" Haddaad i taageersan tahayna waxaad doontid samee, haddii aad i diidan tahayna waa lagu xidhayaa dhalinyaradda Jidaali ma qabato " xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yusuf Kayse Abdi_Laahi

0
Wednesday December 03, 2014 - 16:55:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Haddaad i taageersan tahayna waxaad doontid samee, haddii aad i diidan tahayna waa lagu xidhayaa dhalinyaradda Jidaali ma qabato " xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yusuf Kayse Abdi_Laahi

    Hargeisa(xogreebnews.com_Dhalinyaradaasi oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada JIIDALI Md Cabdiraxman Xasan Aadan oo isagu muddo dhawr todobaad ah Xabsigga ugu jira Sifo sharci-daro ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Dhalinyaradaasi oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada JIIDALI Md Cabdiraxman Xasan Aadan oo isagu muddo dhawr todobaad ah Xabsigga ugu jira Sifo sharci-daro ah.
Hargeisa(xogreebnews.com_Dhalinyaradaasi oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada JIIDALI Md Cabdiraxman Xasan Aadan oo isagu muddo dhawr todobaad ah Xabsigga ugu jira Sifo sharci-daro ah.
_Somaliland,Hargeysa -Head Office -WAR_MURTIYEED-Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Waxaa Uu Marlabaad War_Murtiyeedkan Ka Soo Saarey Xadhiga Iyo Awood Sheegashada Sharc_Jabinta Ah ee Lagu Haysto Masuuliyiinta Ururka Dhalinyarada Jiidali
Hadaba Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID isagoo ka xun tacadiyadda iyo hagar-daamooyinka ay xukuumadda xisbiga Kulmiye mar walba kula kacdo muwaadiniinta dalka, isla markaana fulinaya waajibaadka ka saaran ilaalinta wada-jirka iyo walaalnimada shacbiga reer Somaliland, waxaanu si adag u Cambaaraynaynaa xadhiga ay xukuumadu kula kacday Dhalinyaradda ururka JIIDALI.
Dhalinyaradaasi oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada JIIDALI Md Cabdiraxman Xasan Aadan oo isagu muddo dhawr todobaad ah Xabsigga ugu jira Sifo sharci-daro ah.
Waxaa sidoo kale habeen dhawayd ay RRU-du sifo sharciga baalmarsan uga kaxaysay Hotelka Crown ee magaaladda Hargeysa, Xoghayaha ururka JIIDALI Md Faysal Cumar Madar iyo Cabdi Bedel Cumar, Maxamed Cabdikariim oo iyaguna ka mid ahaa hogaanka ururka JIIDALI
Maalinba maalinta ka danbaysa waxa sii badanaya tacadiyadda, cadaadiska iyo xad-gudubyada ka dhanka ah xoriyatul-qawlka ee ay ku kacayso xukuumadda taladda haysa. Xukuumaddan oo cid kasta oo ay ku tuhunto in ay aanay raacsanayn ama Taageersaneyn Xisbigga Kulmiye u taxaabaysa jeelka.
Anagu Xisbi ahaan waxaanu aaminsan nahay in dawladdu ay xidhi karto dadka haddii loo maro sifo sharciga waafaqsan, laakiin xadhigyaddan ku waajahan dhalinyaraddu waa qaar siyaasadaysan oo lagu cabudhinaayo fikrika dhalinyaradda. Iyagoo ka dheregsan shacabka Somaliland, waxa uu xisbigga UCID ugu baaqayaa in ay indho-qudhaanjo ku eegaan tacadiyadda iyo xadhigga tiro beelay ee bilaa sharcigga ah ee ay xukuumadeenu la beegsatay dhalinyaradeena Intii ka Hadhey Tahriibka mudooyinkii ugu danbeeyey. Dhalinyaradaas la xidh-xidhay oo ka soo kala jeedday qaar ka mid ah magaalooyinka dalka sida Gabiley, Wajaale, Hargeysa, Berbera, Gar-adag, iyo Burco.
Haddii ay sidaas kusii waddo xukuumadda Somaliland xadhiga iyo tacadiyada ka dhanka ah Xoriyatul-qawlka waxa burburaya oo dhaawac wayni soo gaadhayaa wada-jirka shacbiga Somaliland.
Muwaadiniinta dalku waxay u baahan yihiin in la dhawro, Xuquuqdooda Shakhsinimo iyadoo ay jiraan awoodo uu distoorka dalku uu siinayo muwaadiniinta dalka oo uu u Ogolyahay inay isku abaabulaan ururo ay ku horumarinayaan ama ay ku kobcinayaan baahiyahooda Aas-aasiga ah ee gaarka ah ama danta caamka ah ee qarankaba. Waxa taasi markhaati ka ah oo aad Warbaahinta ka aragteen iyadoo ay xukuumadeenu ay ka qayb gashay xafladdo tiro badan oo dad ururo dhalinyaro isku abaabulay ay jireen. Xisbigga talladda haya ee Kulmiye ayaa shirweynahiisii u danbeeyey beello isku qaybiyey oo tusay shacabka Somaliland in ay saamax tahay in qabyaalad dadka lagu kala sunto. Waananu ka xunahay in uu xisbigga Kulmiye is dhex-geliyo qabyaaladdii iyo xisbiyahanimaddii oo wasiiradda xukuumadda ka soo jeeddaa ay habeen iyo maalin xafladdo ugu sameeynayaan huteeladda dalka hab qabyaaladaysan oo ay taageero ugu raadinayaan xisbigga talladda haya ee Kulmiye iyagoo isticmaalaya xoolahii ummadda danyarta laga soo ururiyey.
Takooridda dhalinyaradda ee xisbigga Kulmiye wuxuu ka dhigan yahay mid odhanaaya
« Haddaad i taageersan tahayna waxaad doontid samee, haddii aad i diidan tahayna waa lagu xidhayaa ».
Ugu danbayn Xisbigga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa in si deg-deg ah xoriyadooddii ugu soo celiso oo ay u sii dayso hogaanka iyo xubnaha ururka dhalinyaradda ee JIIDALI, Isla markaana ay ka deyso cabudhinta saxaafadda madaxa banaan iyadoo imika xadhiggii ugu dartay canshuuro dheeraad ah oo micnahooda guudi uu yahay CABUDHIN. Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa in ay ku mashquulto danta qaranka Somaliland ee loo doortay, dhalinyaraddana u raadiso sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa oo loo yarayn lahaa tahriibta ragaadisay dhalinyaradeenii.
Wa bilaahi Tawfiiq
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID
Yusuf Kayse Abdi_Laahi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured