Madaxtooyada oo maalmaha khamiisaha u nacday taageera yaal ku biira Xisbiga Waddani

0
Sunday December 07, 2014 - 19:13:35 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada oo maalmaha khamiisaha u nacday taageera yaal ku biira Xisbiga Waddani

    Madaxtooyada oo maalmaha khamiisaha u nacday taageera yaal ku biira Xisbiga Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada oo maalmaha khamiisaha u nacday taageera yaal ku biira Xisbiga Waddani
Madaxtooyada iyo maalmaha khamiisahu wey kala xanaaqaan oo waxy u karahday taageera yaasha xisbiga Kulmiye ka diga rogta ee xisbiga Waddani ku biira. Taliskan nugul ee hee-haabaya ee dumarku ka taliyaan ee dhagax tuurka bilaabay ayaa habeen wal oo khamiisa aan hurdo lagu ledin madaxtooyada iyaga oo ka fikara taageera yaasha ka baxa xisbiga Kulmiye ee ku qul-qula xisbiga Waddani. Waxa dhici karta maalin dhow in la xidho qofka afkiisa laga maqlo KHAMIIS. Subxaan….ilaa hada xukuumadu kamay hadal ciyaalkii ay soo dirtay ee shiiday Hotel Crown oo xisbiga Waddani xaflad uugu qabanayay taageera yaal cusub oo miisaan weyn le oo ku soo biiray. 15 ciyaalkaa ka mid ah ayaa la soo qabtay oo xidhan oo sheegay in Amina Weris iyo Zamzam iyo Amina Buuro iyo Amina tima dheer ay lacag soo siiyeen oo busus ku soo gureen si ay rebshado uugu geystaan xafladaa. Xukuumada waa naf la caarid oo wey rafanaysaa oo dhinac walba wey u rideysaa oo wey asqeysantay. Amina Weris waxa ku naaloonaysaa inay dalka xukunto iyadoo la wada ogyey Madaxweynihii la doortay in uu gaboobay oo asaasaqay oo aannu waxba xasuusan karin. Cidi Amina kula talisa waad sii joogi kartaa waa qaar iyagu danaysanaya oo iyadana jar ka tuuraya. Silaanyo awood ka sii yaraata mooyee quwad u soo kordheysaa ma jirto. Taratn doorasho ma geli karo. Laba sanadood oo loo kordhin karaana ma jirto. Amina Weris waxba yaanay dalka khal khal gelinin in ay Nairobi ku danbaynayaan waa la ogyay oo aqalo ka iibsadeen oo haday hagar daamada dalka ka deyn weydo lagaga daba tegi doono.
Abdi_Mustafe123@yahoo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured