Kooxo hubeysan oo saakay aroortii Degmada Dharkeynley ku dilay Haweeney u Shaqeynasay Hay’adah samafalka waxa maaliihi uu danbeeysay soo noqnoonayay diilal oo kasoo cusboonaday agaagarka muqdisho,

0
Saturday March 23, 2013 - 19:20:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo hubeysan oo saakay aroortii Degmada Dharkeynley ku dilay Haweeney u Shaqeynasay Hay’adah samafalka waxa maaliihi uu danbeeysay soo noqnoonayay diilal oo kasoo cusboonaday agaagarka muqdisho,

    Muqdisho (xogreebnews.com) – Kooxo hubeysan ayaa saakay aroortii hore ku toogtay xaafadda Celdheere ee degmada Dharkeynley haweeney ka mid ahayd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (xogreebnews.com) – Kooxo hubeysan ayaa saakay aroortii hore ku toogtay xaafadda Celdheere ee degmada Dharkeynley haweeney ka mid ahayd Kooxo hubeysan oo saakay aroortii Degmada Dharkeynley ku dilay Haweeney u Shaqeynasay Hay’adah samafalkawaxa maaliihi uu danbeeysay soo noqnoonayay diilal oo kasoo cusboonaday agaagarka muqdisho,

Muqdisho (xogreebnews.com) – Kooxo hubeysan ayaa saakay aroortii hore ku toogtay xaafadda Celdheere ee degmada Dharkeynley haweeney ka mid ahayd kuwa u shaqeeya hay’adaha safalka ee dalka ku sugan, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay iyo cidda dilkeeda ka dambeysay.

Haweeneyda la toogtay oo magaceeda lagu soo koobay Saynab ayaa waxaa toogtay laba ruux oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markiiba goobta ka baxsaday, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay ka dambeysay dilkaas.


Guddoomiyaha degmada Dharkeynley, Macallin Cabdulle Cali Hilowle ayaa u sheegay warbaahinta in kooxo hubeysan ay ku toogteen waaxda afaraad ee xaafadda Ceeldheere ee degmada Dharkeynley haweeney uu maqlay inay u shaqeynaysay hay’adaha Turkiga ee dalka ku sugan.
“Ciidamada booliiska ayaan amar ku siinnay inay baaritaanno ku sameeyaan dilka haweeneydaas loo geystay iyo kooxihii ka dambeeyay, iyaga ayaana ka warsugaynaa,” ayuu Macallin Cabdulle hadalkiisa ku daray.
Haweeneyda oo dhaawac ahaan looga qaaday halkii lagu toogtay ayaa ku naf-baxday isbitaalka Madiina ee Muqdisho, halkaasoo loola cararay si loogu soo daweeyo, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca degmada Dharkeynley.
“Dilkan wuxuu yimid iyadoo xaaladda degmada ay dhawaanahan ahayd mid aad u deggen, mana garanayno koox ka dambeysa dilka, waxaanse qabnaa in kooxaha dilka geystay ay ka tirsanaayeen Al-shabaab,” ayuu yiri Macallin Cabdulle oo sheegay inay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo falkan ciddii ka dambeysay.
Haweeneydan saakay la toogtay ayaa waxay ka dhigaysaa haweeneydii sadexaad oo bishan oo kale kooxo bastoolado ku hubeysan ay ku dileen gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo horay loo dilay gabar jaamaacad dhigata iyo haweeney ka shaqeysa isbitaal gaar loo leeyahay.
Tallaabooyinkan lagu beegsanayo haweenka shaqeeya iyo kuwa dhigta jaamcadaha ayaa ah kuwol ku cusub magaalada Muqdisho, iyadoo tani ay cabsi weyn gelinayso haween badan oo u shaqeeya dowladda iyo kuwo kale oo u shaqeeya hay’adaha samafalka.xogreebnews.com muqdisho


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured