Dalalka Itoobiya Iyo Kenya Oo Ku Heshiiyay Ciidammo Gaar Ah Oo Ka Howlgalla Xadduudka Soomaaliya

0
Sunday December 07, 2014 - 18:44:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka Itoobiya Iyo Kenya Oo Ku Heshiiyay Ciidammo Gaar Ah Oo Ka Howlgalla Xadduudka Soomaaliya

    Hargeysa(xogreebnews.com_Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa xilligan si qarsoodi ah ugu heshiiyay dhisida ciidammo gaar ah kuwaaso ka howlgallaya gobollada koonfurta ee Soomaaliya gaar ahaana xadduudka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa xilligan si qarsoodi ah ugu heshiiyay dhisida ciidammo gaar ah kuwaaso ka howlgallaya gobollada koonfurta ee Soomaaliya gaar ahaana xadduudka. Hargeysa(xogreebnews.com_Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa xilligan si qarsoodi ah ugu heshiiyay dhisida ciidammo gaar ah kuwaaso ka howlgallaya gobollada koonfurta ee Soomaaliya gaar ahaana xadduudka.Qorshahan waxaa sabab u ah weerarro joogta ah oo ka imaanaya Al-shabaab,kuwaaso dad badan ay ku laayeen gobolka ku yaalla waqooyi bari Kenya.Dhisida ciidamada gaarka ah ee wada-jirka ah oo ay Kenya iyo Itoobiya dhisayaan waa kuwo lugu doonayo si ay uga hortagaan weerarrada ay Al-shabaab geysanayso.William Ruto madaxweyne ku-xigeenka Kenya ayaa maalin ka hor sheegay in heshiis qarsoodi ah la gaareen Itoobiya, kaasoo ah inay si wadajir ah u dhisaan ciidammo si gaar ah uga howlgala Koonfurta Somalia.“Kenya waxay wadahadallo lagu aag-nabadeed looga abuurayo gudaha dalka Soomaaliya la gaarnay dhiggeenna Itoobiya. Si loo sugo amniga xuduudaha labada dal,” ayuu Ruto ku sheegay hadal uu siiyay telefishin ka mid ah kuwa dalka Kenya.Madaxweyne ku-xigeenka Kenya waxuu sheegay in Kenya ay ku kalsoon tahay inay ku guuleysato dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo sheegay in haddii ciidamadooda ay kala soo baxaan Soomaaliya ay taasi awood u siinayso Al-shabaab inay sii waddo dagaallada ka dhanka ah Kenya iyo dalalka kale ee gobolka.Sidoo kale,Ben Ochieng ayaa laga soo xigtay in hadafka dalalka Kenya iyo Itoobiya uu yahay sidi ay deegaannada ku dhow xuduudaha ay la wadaagaan Soomaaliya uga sameyn lahaayeen aag xasilloon si ay uga hortagaan weerarro ay Al-shabaab ka geysato labada waddan.Heshiiskan ayaa ku soo aadaya xilli ay dhawaan ka dhaceen weerarro ay mas’uuliyaddooda sheegatay Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo laba jeer oo kala duwan ay ku dileen dad masiixiyiin ah oo tiradoodu ahayd 64-qof.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured