Wasiirka Duulista Somaliland Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey 14 ka Mida Hawl wadeenada Dab-damiska Ee Madaarka Cigaal Oo Tababar Sare Dhamaystay

0
Saturday December 06, 2014 - 16:31:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista Somaliland Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey 14 ka Mida Hawl wadeenada Dab-damiska Ee Madaarka Cigaal Oo Tababar Sare Dhamaystay

    Hargeisa(xogreebnews.com_“ Waxay Xukuumaddani ku guulaysatay in Waaxda dabdamiska ee Madaarka Cigaal Ay noqoto darjada Sagaalaad, Anagoo ka soo qaadnay Darajada Labaad.”

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_“ Waxay Xukuumaddani ku guulaysatay in Waaxda dabdamiska ee Madaarka Cigaal Ay noqoto darjada Sagaalaad, Anagoo ka soo qaadnay Darajada Labaad.”
Hargeysa ( xogreebnews.com_Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shahaadooyin gu’doonsiiyey Afar iyo Toban ka mida hawl wadeena la tacaalida dabka ee Madaarka Cigaal oo Dhamaystay tababr mudo sadex bilood ah u socday.
Munaasibad kooban oo loo qabtay xidhitaanka Tababarkaasi ayaa waxa goobjoog ahaa Wasiirka Duulista, Agaasimaha Guud, Maamulka Madaarka Cigaal, iyo Sarkaal ka socday hay’ada ICAO oo isagu tababarkaasi bixiyey.
“ maanta waxaynu halkan isugu nimid inaynu shahaadooyin gudoonsiino dhalinyaradii mudada dheer tababarka ku jirtay, oo loo tababarayey waaxda dabdamiska ee Madaarka Cigaal oo ka kooban afar iyo toban qof, dhalinyaradaasi markii waxbarashada loo bilaabay waxay gaadhayeen ilaa sodomeeyo, maanta waxa inoo soo baxay, oo soo gudbay afar iyo tobankan, waxaan jecalahay inaan halkan uga mahad naqo macalinkoodii Mr. Wilyan oo runtii dadaal iyo tacab badan muujiyey, waxa kale oo aan u hambalyeynayaa dhalinyaradaasi oo iyaguna dadaal muujiyey.”
Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ masuuliyada laga doonayo halw wadeenadani waxa weeye inay ka soo baxaan hawsha la dagaalanka dabka ee Garoonkan oo noqday mid caalami ah, qaybtiisa dab-damiskuna oo aad u hoosaysay markii hore , wixii laynaga doonayeyna aad ugu hoosaysay oo darjada Labaad ahayd, waxa ay Xukuumaddani ku guulaysatay inuu noqdo darjada Sagaalaad (Certegy Nine), waxaanu samayn doonaa Goobihii biyaha lagu kaydinayey iyo Hoosooyinkii gaadiidka la dhigayey, waxa kale oo Tababar labaad la siin doonaa hawl wadeenada la tacaalida dabka.” Ayuu yidhi Wasiirku waxaanu intaasi ku daray “ Waxa aynu u shaqaynaynayaa waa qarankeena masuuliyad wayn ayaana ina saaran, waxaan idinku guubaabinaya inaad xilkaas u gudataan si wadaniyad iyo dal jacayl leh mudakarnimo ku dheehan tahay.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Md. Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ‘“Tababarkaasi waxa uu ku saabsanaa wasaaraddu sida aad ogaydeen waxa ay iibsatay oo dawladu ay maal galisay laba gaadhi oo dabdamis ah, oo uu mid yahay darajada 10-aad midna yahay darajada 9-aad oo aan waligeed Somaliland hore u iman, isla markaana labadaa gaadhi waxa ay u baahan yihiin shaqaale tababaran, oo lagu tababaro sida amaanka iyo badqabka madaarka loo sugo, runtii marka Alaab la soo iibiyo ama qalab la soo iibiyo waa in dadkii ku shaqayan lahaana la tababaraa, markaa tababarku intaas ayuu daarnaa,”
“ Ku dhawaad Sodon inan ayaa lagu bilaabay oo meesha hore u joogay, 14 ayaa hada ka qalin jabiyey shahaadadii koowaad qaybta dabka ee Hay’ada ICAO ayaa gudoonsiisay sida aad arkayseen tababar kalena waxaa loo bilaabidoonaa sanadka bilawgiisa, anaga oo jecel oo dadka reer soomaliland ugu bushaaraynayna in madaarka Cigaal uu noqon doono sanadka cusub ee bisha koowaad darajada 9-aad oo diyaaradaha waaweyan ee caalamku iman doonaan hadii Alle yidhaa” ayuu yidhi Agaasime Cumar-Sayid.
Waxa kale oo iyaguna Masaasibadaasi ka hadlay Maamule ku xigeenka Madaarka Cigaal Nageeye Maxamed Xasan iyo khabiirkii tababarkaasi bixiyey Mr. Wilyam oo iyaga ku dheeraaday faa’iida ay aqoontaasi u leedahay hawl wadeenada la tacaalida dabka ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.
Gabagabadiina Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa hawl wadeenadaasi gudoonsiiyey shadaadooyin, isaga oo sidoo kalena Shahaado sharafeed ku maamuusay Macalinkii tababarkaasi bixiyey.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured