halkan ka akhri Shakhsiyadda Dhabta ah ee Wiilka Madaxtooyadu Ku Biiliso Cayda iyo Aflagaadada Madaxda Mucaaradka. Qormadii 1 aad:

0
Wednesday December 03, 2014 - 17:16:35 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkan ka akhri Shakhsiyadda Dhabta ah ee Wiilka Madaxtooyadu Ku Biiliso Cayda iyo Aflagaadada Madaxda Mucaaradka. Qormadii 1 aad:

    Soomaalida ayaa ku maah maahda ninkii soo joog laga waayo soo fadhiiso ayaa laga helaa,hada wiilka yare e uu Xirsi adeerka u yahay ee uu ku biiliso cayda iyo aflaagaadada ee uu u furay wargeys la yidhaahdo Somaliland today,wiilka ayaa waxa uu ka arad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida ayaa ku maah maahda ninkii soo joog laga waayo soo fadhiiso ayaa laga helaa,hada wiilka yare e uu Xirsi adeerka u yahay ee uu ku biiliso cayda iyo aflaagaadada ee uu u furay wargeys la yidhaahdo Somaliland today,wiilka ayaa waxa uu ka aradan yahay
Soomaalida ayaa ku maah maahda ninkii soo joog laga waayo soo fadhiiso ayaa laga helaa,hada wiilka yare e uu Xirsi adeerka u yahay ee uu ku biiliso cayda iyo aflaagaadada ee uu u furay wargeys la yidhaahdo Somaliland today,wiilka ayaa waxa uu ka aradan yahay dhamaam milgaha iyo sharafta saxaafadda oo wuxuu caado ka dhigtay in uu cay iyo aflagaado la daba taagnaado madaxda xisbiyadda mucaaradka oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe,Murashaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI C/raxmaan Cirro.
Hadaba wiilkan ooh ore u ahaan jiray wiil ka shaqeyn jiray XAMAAM ku yaala magaaladda BURCO oo uu lacagta dadka isticmaala XAMAAMKA ka ururin jiray ayaa waxa laga eryey XAMAAMKII uu ka shaqeyn jiray ,kadib waxa uu shaqo ka helay hudheel ku yaala magaaladda BURCO oo mudo ka shaqeynayey kadibna waa laga eryey hudheelkii uu ka shaqeyn jirtay wiilkan MUNIIR ,markaasu hudheel kale oo ku yaala Berbera nin ay ilmaadeer yihiin ayaa geeyey shaqada hudheelka berbera , mudo ayuu halkaasi ka shaqeyn jiray kadib dad badan ayey halkaasi isku barteen oo uu u aduugi jiray, hudheelkii ayaa kacay markaa ayuu hargeysa yimid ,nin ay qaraabo yihiin ayaa dejiyey hudheel oo ku yidhi bal inta wax shaqo ah la helayo halkaasi ku jir,isagoo halkii sidii ugu jira ayuu ilahay u keenay gabadh sharaf mudan markaa ayey halkii gabadhii isku barteen kadibna wuu guursaday,ku darso gabadhu waxay ka timid qurbaha ,kaidbna waxay kaxaysay oo qurbihii ayey geysay wiilkii MUNIIR.
Hadaba maxaa dhacay markii u qurbaha tegay MUNIIR markii uu helay sharcigii dalkii ay geysay gabadhii sharafta lahayd ee uu guursaday sida ay yihiin qaar badan oo soomaalida ka mid ah oo abaal laa’wayaal ah gabadhii ayuu ku kibray oo wuxuu ku dhidhi kol hadii aan sharcigii helay waan guursanaya ee waxaan doonayaa in aan ku fasaxo,sidii ayuu gabadhii ku fasaxay oo wax abaal ah haba yaraatee umuu reebin inantaasi karaamada mudneyd.
Mudadii uu joogay qurbaha waxa soo gacan qabtay rag badan oo hada qaar kood masuuliyiin yihiin oo moodayey in uu abaal leeyahay balse aan xasuusneyn adeerkiiTIMIR DUCAALE IYO ABAAL LA’AANTII U KU CAAN BAXAY,waxay ka dhigeen isagoo aan haba yaratee wax aqoon iyo xirfadtoona lahayn suxufi oo waxay ka hawl galiyeen qaar ka mid ah warbaahinta,oo nimankaasi masuuliyiinta ah awgood loo shaqa geliyey, qofku waxa wanaagsan in uu barto xirfadda uu markaa ku shaqeynayo oo uu aqoon korarsi sameeyo balse ninkii wax aqoon korarsi ah ma sameyn ee sidii ayuu u yahay suxufi oo weliba markii xukuumadda siilaanyo dhalatay ayuu wasiir Xirsi u yeedhay oo uu ku yidhi wargeys aad xukuumadana ku difaacdid mucaaradkana aad ku caydid ayaan ku furayaaye kaalay,sidii ayuu dalka ku yimid oo wargeyskii ayaa loo furay oo kharashka waxa laga bixiyaa madaxtooyadda oo mucaaradka uu caayayo ee uu habeen iyo maalinba aflagaadaynayo cashuurta ay bixiyaan ayuu hadana dib ugu cayaa.
La soco taxanaha danbe oo siro fara badan aan ku soo bandhigi doono
Qalinkii:Axmed C/irsaaq Maxamed
Email:axmed-1994@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured