Ilaa 6 Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Afaafka Hore Ee Madaarka Diyaaradaha Muqdisho ( Daawo Sawirada )

0
Wednesday December 03, 2014 - 16:36:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilaa 6 Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Afaafka Hore Ee Madaarka Diyaaradaha Muqdisho ( Daawo Sawirada )

    Muqdisho (xogreebnews.com— Qarax Xoogan ayaa saaka ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan iridka hore ee Shirkada Diyaaradaha Jubba Airweys.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (xogreebnews.com— Qarax Xoogan ayaa saaka ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan iridka hore ee Shirkada Diyaaradaha Jubba Airweys.

Muqdisho (xogreebnews.com— Qarax Xooganayaa saaka ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan iridka hore ee Shirkada Diyaaradaha Jubba Airweys.

Qaraxa ayaa ka dhashay Gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay , waxaana Warar kala duwan oo soo baxaya sheegayaan in Qaraxa lala eegtay gaadiid Kolonyo ah ay la socdeen Wafdi kasocday Qaramada Midoobay oo halkaasi marayay.

Warar kale oon helnay ayaa iyana sheegaya in Gaadhiga qarxay ay ka shakiyeen Ciidamada Dowlada waxaana markii damceen in ay baadhaan durba halkaasi ku qarxay gaadhigaasi oo nuuciisa lagu sheegay Noah uuna watay Wiil Dhalinyaro ah.

Afhayeenka Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay fashiliyeen gaadhi Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu weeraro gudaha Garoonka Aadan Cadde.

Inta la xaqiijiyay lix qof uu ku jiro Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida Degmada Wadajir ayaa qaraxaasi ku dhintay , waxaa sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray Ciidamo katirsan Dowlada iyo dad rayid ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Dadka Waxyeelada uu gaarsiiyay qaraxan ayaa lasoo sheegayaa in ay ku jiraan dad maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kuwaa oo ka yimid wadamo qurbaha ah sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal.

Qaraxa ka dhacay agagaarka Garooka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa yimid xili ay Garoonka ka dhoofeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno katirsan Dowlada oo Baydhabo u aaday ka qeyb galka Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.l











xogreebnews.com_Muqdisho



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured