In Ka Badan Kala Badh Wasiiradii Madaxweyne Siilaanyo Shaqada La Bilaabay Oo Banaanka Jooga Iyo Macnaha Ay Bixin Karto

0
Saturday December 06, 2014 - 16:27:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In Ka Badan Kala Badh Wasiiradii Madaxweyne Siilaanyo Shaqada La Bilaabay Oo Banaanka Jooga Iyo Macnaha Ay Bixin Karto

    Hargeysa (Xogreebnews.com— Bishii Julaay 28-keedii 2010, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo dhisay golihiisii xukuumadda ee u horeeyay oo ka koobnaa 20 wasiir iyo lix wasiir xigeen, taas oo tiro ahaan noqonaysa gole xukuumadeed oo ka kooban 26 xubnood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Xogreebnews.com— Bishii Julaay 28-keedii 2010, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo dhisay golihiisii xukuumadda ee u horeeyay oo ka koobnaa 20 wasiir iyo lix wasiir xigeen, taas oo tiro ahaan noqonaysa gole xukuumadeed oo ka kooban 26 xubnood.
Hargeysa (Xogreebnews.com— Bishii Julaay 28-keedii 2010, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo dhisay golihiisii xukuumadda ee u horeeyay oo ka koobnaa 20 wasiir iyo lix wasiir xigeen, taas oo tiro ahaan noqonaysa gole xukuumadeed oo ka kooban 26 xubnood.
Waxaana golihiisii wasiirada ee u horeeyay ay ahaayeen xukuumad kooban, laakiin iyadoo uu waqti ka yar sannad ka hadhsanyahay shantii sannadood ee la doortay Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa xiiso leh in in ka badan 50% ka mid ah 20-ka wasiir ee uu dhisay Madaxweyne Siilaanyo markii la doortay aanay hadda xukuumadiisa ka tirsanayn. Si kale haddii loo dhigo 20-ka wasiir ee u horeeyay 11 wasiir ayuun baa wakhtigan weli ka sii tirsan golaha xukuumadeed ee Madaxweyne Siilaanyo, waxaana meesha ka baxay 11 wasiir oo isugu jira kuwo la casilay iyo qaar is casilay ba.
Hase yeeshe lixda wasiir ku xigeen ayaa intooda badani weli sii joogaan iyada oo Laba ka mid ah lixdaas wasiir ku xigeen uu Madaxweynuhu xilalkii ka qaaday.
Maadaama oo sida maskaxda caadiga ah ku soo degdegaysa, marka uu madaxweynuhu xilka ka caydhiyo xubin xukuumaddiisa ka tirsan, uu macnaheedu yahay in xubintaasi ay qalad samaysay ama la qawaday kartidiisa shaqo, Laba qodob ayaa laga baran karaa in afar sanno iyo badh ka dib aanay in ka badan kala badh golihii wasiirada ee u horeeyay ka sii mid ahayn xukumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Waa qodobka koowaad’e; waxa laga fahmi karaa inaanu Madaxweyne Siilaanyo xulashada wasiiradiisa ku salayn xubno la rumayn kara barnaamijkiisii siyaasadeed ee uu ololaha ku galay oo isugu jiray arrimo bulsho, siyaasadeed iyo dhaqaale. Sida qaalibka ah marka uu hoggaamiyuhu xulanayo golihiisa xukuumadda wuxuu ka duullaa ka dhabaynta balan qaadyadii uu ololaha doorashada ku galay, waxaanu xushaa gacan-yarayaal uu aaminsanyahay inay la dhaqaajin karaan hawsha, si loo gaadho yoolka uu hiigsanayo, waxaana dunida inta badan caadi ka ah in xubnahaasi, haddii aanay sababo kale iman ay la dhamaystaan mudada uu madaxweynuhu umadda u shaqaynayo.
Qodobka labaad ee laga baran karo in in ka badan kala badh golihiisii wasiiradu isagoon dhammaysan mudadiisii xil hayneed uu wasaaradaha qaar ka bedelay afar wasiir ayaa sii xoojinaya fahamka hore, waxa aanay abuuraysaa cabsi ah in wasaaradaha masuuliyiinta badani isku weydaartaan ay gaadhi kari waayaan hiigsigii madaxweynaha iyo wax-qabadkii laga filayey ee ku salaysnaa ballan-qaadkii uu madaxweynuhu sameeyey intii uu ololaha ku jiray.
Sida caadiga ah masuul kasta oo xil loo dhiibaa waxa uu u baahan yahay in uu helo wakhti uu ku fahmo dabeecadda shaqo iyo shaqaale ee wasaaradda masuulka looga dhigay, in uu dib u eego qorshayaashii iyo siyaasaddii soo socotay, waxa qabsoomay uu qiimeeyo, dariiqa lagu socday uu isna dib u eego, iyada oo ay suurtogalba tahay in uu ku qanci waayo ama u arko in dariiqaasi gaabis yahay oo mid kale uu la yimaaddo, waana suurtogalba in uu uga sii daro. Waxa ay wasaaraddu muddo ku jiraysaa waqti kala guur u eeg, waa waqti lumaya oo ka go’an xawaarihii ay wasaaraddu ku hiigsanaysay in ay ku gaadho hiigsiga madaxweynaha, taas oo xagal daac ku keeni karta dhinaca horumarka.
Si kastaba ha ahaate, waxa muuqata in Madaxweyne Siilaanyo aanu golihiisii xukuumadda ee u horeeyay xulashadooda ku salayn aragti dheer oo ka duulaysa ka dhabaynta barnaamijkii xisbiga, waa haddii ay dhab tahay in sababta wasiirradaas loo eryey ay tahay shaqadooda oo ay ka soo bixi waayeen iyo karti darro lagu arkay, oo aanay ahayn sida ay dad badani aaminsan yihiin eri siyaasadaysan.
Gaar ahaan marka la eego sida deg dega ah ee uu xubnaha qaar xilalkii uga qaaday iyagoon laba sannadood dhammaysan, iyo sida wasaaradaha qaar dhowr jeer wasiirrada looga beddelay. Haddii aanay taasi jirin, oo ay jirto aaminsanaan ah in xulashada wasiirradaas uu madaxweynuhu ku saleeyey aragti dheer oo barnaamijka xisbiga ku salaysan, waxa la isweydiin karaa maxaa sababay in in ka badan 50% ka mid ah golihiisii u horeeyay ee xukuumadu ay afar sanno ka dib meesha ka baxaan.?
Hoos ka akhri, tobanka wasiir ee ka baxay golihiisii wasiirada ee u horeeyay oo kala ah
Wasiirkii arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose
Wasiirkii Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi
Wasiirkii maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi
Wasiirkii Caafimaad Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)
Wasiirkii Boosaha iyo isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed
Wasiirkii caddaaladda iyo garsoorka Prof. Ismaaciil Muumin Aar
Wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac
Wasiirkii kalluumaysiga, khayraadka dabiiciga ah iyo maamulka dekedaha Maxamed Yaasiin Xasan
Wasiirkii ciyaaraha, dhalinyarta iyo dhaqanka Maxamed Xaashi Madar
Wasiirkii warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire
Wasiirka xannaanada, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday
Xubnaha ka sii jooga golihii u horeeyay ayaa kala ah
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan
Wasiirka qorshaynta Sacad Cali Shire
Wasiirka hawlaha guud Xuseen Axmed Caydiid
Wasiirka gaashaan-dhigga Axmed X. Cali Cadami
Wasiirka ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif Axmed
Wasiirka Diinta iyo awqaafta Khaliil Cabdilaahi Axmed
Wasiirka macdanta iyo tamarta Dr. Xuseen Cabdi Ducaale
Wasiirka beeraha Faarax Cilmi Maxamuud
Wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured