Cukuse iyo Ilkocase oo isku qabsadey $70,000 oo ay bixisay BBC FM iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta oo mooraal jabsan

0
Friday December 05, 2014 - 19:11:36 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cukuse iyo Ilkocase oo isku qabsadey $70,000 oo ay bixisay BBC FM iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta oo mooraal jabsan

    Idaacada BBCda ayaa kirada FMta sanad walba siisa $70,000 taas oo intii siiraanyo joogay kolba cidi iska qaadto iyadoo immika ay Cukuse iyo ilkocase isku haystaan lacagtaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacada BBCda ayaa kirada FMta sanad walba siisa $70,000 taas oo intii siiraanyo joogay kolba cidi iska qaadto iyadoo immika ay Cukuse iyo ilkocase isku haystaan lacagtaa
Dhanka kalena Cukuse ayaa qiray inaay dawladii Rataale dhaantay xaga xoriyatul qawlka Hadalkan wasiirka ka soo yeedhay waxa uu ku sheegay mar uu ka hadlay soo dhaweyn ay masuuliyiin badani ka qaybgaleen oo ay ku soo dhaweynayeen wafti reer Jabuuti ah oo uu hogaaminayay wasiirka diinta iyo dhaqanka oo safar booqasha ah ku yimid Hargeisa.Wasiirka oo ka hadlayay ismaandhaafka weyn ee dhexyaala maamulka uu ka tirsan yahay iyo saxaafada madaxa banaan ayuu qiray in aan waligii saldhig boolis looga yeedhin. Taas oo uu wasiir Cukuse uga gol lahaa waqtigii uu ka midka ahaa saxaafada madaxa banaan ee uu soo saari jiray jaraa’idkiisa Saxansaxo inaan loo geysan wax tacadi ah oo ay ugu yar tahay in saldhig boolis looga yeedho. Waxa xasuus mudan in waqtigaas uu wasiirku saxaafada soo saarayay uu dalka hogaaminayay maamulkii mudane Daahir Rayaale Kaahin.Hadaba waxaa aan xasuusan nahay habdhaqankii ka fogaa dhexdhexaadmida iyo anshaxa saxaafada ee uu jariiradiisa Saxansaxo ku kici jirtay iyo waxyaabaha xasuusta reebay ee uu ku daabici jiray wargeyskiisa. Geesta kale marka la barbardhigo maamulka maanta jira ee wasiirka ka dhigtay iyo maamulkii madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Daahir Rayaale ayaa waxa ay aad ugu kala duwanaayeen dhiirigalinta dimuqraadiyada iyo dhaqankii dulqaadka lahaa ee saxaafada xorta ah. Maantana waxaan ognahay sida loo cabudhiyo saxaafada xorta ah, loogu caga jugleeyo iyo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ay maamulka uu madaxda ka yahay Siilaanyo u geystaan qeybaha bulshada, saxaafada madaxa banaan iyo xisbiyada siyaasada.
Dad badan ayaa aaminsan in wasiirkani masuul ka yahay falalka cabudhinta iyo xadgudubyada xuquuqaha dimuqraadiyadu ay hoos u riday sumcadii xukuumada madaxweyne Siilaanyo, taas oo maanta mareysa halkii ugu hooseysay abid.farxaan aw cismaan
caanoole25@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured