna ku dhex leh bulshada somalida dhexdeeda.Waxaa sido kale jira cabsi laga qabo 83 xildhibaan oo ku midobay ilaalinta dastuur kuwaas oo wacad ku maray hadi la keeno xalane ama siciid dani ay xukuumadi cusub u diidi doonan kalsonida taas oo ah arin aan la dhayalsan karin waxana macquul ah marki la dhiso xukumada in ay so bixi doonan xildhibaano badan oo balanti lo qaday loga baxay kuwaas oo dhanka kale biirin doona.Sido kale kooxda madaxweyne xasan waxay damacsan yihiin in ay xilka ka xayubiyaan mudane jawaari ayado la rabo mooshinka laga keenayo jawari in u gudomo ama u qabto farax cabdiqadir oo ah gudomiye kuxigeenka barlamanka somalia.Arimahaas iyo kuwa kale oo qarsoon ayaa kooxda madaxweyne xasan ay ku go.ansaden in farax cabdiqadir laga dhigo gudomiye kuxigeenka barlamanka somalia
Faraxa cabdiqadir waxaa uu dhowrki sano ee la soo dhafay ka qaylisiyay xukumadihii wadanka so maray hadase waxa la sugaya waxa kala qabsada asaga iyo gudonka barlamanka iyo xubnaha barlamanka somali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured