Mooshinka Ka Dhanka Ah Raysal Wasaaraha Oo Loo Qaybiyay Xildhibaanada Barlamaanka ( SAWIRRO )

0
Tuesday December 02, 2014 - 19:10:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooshinka Ka Dhanka Ah Raysal Wasaaraha Oo Loo Qaybiyay Xildhibaanada Barlamaanka ( SAWIRRO )

    Muqdisho (xogreebnews.com_— Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaada ah isugu yimid kulan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (xogreebnews.com_— Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaada ah isugu yimid kulan, Muqdisho (xogreebnews.com_— Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaada ah isugu yimid kulan, shirguddoonku u ballamaiyey si loo qaybiyo Mooshin ay keeneen qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka kaas oo dhigaya in codka kalsoonida loo qaado xukuumadda Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh.

Fadhiga maanta ayaa ka duwanaa saddexdii fadhi ee la soo dhaafey, waxaana uu ahaa mid deggan oo xildhibaanadu si habsami leh loo xaadiriyey kooramka, waxaana maanta la xaadiriyey 207 Xildhibaan oo ka mid ah 275 Xildhibaan ee Baarlamaanku ka kooban yahay.

Xildhibaanada ayaa loo qaybiyey ajandaha kalfadhiga oo uu ugu horeeyo Mooshinka, waxaana ku xigey Miisaaniyadda Dowladda 2015, iyo Hindise sharciyeed guddiga madaxa banaan ee xuduudaha gobolada iyo federaalka, sidoo kale waxa ajandaha maanta ka mid ahaa dhaarinta Xildhibaan cusub oo beddalaya madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Adam, kaas oo lagu beddalay nin ay walaalo yihiin.

Xildhibaanada ayaa la siiyey in ay soo akhristaan Mioshinka maanta oo Talaada ah iyo Arbacada, waxaana doodu bilaameysaa maalinta Khamiista ah, iyada oo Sabtida ay dhacayso codeynta Mooshinka.

Guddoomiayha Baarlamaanka ayaa sheegay in Mooshinku aanu la dhaafeyn maalinta Sabtida ah, Khamiista labada gelinba la shaqeyn doono sidoo kale Sabtida la shaqeyn doono laba gelinba.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in codeyntu noqon doonto mid qarsoodi ah oo xildhibaandu waraaqo ku codeyn doonaan Haa iyo Maya, waxaana ay noqon kartaa fallaartii cirka loo ganey qof walboow filo.

Haddii Mooshinku aanu helin cod ku filan oo aqalabiyad ah, waxaa Raysalwsaare cabdiweli Shiikh noqonayaa Raysalwasarihii labaad ee ka badbaada Mooshin kadib Cali Maxamed Geedi sanadkii 2006, waxaana xukuumaddiisu heleysaa in aan wax mooshin ah laga keeni karin muddo 6 bilood ah.

Dhanka Xafiiska Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in ay ku mashquulsan yihiin qofkii beddeli lahaa Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed iyaga oo isa siiyey in Mooshinku guuleysan doono.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured