Baarlamaanka Somalia Oo Berri Kala Reebaya Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Somaliya

0
Friday December 05, 2014 - 18:43:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Somalia Oo Berri Kala Reebaya Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Somaliya

    Muqdisho (xogreebnews.com— Baarlamaanka Somalia, ayaa maalinta bari ah go’aan ka gaadhaya Xukumadda Ra’isal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ka dib markii maalmihii la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (xogreebnews.com— Baarlamaanka Somalia, ayaa maalinta bari ah go’aan ka gaadhaya Xukumadda Ra’isal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ka dib markii maalmihii la
Muqdisho (xogreebnews.com— Baarlamaanka Somalia, ayaa maalinta bari ah go’aan ka gaadhaya Xukumadda Ra’isal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ka dib markii maalmihii la soo dhaafay ay si weyn uga doodeen Mooshinka xukumadda ka dhanka ah.
Afhayeenka Baarlamaanka Somalia ayaa mudaneyaasha u sheegay in Ra’isal wasaaraha oo xaq u lahaa inuu Baarlamaanka horyimaado islamarkaana iska difaaco Eedaha Mudaneyaasha Mooshinka wataa u jeedinayaan uu door biday inaanu hor iman islamarkaana uu ku qancayo Go’aan kasta oo ka soo baxa Golaha.
“Ra’iisul wasaaraha wuxuu xaq u leeyahay inuu baarlamaanka Somalia hor-yimaado oo uu iska difaaco eedaha loo jeediyay xukumaddiisa, balse wuxuu go’aan-saday in arrintiisa ay baarlamaanka go’aan ka gaaraan,” ayuu sheegay Mr Jawaari.130 Mudane ayaa ku saxeexan Mooshinka ka dhanka ah Ra’isal wasaaraha iyo xukumaddiisa.muran adag oo golaha soo dhex galay ayaa lagu xalliyay in sharciga la mariyo Mooshinka islamarkaana Sabtida Codka Kalsoonida loo qaado Xukumadda.Ra’isal Wasaaraha oo mudo hal sano ah xilka hayay ayaa haddii uu barito waayo Codka Kalsoonida noqonaya Ra’isal wasaarihii labaad ee mudo kooban ku waaya Kalsoonida Baarlamaanka tan iyo intii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Xilka hayay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured